Skip to main content
Our website is changing! Starting March 31, 2023 our website will look different, but we're working hard to make sure you can still find what you need.  
King County logo

Su’aalo baaritaanka ee guud

Kahor intaadan bixin, fiiri bog-khadka goobta aad qorsheynayso inaad booqato. Waa inaad u diyaarsantahay inaad keento kuwa soo socda:

  • Kaadhka ceymiska, haddii aad caymis leedahay. Haddii aad caymis leedahay, fadlan bixi macluumaadkaan, shaybaadhkaana biil-gareyn doona. Wax lacag ah laguguma dallaci doono baaritaanka. Uma baahnid inaad leedahay caymis ama warqad dhakhtar si aad u ballansato baaritaanka.
  • Af-xir si fiican u le’eg. Meel daryeel-caafimaad ahaan, af-xirasho waa ku waajib goobaha baaritaanka gudaha iyo banaankaba ayadoon la eegeyn xaalad tallaal.
  • Baaridda waa diyaar ayadoon la eegeyn xaalad sharci-haysasho. Aqoonsi Sawir leh looma baahna.

Cid kasta oo leh calaamadaha ama ifa-faalayaasha COVID-19 waa in ay isbaarto sida ugu dhaqsaha badan ee macquulkaa ayadoon la eegeyn xaalad tallaal.

Baaridda waxaa sidookale lagu taliyaa xaaladaha soo aaddan:

  • Haddii aad la kulantay qof qaba COVID-19 (u jirsatay 6 feet qofka 15 daqiiqo ama wax ka badan 24 saac muddo ah), doono baaritaan 5 beri kadib la-kulanka.
  • Hadii dugsigaaga, meel-shaqo, dhaqtar daryeel-caafimaad, ama waaxda caafimaadka deegaanka codsato.
  • Kadib safar Dhammaan dadka safra waa in ay isbaaraan haddii safarku la kulmay xaalado leh khatar weyn ee cudur-gaarsiin sida meelo dad badan markaasoo la xirneyn af-xir si fiican u le’ekeyn.

Hagitaanka baaridda ee safarka caalamigaa iyo dalka, eeg bogga Safarka ee bog-khadka CDC.

  1. Waxaad ka heli kartaa baaritaannada antijan iyo PCR/NAAT, dhaqtar caafimaad ama rug caafimaad, goob baaritaan, ama sheybaar.
  2. Ka raadso rug caafimaad, sheybaar ama goob baaritaan bilaash ah ama qarash yar gudaha King County. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad keento aqoonsigaaga (ID) iyo kaadhkaaga ceymiska (hadaad ceymis leedahay), laakiin qasab ma ahan si laguu baaro.

  3. Sidookale waxaad ku sameyn kartaa baaritaannada antijan guriga. Kuwaan waxaa loo yaqaanaa is-baaritaannada guriga, ama toos suuqa looga soo gato oo degdeg ah. Baaritaannada antijan waxaa laga iibsan karaa farmashi, dukaan tafaariikh, ama khadka. Hadaad leedahay ceymis caafimaad, wuxuu bixiyaa 8 baaritaan guri calaa qof bishiiba (si toos ah ula xiriir ceymiskaaga).
  4. Ama halkaan ka codso xirmooyin baaritaan degeg ah oo bilaasha:

Doorashooyin baarid oo bilaash ah ama qarash yar oo King County oo dhan ka jira baa qoran, booqo bog-khadkeena baaridda COVID-19.

Goobahaan King County ma maamulo waxaana u jiri kara qarash loogu talagalay adeegyadooda baaritaan. Fadlan ka eeg boggooda khadka, macluumaad dheeraad ah.

Waxaa lagu weydiin doonaa inaad keento aqoonsigaaga (ID) iyo kaadhkaaga ceymiska (hadaad ceymis leedahay), laakiin qasab ma ahan si laguu baaro.

Ka fiiri goobta baaritaanka si toos ah macluumaadkaan. Guud ahaan, natiijooyinka waxay diyaar noqdaan 72 saacadood gudahooda.

Waxaad iska baari kartaa goobaha baaritaanka inta badan xittaa hadaadan lahayn wax calaamado ah. Ka hel liiska goobaha baaritaanka bulshada halkaan.

Baaritaanka mudnaanta leh waxaa la siin doonaa dadka leh calaamadaha ama khatar degdeg ah ugu jira COVID-19.

Hay’adaha waxay sameyn karaan sharuucdooda baaritaan. Ka fiiri hay’addaada si aad u ogaatid nooca baaritaan ay aqbalaan.

King County waxay ansixisaa nooc kasta ee baaritaan COVID-19 oo baaritaan bixiye qaaday. Baaritaan bixiyeyaasha waxaa waajib ku ah inay isticmaalaan baaritaanno FDA oggolaatay ama ansixisay. Caafimaadka Dadweynaha ma ansixiyo isticmaalka baaritaannada unugyada jir-difaaca (antibody tests) si loo ogaado caabuqa jira, si waafaqsan hagitaanka hadda ee CDC.

Dadka kuwaasoo dhawaan ka soo bogsaday COVID-19 (90 maalmood gudahood tan iyo markii wax laga helay baaritaanka) waa inay isticmaalaan is-baaritaan/antijan ee ma ahan baaritaan NAAT/PCR/TMA ah. Baaritaannada NAAT waa kuwo ogaal-badan ah oo ku filan inay soo qaadaan walxaha fayraska ilaa 90 maalmood kadib caabuqa waxayna keeni karaan natiijo aan sax ahayn.

Haddii lagaa helo COVID-19 ama khatar sare ugu jirtid cudurka, helidda daaweynta COVID-19 waqti-hore waxay gacan ka geysan kartaa in la iska ilaaliyo xanuun daran iyo isbitaal-jiifin. Weydiiso dhaqtarkaaga daryeel-caafimaadka si aad u ogaatid haddii daaweyn laguugula talinayo.

Su’aalaha is-baaritaanka degdega ah

Labaduba waa baaritaanno COVID-19 loogu talagalay waxaana laga qaadaa sanka. Is-baaritaannada antijan, marar qaar loo yaqaano “baaritaan degdeg ah” ama “baaritaan guri,” waxay ogaadaan qeybaha feyraska meesha baaritaannada molecular, sida baaritaannada PCR ama TMA, ay ogaadaan walxaha hido-sidaha ee feyraska.

Baaritaannada antijan ma lagu sameeyo sheybaar. Wey ka dhaqso badanyihiin, natiijada lagu helo 15-30 daqiiqo. Baaritaannada molecular PCR waxaa lagu sameeyaa sheybaar waxayna qaataan ilaa 72 saacadood si natiijada lagu helo.

Waxaad ka iibsan kartaa xirmo is-baaritaan antijan ah farmashiyada, dukaamada tafaariiqda iyo khadka ama waxaad ka heli kartaa goob ku takhasusta baaritaanka degdega ah.

Is-baaritaannada antijan waxay noqon karaan kuwa ogaal-yar (macnaha u badan in la helo natiijo been ah ama baaritaan wax laga helo), laakiin natiijooyinkooda dhoqsaha badan waxay caawin karaan kala saaridda dadka hela natiijo wax laga helay iyo dadka aan laga helin iyo yareynta cudur-faafinta. Baaritaannada PCR waa kuwa aad u ogaada (macnaha ay yartahay in la helo natiijo wax laga helay oo been ah ama wax laga waayay) waxaana inta badan loo tixraacaa “Heerka Dahabigaa” walow ay qaadato muddo ka dheer si lagu helo natiijooyinka.

Haddii baaritaankaaga cudurka laga helo

  • Waxay u badantahay COVID-19 inaad qabtid, xattaa haddii aadan lahayn wax calaamado ah
  • Haddii aad sameysay baaritaanka guriga oo degdega ah, uma baahnid inaad ka xaqiijiso sheybaar, rug caafimaad, ama goob baaritaan
  • Uma baahnid baaritaan kale si aad daaweyn u doonatid

Waxa la sameeyo:

  • Is-gooni-yeeel 5 bari. Sii xiro af-xir markaa ag-joogtid dadka kale shan bari oo kale kadib ka-bixista is-gooni-yeelka.
  • Haddii aad khatar sare ugu jirtid cudurka, weydiiso dhaqtarkaaga daryeel-caafimaadka ama booqo rug caafimaad Baaritaanka Daaweynta si aad uga codsatid doorashooyinka daaweynta xilli-hore.
  • U sheeg dadka kula kulma iyo xubnaha gurigaaga cudurka in lagaa helay.
  • Wax badan ka eeg taageerada shaqaalaha.
  • U sheeg natiijooyinka baaritaanka degdega ah Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington adigoo isticmaalaya mid ka mid ah labada doorasho ee soo socda:
    • Ku dir qaab onlayn ah. Aad boggan safercovid.org/mytest, dooro gobolkaaga, ka dibna buuxi foomka qaab onlayn ah adigoo raacinaya natiijooyinkaaga baaritaanka.
    • Taleefan ku sheeg. Wac 1-800-525-0127 oo taabo # (riix #7 Isbaanishka ama sheeg luqadda aad u baahan tahay marka wicitaankaaga laga jawaabo).
  • Haddii aad u baahantahay cunto ama kaalmo kale inta ku jirtid is-gooni-yeelka ama karantiilka, booqo Care Connect Washington ama wac ama farriin-qoraal u dir khadka barnaamijka, 1-833-453-0336.
  • Ka jawaab wicitaanka ama farriin-qoraalka ka imaada raad-raaca xiriirka. Foonkaaga wuxuu wacaha u aqoonsan doonaa "WA Health."

Haddii baaritaankaagu cudurka sheego calaamadana aadan lahayn qof cudurka qabana aadan la kulmin oo aad ka walaacsantahay tan in ay noqon karto natiijo been ah, ka fakar in aad ku celiso baaritaanka xaqiijin ahaan.

  • Labo baaritaan oo isku-xigta oo waxba laga helin ayaa loo baahanyahay si lagu xaqiijiyo cudur-sheegis been ah.
  • Baaritaannadu waa in la qaado 24 saac wax ka badan laakiin isku-jiraan wax ka yar 48 saac.
  • Baaritaannada degdega ah ee antijan ama baaritaannada molecular ee PCR ah waa la isticmaali karaa. Baaritaannada degdega ah ee antijan waxaa laga gadan karaa farmashi baaritaanka molecular ee PCR ah waxaa lagu qaadan karaa baaritaan xaqiijin ahaan adigoo ka qaata dhaqtarkaaga caafimaad ama goob baaritaan oo bilaash ah ama qarash yar gudaha King County.

Xagga baaritaan xaqiijin oo waxba laga helin oo lagu nasakhayo natiijo baaritaan degdeg ah, saambalka waa in la qaadaa 48 saac gudahooda ee natiijadii bilowga ahayd ee wax laga helay ee guriga oo qofku iska qaaday.

Haddii aad cudurka iskaga hesho baaritaanka xaqiijinta, sii wada inaad iska soocdo dadka kale 5 beri (laga bilaabo markii hore aad cudurka iska heshay ama markii calaamaduhu kugu bilowdeen haddii aad yeelatay wax calaamado ah), adigoon fiirin xaaladdaada tallaal.

Haddii aad ka welwelsantahay in laga yaabo inaad qabto COVID-19 sababtoo ah in aad la kulantay cudurka ama leedahay calaamado, ama laga yaabo inaad heshay natiijo waxba sheegin oo beeh ah, sidaa darteed waxaan ku talinaa in aad is-karantiishid qaadatidna baaritaan kale oo COVID-19 ah.

Eeg Su’aasha #5 – "Waa maxay baaritaan xaqiijin ama baarid ku celin ah?"

Baaritaan taxane ah waa markii qof iska-baaro dhawr jeer COVID-19 si joogto ah, sida dhawrkii beriba mar.

Ikhtiyaaraadka ku aaddan baarid ku celin ah waxaa ka mid ah:

Si loo helo natiijooyinka ugu fiican:

Sii wad inaad isku-baarto (waxaan ka badneyn halmar 24 saacba) is-baaritaan degdeg ah inta lagu jiro muddaada karantiilka. Tan waxaa la dhahaa baaridda taxanaha ah.

In badan inaad is-baarto, waxaa laga yaabaa inaad si dhaqsaa ku ogaatid COVID-19 oo markaa yareyn kartid faafka caabuqa.

Baaritaannada qofku iskii iskaga qaado qaarkood waxaa la imaada wax ka badan hal baaritaan iyo tusmooyin lagu sameeyo baarid taxane ah. Si baaridda taxanaha loogu isticmaalo baaritaan xaqiijin ah oo waxba laga-helin, waa inaad hesho labo baaritaan oo isku-xiga oo waxba laga helin.

Haddii baaritaan ku celis ah wax laga helo, iska gooni-yeel dadka kale muddo 5 beri ah illaa iyo markii baaritaankaaga wax laga helay, AMA, haddii aad yeelato calaamado, gal is-gooni-yeelis taariikhda calaamadahaagu bilowdeen, ayadoon la xisaabineyn xaalad tallaalkaaga.

Noocyada kala duwan ee baaritaanka waxay leeyihiin taariikho dhicitaan oo kala duwan. Ha isticmaalin baaritaanka dhacay ilaa Maamulka Dawooyinka ee Federaalka (FDA) uu kordhiyo taariikhda lagu daabacay sanduuqa.

FDA waxay kordhisay taariikhaha dhicitaanka ee noocyada qaar, oo ay ku jiraan iHealth iyo FlowFlex:

  • Wixii iHealth ah, ku dar 6 BILOOD taariikhda "isticmaalka" taariikhda
  • 08 (Ogosto) noqday 02 (Febraayo)

  • FlowFlex, ku dar 4 BILOOD taariikhda "isticmaalka"
  • 08 (Ogosto) noqday 12 (Diisambar)

Si aad u raadiso noocyada kale ee baaritaanka, fadlan tag: bit.ly/FDAselftest.

Haah. Ciyaarahah qaar waxay leeyihiin khatar sare xagga faafinta COVID-19, sida kubadda biyaha lagu ciyaaro, lagdanka gudaha, kubadda koleyga iyo ciyaarta dhiirigelinta.

Ceymis bixiyeyaasha waxay qoysaska u celiyaan lacagta ilaa sideed baaritaan bishiiba. Wax badan ka ogow lacag-celinta ceymiska (Ingiriis keliya ku qoran).

Su’aalo la xiriira safarka

Baaritaan loogama baahna safrayaasha, laakiin waa muhiim inaad fiiriso Heerarka COVID-19 ee Dadweynaha meeshaa u safreysid intaadan safrin oo raac xeerarka maxaligaa.

Hagitaanka loogu talagalay dhammaan safrayaasha

Ha safrin hadaad:

  • leedahay calaamadaha lagaa helay COVID-19
  • sugeysid natiijooyinka baaritaanka COVID-19
  • la kulantay qof COVID-19 qaba oo laguu sheegay inaad iskarantiisho.

Haddii aad la kulantay qof COVID-19 qaba laakiin AAN laguu sheegin inaad iskarantiisho:

  • Iska qaad baaritaan ugu yaraan 5 beri kadib la-kulankaagii ugu dambeeyay qofka xanuunsan. Hubi in natiijadaada baaritaanka aan waxba laga helin oo aadan yeelan wax calaamado ah kahor safarka.
  • Haddii laguugu xaqiijiyay COVID-19 90-kii maalmood ee lasoo dhaafay, UMA baahnid inaad is-baarto, laakiin waa inaad weli raacdo talobixinnada kale oo dhan (oy ku jiraan isbaaridda hadaaad yeelato calaamadaha COVID-19).

Safarka Caalamka

Dadka safra uma baahna in ay tusaan natiijo baaritaan COVID-19 oo waxba laga helin ama qoraal ka-bogsasho COVID-19 kahor intaan la raacin diyaar u socota Mareykanka. CDC waxay sii wadaa in lagu talinayo in musaafiriinta diyaarad u soo raacaya Mareykanka ay iska baaraan caabuqa markaas jira waqtiga ugu dhaw bixitaanka ee macquulkaa (waxaan ka badneyn 3 beri) oo aysan safrin hadday xanuunsanyihiin.

Ka eeg bog-khadka CDC hagitaanka buuxa ee safarka caalamka.

Dadka si buuxda ugu tallaalan tallaal FDA oggolaatay waxay si ammaan leh ugu dhex safri karaan Mareykanka. Walow CDC ay tiraahdo waa ammaan in la safro, hadana ma dhiirigeliyaan safar aan muhiim ahayn maadaama uu ka qeybqaadan karo faafka COVID-19, kaasoo weli ah heer dhexe-ilaa-sare oo inta badan wadanka ka jira.

Baaritaan loogama baahna safrayaasha, laakiin waa muhiim inaad fiiriso Heerarka COVID-19 ee Dadweynaha meeshaa u safreysid intaadan safrin oo raac xeerarka maxaligaa.

Haddii meeshaa u safreysid beddesho xeerarkeeda oo waajibiso baaritaan waxba laga helin, meelaha soo socda waxay bixiyaan baaritaanka COVID-19 oo ku takhasusa baaritaanno degdeg ah. Meelahaan xiriir lama lahan Public Health – Seattle & King County. Fadlan u booqo bog-khadkooda goobta, saacadaha, iyo macluumaadka qarashka.

Safar dalkaa

Talada la siiyo dhammaan dadka safra:

  • Baaritaan iska qaad haddii safarkaagu lug ku yeeshay xaalado leh khatar saaid ah ee cudur-qaadis sida gelidda meelo ciriiri ah markaasoo la xirneyn maaskaro si fiican u le’ekeyn ama hawo-wareejiye.
  • Raac hagitaan dheeri ah hadaad ogtahay inaad la kulantay qof qaba COVID-19.
  • Iska fiiri calaamadaha COVID-19; iska sooc dadka oo is-baar haddii aad yeelato calaamado.
  • Haddii baaritaankaaga wax laga helo ama aad yeelato calaamadaha COVID-19, naftaada gooni-yeel si aad dadka kale uga ilaalisid infekshanka.

Hadaad si buuxda uga bogsatay COVID-19 3-dii bilood ee lasoo dhaafay, UMA baahnid baaritaan, laakiin waa inaad weli raacdo dhammaan talobixinnada kale ee safarka.

Hagitaan buuxa ee safar dalkaa, eeg bog-khadka CDC.

Safarka Caalamka

Dadka safra uma baahna in ay tusaan natiijo baaritaan COVID-19 oo waxba laga helin ama qoraal ka-bogsasho COVID-19 kahor intaan la raacin diyaar u socota Mareykanka. CDC waxay sii wadaa in lagu talinayo in musaafiriinta diyaarad u soo raacaya Mareykanka ay iska baaraan caabuqa markaas jira waqtiga ugu dhaw bixitaanka ee macquulkaa (waxaan ka badneyn 3 beri) oo aysan safrin hadday xanuunsanyihiin.

Ka eeg bog-khadka CDC hagitaanka buuxa ee safarka caalamka.