Skip to main content

Xaqiiqooyinka Bakteeriyada (cudurka sababa jeermis fac)

Xaqiiqooyinka Bakteeriyada (cudurka sababa jeermis fac)

Yersiniosis in Somali

Muxuu yahay?

Bakteeriyada yersiniosis waa jeermis sababa bakteeriyada Yersinia. Bakteeriyada yersinia waxaa laga hellaa saxarada dadka xanuunsan iyo xayawaanka iyo noocyo cuntada kamid ah.

Maxay yihiin calaamadaha cudurkaan lagu garto?

  • Calaamadaha guud ahaan waxay biloowdaan 3 illaa 7 maalmood kadib marka lahelo waxaana kamid ah:
    • Shubban biyoodle ah (mararka qaarna dhiig leh)
    • Xanuun caloosha ah (waxaa lagu khaldaa qabsinka)
    • Qandho
  • Dadka qaarkii malahan wax calaamado ah, hadana sidaas ay tahay waxay bakteeriyada kusidi karaan saxaradooda. Dadka kuwaas oo aanan u qaadan daawada antibiyootikada xanuunkooda waxay bakteeriyada kuhayn karaan saxaradooda 2 illaa 3 billood, xitaa haddii aynaan qabbin wax calaamado ah.

Sidee ayuu u faafaa?

  • Cunnida cunto ceyriin ah ama hilib doofaar oo aan karsanayn ama hilibka doofaarka ayaa ah isha ugu baddan ee jeermiska ka imaado. Gacanta oo lagu qabto mindhicirta doofaarka (mindhicirta doofaarka) waxay gaar ahaan noqon kartaa mid halis ah.
  • Cunida cuntada ama cabbida biyaha lagu wasakheeyay saxaro ama kaadi ka ahaatay xayawaan jiran ama xayawaanada guriga lagu rabbaayadeeyo (ayagu waxa dhici karta in aysan lahayn wax calaamado ah).
  • Cabbida caano aanan lakarkarin (ceyriin ah) sidoo kale waxay noqon kartaa il jeermisku kayimaado.
  • Dadka jiran kuwaas oo aanan sifiican isaga dhaqin gacmahooda kadib marka la isticmaalo musqusha ayaa u faafin kara jeermiska dadka kale.

Sidee bakteeriyada Yersinia lagu aqoonsadaa laguna daaweeyaa?

  • Yersinia waxaa lagu aqoonsadaa baaritaan lagu sameeyo saxarada lagana fiirinayo bakteeriyada.
  • Antibiyootikada waxaa loo qori karaa in lagu daaweeyo jeermiska.

Sidee jeermiska Yersinia looga hortagi karaa?

  • Kafogoow cunnida hilibka doofaarka aan sifiican u karsanayn — marwalba gebi ahaan kari hilibka iyo wax soo saarada hilibka.
  • Keliya cab caanaha kuwaas oo lakarkariyay.
  • Si wanaagsan ugu dhaq gacmahaada saabuun iyo biyo kulul kadib marka aad isticmaasho musqusha, iyo kadib marka aad bedesho xafaayada, kadib marka aad gacanta kutaabato xayawaanka, kahor inta aadan cunin, iyo kahor iyo kadib marka aad cuntada diyaarinayso.
  • Ka ilaali alaabta biyaha dadka iyo xayaawaanka qashinkooda.

FIIRO GAAR AH: Dadka qabba shubban waxa khasab ku ah in aysan u diyaarin ama u adeegin cunto iyo cabbitaano dadka kale, bixin daryeel cunug, ama bixin daryeel caafimaad. Caruurta qabba shubban waxa khasab ku ah in aysan tegin xarunta daryeelka cunuga ama iskuulka.

expand_less