Skip to main content

Macluumaadka iyo ilaha ku saabsan tallaalkaaga COVID-19

Macluumaadka iyo ilaha ku saabsan tallaalkaaga COVID-19

Kheyraadkaas waxaa ka mid ah macluumaad muhiim ah oo ku saabsan tallaalka COVID-19, sida la isu diiwaangeliyo ee looga eegto diiwaanka tallaalka khadka tooska ah, iyo macluumaad kale oo muhiim ah oo ku saabsan asturnaanta iyo biilasha. Haddii aad qabtid su'aalo dheeri ah oo ku saabsan COVID-19, fadlan ku weydii goobta tallaalka ama weydii dhakhtarkaaga ama daryeel bixiyaha aasaasiga ah.

Waraaqaha xaqiiqda ee hoos ku qoran waxaa loo soo saaray si ay u bixiyaan macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan tallaalka, yaa mudan iyo yaan la siineyn tallaalka, waxaa lagu sheegayo ka hor intaadan qaadan tallaalka, iyo macluumaadka ku saabsan dhibaatooyinka ka imaan kara.

Maxaad ka ogtahay oggolaanshaha tallaalka COVID-19:

  • Tallaalladaan waxaa loo oggolaaday isticmaalka degdegga ah oo ay bixiso FDA, taas oo macnaheedu yahay in loo oggolaaday in la isticmaalo inta lagu jiro xaalad deg-deg ah ee qaran, laakiin taasi lama mid aha oggolaanshaha shatiga buuxa.
  • Heerarka FDA ee badbaadada iyo waxtarka ayey buuxiyeen tallaaladan. Kaliya talaalada la qiyaasayo heerarkaan kadib ayaa baaritaan adag lagu sameeyey kumanaan dad ah iyado ay dib u eegis ay ku sameeyeen khubaro caafimaad oo madax banaan ayaa idmi karaa adeegsiga xaaladaha degdega ah.

V-safe waa aalad ku saleysan taleefannada casriga ah oo aad u adeegsata farriimaha qoraalka iyo sahaminta websaydhka si ay u bixiso baaritaanno caafimaad oo shakhsi ahaaneed ka dib markaad hesho tallaalka COVID-19. Waxay ku xusuusin doontaa inaad hesho mudniinka labaad. Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa V-safe si aad ugu sheegto CDC haddii aad leedahay waxyeellooyin ka dib qaadashada tallaalka COVID-19.

Dhammaan goobaha tallaalku waxaa jooga xirfadlayaal caafimaad oo loo tababaray inay aqoonsadaan oo ay u jawaabaan qofka haddii ay leeyihiin falcelinta xasaasiyadda. Waa lagu eegayaa ilaa 15 daqiiqo kadib qaadashada tallaalkaaga si laguu caawiyo haddii loo baahdo. Haddii aad aragto waxyeellooyin, fadlan la socodsii xubin ka mid ah shaqaalaha.

Haddii aad isku aragto xasaasiyad daran, wac 9-1-1 ama aad isbitaalka kuugu dhow. Wac daryeel bixiyahaaga caafimaad haddii aad isku aragto waxyeellooyin kale oo ku dhibaya ama kaa tagaya.

Waxaa laga yaabaa inaad yeelato waxyeellooyin qaarkood, kuwaas oo ah astaamo caadi ah oo muujinaya in jirkaagu dhisayo difaac. Dadka qaarkood waxay yeelan karaan astaamo sida madax xanuun, cudud xanuun, daal, qandho ama murqo xanuun. Dhibaatooyinkan soo raaca waxay saameyn ku yeelan karaan awooddaada waxqabadyada maalinlaha ah, laakiin waa inay ku baxaan maalmo yar gudahood. Dadka qaar wax saameyn ah kuma lahan.

U soo sheeg waxyeelada tallaalka daran ee Nidaamka Warbixinta Dhacdada Daran ee Tallaalka (VAERS). Ka wac lambarka VAERS 1-800-822-7967 ama ka soo warhali khadka tooska ah https://vaers.hhs.gov/reportevent.html. Ku dar magaca tallaalka aad ku heshay safka koowaad ee sanduuqa # 18 ee foomka warbixinta.

Soo dejiso foomka Asturnaanta iyo Oggolaanshaha. Foomkani waa in lagu aqoonsado in Caafimaadka Dadweynaha ay ku siisay macluumaad ku saabsan sida ay u xafidayaan macluumaadkaaga caafimaad ee asturnaan. Waxay sidoo kale u oggolaaneysaa caymiskaaga lagu soo dalaco biilka, haddii aad caymis leedahay. Foomku wuxuu kaloo qorayaa oggolaanshahaaga inaad ka hesho tallaal (“daaweynta”) Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & King County.

Oggolaanshaha dadka qaangaarka ah ee idman: Haddii aad ka yar tahay 18 sano jir, waxaad u bahnaan kartaa oggolaansho qof weyn si laguu tallaalo. Waad isku saxiixi kartaa haddii mas’uul aad iska tahay, ama aad guursato qof weyn, ama goobta tallaalku ay go'aamiso inaad tahay qof yar oo qaangaar ah (Ingiriis ahaan). Dhammaan goobaha tallaalku ma qaadan karaan go'aanyada ku saabsaan qaangaarnimada.

Dadka waaweyn ee idman ee u oggolaan kara carruurta yaryar waxaa ka mid ah:

  • Qof weyn oo haysta ogolaansho maxkamadeed inuu kuu sameeyo go'aamo daryeel caafimaad adiga (ilaaliyaha sharciga ah, ilaaliyaha, amarka meelaynta ee ka baxsan guriga)
  • Waalidka
  • Qof weyn oo haysta ogolaanshaha qoran ee waalidkaada si uu kuugu sameeyo go'aanada daryeelka caafimaadka
  • Qof weyn oo qaraabo ah oo masuul ka ah daryeelkaaga caafimaad
  • Xaaladaha qaarkood, kalkaalisada caafimaadka ee iskuulka, lataliyaha iskuulka, ama xiriiriyaha ardeyda hoy la'aanta ah

Haddii qof weyn oo idman uusan kula soo xaadiri doonin ballanta tallaalka, ka hubi bixiyaha tallaalkaaga wixii ku saabsan shuruudaha muujinaya caddaynta oggolaanshaha qaangaarka idman ama inaad haysatid xorriyadda sharciga.

Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & King County Foomka Ogolaanshaha Talaalka COVID-19 ee dadka yar (PDF)

Foomkan waxaa loo isticmaalaa goobaha tallaalka Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & King County, oo ay ku jiraan Goobaha Iskaashatada Auburn iyo Kent iyo rugta caafimaadka bulshada. Haddii qof weyn oo idman uusan kula soo xaadiri doonin ballanta tallaalka, foomkan waxaa loo isticmaali karaa ogolaansho qoraal ah. Shaqaalaha Caafimaadka Dadweynaha sidoo kale waxay ku aqbali karaan oggolaanshaha dhinaca taleefanka ama qoraal ah oo laga helo qof weyn oo idman. Haddii ballanta tallaalkaagu aysan ka jirin goobta Caafimaadka Dadweynaha, ka hubso bixiyaha tallaalkaaga wixii ku saabsan shuruudaha muujinaya caddaynta oggolaanshaha qaangaarka idman ama xorriyadda sharciga ah.

Waxaad iska diiwaangelin kartaa khadka tooska ah si aad uga hesho diiwaanka rasmiga ah ee tallaalka qoyskaaga Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Washington adigoo u sii marinaya "MyIR".

Hel akhbaarta ku saabsan helitaanka tallaalka COVID-19, macluumaadka ku saabsan badbaadada iyo horumarinta tallaalka COVID-19, iyo su'aalaha inta badan la isweydiiyo ee ka socda Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & King County: www.kingcounty.gov/covid/vaccine/somali


Link/share our site at www.kingcounty.gov/yourvaccine/somali

expand_less