Skip to main content

Baaritaanka COVID-19

Baaritaanka COVID-19

Is-baar

Haddii aad dareento xanuun ama aad leedahay calaamadaha COVID, isla markiiba iska baar, xataa haddii lagu tallaalay. Haddii lagaa helo cudurka, daawooyinka ugu badan ee COVID waa in la bilaabo 5 beri gudahooda markii la xanuunsaday.

Qaamuus

 Hoos ka dooro gelida si aad u aragto qeexis

Is-baaritaannada antijan (antigen), mararka qaar loogu yeero “baaritaan degdeg ah,” ama “baaritaan guri,” wuxuu sheegaa burutiinka feyraska jirka ku jira. Is-baaritaannada antijanku waxay isticmaalaan samballada calyada iyo walax sanka laga qaado. Natiijooyinku waxay qaataan 15-30 daqiiqo.

Kooxo gaar ah ee dadka waxay ku jiraan khatar sare waxayna u badanyihiin in ay si halis ah ugu xanuunsadaan COVID-19. Dadka ka weyn 60, dadka aan tallaalneyn, dadka leh dhibaatooyinka caafimaad oo horey u jiray, iyo haweenka uurka leh waxay ku jiri karaan khatar saaid ah.

Dadka khatarta sare ku jira waa in ay dhaqtarkooda caafimaad si degdeg ah ula hadlaan haddii laga helo cudurka maadaama daaweyntu ugu waxtar badan tahay markii xilli hore la bilaabo.

Is-gooni-yeelid waxaa loola jeedaa in la iska sooco dhammaan dadka aan qabin COVID-19, xittaa gurigaaga gudihiisa.

Baaritaannada molecular waxay sheegaan hadii walax hido-sido ah ee COVID-19 ay jirka ku jirto. Baaritaannadaan waxaa lagu sameeyaa samballo lagu qaado san-qaad (walax sanka laga qaado). Baaritaannadaan waxaa ka mid ah PCR iyo TMA.

Karantiil macnaheedu waa in la joogo guriga iyadoon cidna ku soo booqaneyn, oo ka dheeraatid dadka gurigaaga ka baxsan. Ha aadin shaqo, dugsi, ama meelaha dadweynaha. Hadday macquul tahay, ka fogow dadka gurigaaga jooga oo khatarta sare ugu jira COVID-19 (dadka tallaalneyn, waayeelka, ama kuwa leh xaalado caafimaad).

Baaritaan lagu celceliyo dhawr waqti oo kala duwan waxaa loo yaqaanaa baaritaanka taxanaha ah. Is-baaritaannada qaar waxaa loogu talagalay in lagu isticmaalo taxane oo 24 ilaa 48 saacadood isku jiraan. Baaritaanka taxanaha ah wuxuu u badnaan karaa in lagu ogaado caabuqa dadka isku dhaw kiis COVID-19 markii loo fiirsho baaritaan laga qaado hal mar waqti ahaan.


Hagitaan

  • Haddii aad leedahay calaamadaha COVID-19 is-baar sida ugu dhaqsaha badan ee macquulkaa ayadoon la eegin xaalad tallaal. Ha aadin qeybta amarjansiga isbitaalka ama xarun daryeel degdeg ah si laguu baaro.
  • Haddii aad la kulantay qof qaba COVID-19 (u jirsaday wax ka yar 6 feet muddo 15 daqiiqo ah ama wax ka badan 24-saac gudahooda) raadso baaritaan 5 maalmood kadib la-kulanka 5 maalmood kadib la-kulanka
  • Haddii dugsigaaga, shaqada, dhaqtar caafimaad, gobolka, ama waaxda caafimaadka deegaank kaa codsado.
  • Kadib safar, dhammaan safrayaasha waa in ay isbaaraan ayadoon la eegin xaaladda tallaal haddii safarku lug ku yeeshay xaalado khatar weyn leh ee cudur-qaadis sida meelo ciriiri ah ayadoon markaas la xirneyn maaskaro si fiican u le’eg.

Waxaa jira labo nooc oo waaweyn oo baaritaan oo sheegi kara hadaad qabtid COVID-19:

  • Antigen (is-baaris qofku iska qaado)
  • Molecular (Baaritaanka PCR ama NAAT)
  1. Waxaad ka heli kartaa baaritaannada antigen iyo PCR/NAAT dhaqtar caafimaad ama rug caafimaad, goob baaritaan, ama sheybaar.
  2. Ka raadso rug caafimaad, sheybaar ama goob baaritaan bilaash ah ama qarash yar gudaha King County. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad keento aqoonsigaaga (ID) iyo kaadhkaaga ceymiska (hadaad ceymis leedahay), laakiin qasab ma ahan si laguu baaro.

  3. Waxaad sidookale ku sameyn kartaa guriga baaritaan antijan ah. Kuwaan waxaa loogu yeeraa is-baaritaannada degdegga ah ee guriga, oo toos loo soo gato. Baaritaannada antijanka waxaa laga gadan karaa farmashi, dukaan, ama khadka. Hadaad leedahay ceymis caafimaad, wuxuu daboolaa 8 baaritaanno guri calaa qof bishiiba (ceymiskaaga si toos ah ula xiriir).

Haddii aad khatar sare ugu jirtid COVID in isbitaal laguu dhigo, waa muhiim in dhaqso la isku baaro ciyowna la is-daaweeyo. Kaniiniyo afka laga qaato oo feyraska ka hortagga ama ikhtiyaaraad kale ee daaweyn ayaa yareyn kara jaanisyada xanuunkaagu inuu ka sii daro haddii daawada lagu qaato 5 maalmood gudahooda markii la isku arko calaamadaha. Ma jiro wax qarash ah xagga baaritaanka ama daaweynta ayadoon la eegin xaaladda ceymis ama sharci-haysasho.

Si aad u hesho daaweyn :

  1. Marka hore la hadal dhaqtarkaaga daryeel-caafimaadka. Dhaqtarkaagu wuxuu ku siin karaa rajeeto (daawo-qoris) laga buuxin karo farmashiyada ka qeybqaata ama meelkasta oo daawooyinka feyraska ka hortagga laga helo.
  2. Booqo kiliinig Baar si Lagu Daaweeyo ah si aad hal booqasho ugu heshid baaritaan iyo daaweyn. Si aad u heshid kiliinig, geli zip code-kaaga goob-sheegaha Baar si Lagu Daaweeyo ama wac 1-800-232-0233 (TTY 888-720-7489) si aad ku heshid caawimaad Ingiriis ah, Isbaanish iyo wax ka badan 150 luuqadood.

Xulashooyinka Baarista COVID-19 (PDF)

Haddii baaritaankaaga cudurka laga helo

  • Waxay u badantahay COVID-19 inaad qabtid, xattaa haddii aadan lahayn wax calaamado ah
  • Haddii aad sameysay baaritaanka guriga oo degdega ah, uma baahnid inaad ka xaqiijiso sheybaar, rug caafimaad, ama goob baaritaan
  • Uma baahnid baaritaan kale si aad daaweyn u doonatid

Waxa la sameeyo:

  • Is-gooni-yeeel 5 bari. Sii xiro af-xir markaa ag-joogtid dadka kale shan bari oo kale kadib ka-bixista is-gooni-yeelka.
  • Haddii aad khatar sare ugu jirtid cudurka, weydiiso dhaqtarkaaga daryeel-caafimaadka ama booqo rug caafimaad Baaritaanka Daaweynta si aad uga codsatid doorashooyinka daaweynta xilli-hore.
  • U sheeg dadka kula kulma iyo xubnaha gurigaaga cudurka in lagaa helay.
  • Wax badan ka eeg taageerada shaqaalaha.
  • U sheeg natiijooyinka baaritaanka degdega ah Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington adigoo isticmaalaya mid ka mid ah labada doorasho ee soo socda:
    • Ku dir qaab onlayn ah. Aad boggan safercovid.org/mytest, dooro gobolkaaga, ka dibna buuxi foomka qaab onlayn ah adigoo raacinaya natiijooyinkaaga baaritaanka.
    • Taleefan ku sheeg. Wac 1-800-525-0127 oo taabo # (riix #7 Isbaanishka ama sheeg luqadda aad u baahan tahay marka wicitaankaaga laga jawaabo).
  • Haddii aad u baahantahay cunto ama kaalmo kale inta ku jirtid is-gooni-yeelka ama karantiilka, booqo Care Connect Washington ama wac ama farriin-qoraal u dir khadka barnaamijka, 1-833-453-0336.
  • Ka jawaab wicitaanka ama farriin-qoraalka ka imaada raad-raaca xiriirka. Foonkaaga wuxuu wacaha u aqoonsan doonaa "WA Health."

Goobaha baaritaanka COVID-19 goob-goob u qoran gudaha King County

Liiska hoose ka fiiri baaritaanka COVID-19 oo bilaash ah ama qarash yar gudaha King County.

Waxaa lagu weydiin doonaa inaad keento aqoonsigaaga (ID) iyo kaadhkaaga ceymiska (hadaad ceymis leedahay), laakiin qasab ma ahan si laguu baaro.

Goobahaan King County ma maamulo waxaana u jiri kara qarash loogu talagalay adeegyadooda baariaan. Fadlan ka eeg boggooda khadka macluumaad dheeraad ah.

Magaalo ka xulo hoos si aad u hesho goob baaritaan oo kuu dhaw.

Fiiro gaar ah: goobaha lagu calaamadeeyay calaamada (*) waxay siiyaan baaritaan bilaash ah kuwa aan caymiska lahayn. Fadlan si toos ah u xaqiiji kharashaadka goobta baaritaanka marka aad booqanayso meelo kale.

UW Medicine* – Goobaha imtixaanada qaarkood waa xidhmayaan. Booqo mareegaha macluumaadka.


Baar baaritaanka COVID-19 ee lacag la'aanta ah external link (Goobo badan)

Baar rugta caafimaadka Test to Treat external link (Goobo badan)


Si waafaqsan sharciga xuquuqda madaniga ee Federaalka, Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & Degmada King ma takoorto barnaamij kasta ama waxqabad ku salaysan dabaqadda qofka la ilaaliyo, oo ay ku jirto laakiin aan ku koobnayn jinsiyadda, midabka, asalka wadanka, diinta, aqoonsiga jinsga (oo ay ku jiraan muujinta jinsiga), doorashada jinsiga isu-tagga, naafonimada, da'da, iyo xaaladda guurka. Haddii aad qabto cabasho oo aad rabto inaad gudbiso cabasho, ama aad qabtid su'aal ku saabsan takooridda suurtogalka ah, fadlan kala xiriir Barnaamijka Xuquuqda Madaniga ee Degmada King civil-rights.OCR@kingcounty.gov; 206-263-2446 (fadlan sheeg luqaddaada si loo fasiro); TTY Relay 7-1-1; ama boostada (401 5th Ave, Suite 800, Seattle, WA 98104).


Ku xiro/ka wadaag boggeena kingcounty.gov/covid/testing/somali

expand_less