Skip to main content
King County logo

Maaskaro wali waa aalad muhiim ah oo gacan ka geysaneysa xaddidaadda fiditaanka COVID-19.

Dadka difaac-jireedkooda liito, kuwa aan la tallaalin, ama dareemaya jirro waa inay xidhaan maaskaro si ay naftooda iyo kuwa kaleba u difaacaan marka ay joogaan gudaha meelaha caamka ah. Carruurta da'doodu tahay 2-4 jir waxaa lagu dhiirigelinayaa inay xidhaan maaskaro oo ay kormeerayaan dadka waaweyn. Dhallaanka iyo socod baradka da'doodu ka yar tahay 2 sano waa inaysan waligood xidhaan maaskaro.

Maaskaro ayaa looga baahan looga baahan:

  • Xarumaha daryeelka caafimaadka oo ay ku jiraan isbitaallada, goobaha bukaan-socodka, goobaha lagu daweeyo ilkaha, iyo farmashiyeyaasha
  • Goobaha daryeelka muddada-dheer
  • Xabsiyada ama goobaha dhaqan celinta

Ganacsiyada gaarka loo leeyahay, ururada, dugsiyada iyo goobaha xannaanada carruurta ayaa laga yaabaa inay kaaga baahdaan inaad maaskaro xirato. Waad ku mahadsan tahay ixtiraamka doorashooyinka dadka si ay u sii wataan xirashada maaskaro.

Hadii difaac-jireedkaada liito, ama wali lagu tallaalin:

  • Xiro maaskaro dhamaystiran, tayo sare leh oo daboolaya sankaaga iyo gadhkaaga.
  • Xiro maaskaro tayada ugu fiican ee aad heli karto. Tusaalooyinka, sida ay tayada u kala horreeyaan waa:
    1. Maaskaro N95, KN95, ama KF94 oo la xaqiijay tayadooda; ama
    2. Maaskaro nooca loo yaqaano (Surgical masks); ama
    3. Maaskaro ka sameysan maro oo leh lakabyo badan oo neefsasho ah.

Haddii lagaa helo ama lagu qaadsiiyo COVID-19:

  • Xiro maaskaro dhamaystiran oo tayo sare leh muddo 10 maalmood ah.

Macluumaad

Boorarka

Goobaha maskarada looga baahan yahay ayadoo la raacayo sharciga federaalka iyo kan gobolka

Boodhadhkan waxaa loogu talagalay in lagu isticmaalo meelaha sharciga federaalka iyo gobolka uu uga baahan yahay xirashada maaskaro (boobaha daryeelka caafimaadka, daryeelka muddada-dheer, gaadiidka dadweynaha, tagaasida/ baabuurta la wadaago, xabsiyada ama goobaha dhaqan celinta).

Ganacsiyada, shaqaalaha, dugsiyada, goobaha xanaanada caruurta, iyo ururada

Ganacsiyada gaarka loo leeyahay, ururada, dugsiyada iyo goobaha xannaanada carruurta ayaa laga yaabaa inay wali doortaan inay lahaadaan shuruudaha maakarada, xitaa ka dib marka la qaado shuruudaha dawladda ee maaskarada. Boodhadhkan waxaa isticmaali kara xarumaha doorta inay dejiyaan siyaasadooda maaskarada.