
Xanuun baabi’yaha culus (Fentanyl) ayaa looga digayaa waalidiinta iyo ardayda
Overdose prevention materials in Somali
Nasiib daro, waxaa dhawaanahan ku soo kordhay Dagmada King tiro dhimasho xad dhaaf ah, inta badan xanuun baabi'yaha culus ( Fendanyl) oo laga helay kaniiniyo sharci daro ah iyo budada. Dhimashadan waxay si is daba joog ah ugu dhacdaa dadka 18 jir ama ka yar.
Digniin:
- Iska ilaali kaniiniyada been abuurka ah oo u ekaan kara daawo dhaqtar qorey. Waxay u badan tahay inay ku jiraan xanuun baabi'yaha culus ( fentanyl).
- Ha cunin kaniini aadan toos uga helin farmashiyaha ama aan dhaqtarkaaga.
- Kaniiniyasa laga gato internetka ma aha amaan.
Waa maxey xanuun baabi'yahan culus? (Fentanyl)
Xanuun baabi'yahan culus (Fentanyl) waa daawooyin opioit sax ahayn ka samaysan oo qiyaastii 100 jeer ka awood badan opioidka kale. Xanuun baabi'yahan culus (Fentanyl)waxaa badanaa lagu daraa daroogo sharci daro ah sida kaniiniyo la been abuuray iyo budo cad. Xanuun baabi'yaha culus (Fentanyl) opoiodka kale waxay keenaan xaddhaaf iyadoo neefsashada gaabis tahay ugu danbayntiina sababi kara dhimasho.
Halkee xanuun baabi'yaha culus (Fentanyl). Ka muuqdaa deegaanka?
Degmada King, xanuun baabi'yaha culus (fentanyl) waxaa badanaa lagu arkaa buluug, cagaar, ama midab kaniiniyada been abuurka ah. Waxaa jiri kara midabo kale. Kaniinadan ayaa loo calaamadayn karaa sidan "M30" iyo mararka qaar sidan "K9," "215," iyo "v48." Xanuun baabi'yaha culus (Fentanyl) wuxuu kaloo ku jiri karaa budo cad.
Xanuun baabi'yaha culus (Fentanyl) ayaa laga helay deegaanka maandooriyaha:
- Kaniiniyada loo yaqaano (Oxycodone) ee lagu iibiyo wadada ama qadka internetka ayaa laga yaabaa inay ku jiraan xanuun baabi'yaha culus (fentany)l.
- Ma urin kartid ama dhadhamin kartid xanuun baabi'yaha culus (fentanyl). Ma ogaaan kartid hadii uu ku jirto xanuun baabi'yaha culus (fentanyl) kaniiniyada adigoo fiirinaya.
- Qadarka ku jirto xanuun baabi'yaha culus (fentanyl) wuu kala duwanaan karaa kaniiniga, xitaa haday isku meel ku jiraan. Halka kaniini kali ah qofku ku maandoormi karo isagoon dilin, kaniini kale wuxuu noqon karaa mid dilaa ah.
Waxa la sameeyo sida looga hortago dilka xad-dhaafka:
- Ogow astaamaha iyo xad- dhaafka ama isticmaalka xad-dhaafka ah ee opioid. Qof ayaa laga yaabaa inuu xad-dhaaf sameeyo hadii ay:
- Ma toosayo ama way adag tahay in la toosiyo
- Neefsasho gaaban ama neef la'aan
- Yeeshaan midab qafiif ah, cadaato ah, jir qabow
- Leeyihiin bushimo buluug ah ama cidiyaha
- Qaab quuro aan caadi aheyn (tusaale., si aan caadi ahayn u cod dheer)
- Si xad dhaaf ah u hurdaysan
- Ma toosayo ama way adag tahay in la toosiyo
- Hadaad aragto wax xad-dhaaf ah wac 9-1-1 isla markiiba. sharciga u yaala Gobolka Washington ee dadka dadka u gargaara ayaa kaa ilaalin doono adiga iyo qofka sida xaddhaafka ah u isticmaalaya ee lagu eedaynayo daroogada
- Sii naloxone (Narcan), buufiye sanka ka horjoogsanaya saamaynta nolosha halista xad-dhaafka daawada opioidka. Raadi meesha aad ka heli kartid (Narcan) stopoverdose.org.
- Iska tuur dawooyinka aan la isticmaalin ama waqtigeeda dhamaaday (dhacay). Ka hel meel kuu dhow halkaan daawada sanduuqa lagu rido: www.medicinereturn.org ama qoraal ku dir MEDS to 667873.
- Hadaad is leedahay inuu qof xad-dhaafsan yahay, ha u ogalaan inay hurdaan.
Daaweytu way shaqaysaa
Fursado daaweyn oo kaladuwan ayaa laga heli karaa guud ahaan Degmada King, ay ku jiraan daawooyinka lagu daaweyo jahwareerka isticmaalka opioidka. Booqo qadka caawinta bogsashada ee Washington www.WArecoveryhelpline.org or call 1-866- 789-7511.