Skip to main content

Caano liska ah (aan la karkarin) & wax yaabaha caanaha laga sameeyo oo qaydhiin/cayriin

Caano liska ah (aan la karkarin) & wax yaabaha caanaha laga sameeyo oo qaydhiin/cayriin

Raw (unpasteurized) milk facts in Somali

Waa maxay caanaha liska ah?

  • Caanaha liska ah waa caano ka yimaada xawayaanka, caadi ahaan lo'ada iyo riyaha, kuwaas oo aan la kar karin si looga dilo jeermiska ka yimid xawayaanka ee ku jira caanaha liska ah.
  • Dadka qaar waxa ay rumaysanyihiin in caanaha liska ah ay ka nafaqo badanyihiin caanaha la karkariyay; si kastaba ha ahaatee nafaqooyinka ugu muhiimsan ee caanaha ku jira ma saamayso karkarintu.
  • Faytamiin D, taasoo horumarisa awoodda jidhku uu ku nuugo kaalshiyamta, waxay aad ugu badantahay caanaha la karkariyay maxaa yeelay faytamin D waxa ay ku darsantaa marka la farsamaynayo.

Wax khatar ahi ma ku jirtaa qaadashada caanaha liska ah iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo ee qaydhiin/cayriin?

  • Haa. Caanaha liska ah iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo ee qaydhiin, sida burcadka, jiiska iyo caano-fadhiga waxa ay ku wasikhoobi karaan bakteeriyo waxyeelo leh waxayna sababi karan cuduro faafa oo ay ka mid yihiih:
    • Shuban iyo jirrooyin kale oo ka yimid cudurada CampylobacterSalmonella, ama E.coli bakteeriya
    • Waxyeelo daran oo kellida ah kana yimaadda cudurka E. coli O157:H7 (lagu magacaabo hemolytic uremic syndrome, ama HUS)
    • Ilmaha oo soo dhaca(dhicis) iyo xanuun daran ama dhimashada kuwa dhawaan dhashay kuwaasoo ay hooyadood qabto bakteeriyada Listeria marka ay uurka leedahay.
    • Laf, kala goys xubin kale oo nidaamka cudurka bakteeriyada kana yimid Brucella (brucellosis)
    • Oof wareenka, maaninjaytiska (ololka daboolka maskaxda) ama caabuq/infekshan beerka ama wadnaha oo ka yimid Coxiella burnetii (xummadda Q)
  • Wadamada qaar, caanaha aan la karkarin waxaa sidoo kale wasikhayn kara bakteeriya sababta cudurka qaaxada iyo cudurka qowracatada.
  • Dadka difaaca jidhkoodu awood yaryahay, carruurta yaryar, dadka waayeelka ah, iyo dumarka uurka leh waxay ugu jiraan halis isa soo-taraysa cudurada ba'an ee laga qaado caanaha liska ah ama aan la karkarin iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo ee qaydhiin/cayriin.

Waa maxay karkarinta caanahu?

Karkarinta caanahu waa hanaanka lagu karkarinayo caano oo waa habka lagu kululeeyo caanaha qaydhin si looga dilo bakteeriyada wax yeelada leh.

Sidee ayaan uga hortagaa cudurka ka yimaada waxyaabaha caanaha lagasameeyo?

  • Si aad xanuunka isaga ilaaliso. Qaado ama cab caano la karkariyay. Khaas ahaan waa muhiim in carruurta yaryar, dadka waayeelka ah, iyo dadka difaaca jidhkoodu uu daciifka yahay ay qaataan oo keliya caanaha la karkariyay iyo waxyaabaha laga sameeyo caanaha.
  • Akhri qoraal ka raacsan!Gobolka Washington waa sharci in la iibiyo caana liska ah laakiin caanaha qaydhin waa in si cad qoraal loo raaciyaa.

Xagee ayaan ka heli karaa xogta dheeraadka ah ee khataraha caafimaad ee caanaha liska ah?

Food Safety and Raw Milk, CDC

expand_less