Sidee u helaa Diiwaanada Aan ahayn Kuwa Maxkamada?
Shaacinta Guud ee la xariirta Diiwaanada aan ahayn Kuwa Maxkamada
Sida ku xusan Sharciga Guud ee Maxkamada Gobalka Washington (GR) 31 (bogga lagu soo lifaaqay lama turjumin.), diiwaanada maxkamada waa diiwaanada la xariira dacwadaha oo lala wadaagi doono dadwaynaha, marka laga reebo kuwo ay shuruudo ku xiran yihiin maahee. Si aad u barato qaabka loo codsado diiwaanada maxkamada fadlan booqo "Sida loo Codsado Diiwaanada Maxkamada" ee hoose. Diiwaanada Maxkamada lama mid ahan Diiwaanda Guud oo maamulo Xeerka Diiwaanada Dadweynaha, Dib u saxida Xeerka Washigion (RCW) 42.56.010 (bogga lagu soo lifaaqay lama turjumin.).
Xeerka Diiwaanka Dadwaynaha waxa uu qeexayaa diiwaanka guud sida "qoraal kasta oo ka kooban macluumaad la xiriira dhaqanka dawlada ama waxqabadka hawl dawladeed ama ganacsi kasta oo uu diyaariyo, uu leeyahay, isticmaalo, ama hayo gobol kasta ama hay'ad maxalli ah iyadoo aan loo eegin muuqaalka ama sifooyinka." Muhiimada ahaan, arrintaan waxay ka dhigan tahay in xafiiska karaaniga uu hayo diiwaanka dukumiinti kasta oo la xiriira sida xafiiska karaaniga u maareeyo iyo in qof kasta uu codsan karo diiwaanada guud.
Marka aad codsaneyso in la shaaciyo diiwaankaaga, hadba xogba xog inta ay kasii badan tahay oo la xariira diiwaanka aad raadineyso, waxaa sii badan doona sida ugu dhaqsiyaha badan ee aan kuugu jawaabi doono. Hase yeeshee, marka aad codsaneyso diiwaanada guud, codsashada natiijooyin kala duwan sida "wax" ama "dhammaan" waxay qaadan kartaa waqti dheer in laga jawaabo. Si aad u barato qaabka loo sameeyo codsigaaga, fadlan booqo "sida loo soo Gudbiyo Codsiga Shaacinta Xogtaada" ee qaybta hoose.
Sida ku xusan GR 33 (bogga lagu soo lifaaqay lama turjumin.), codsiga hooyga waxaa la siin doonaa qof kasta oo codsanaay adeegg kasta oo macquul ah. Baro sida loosoo gudbiyo codsiga hooyga HALKAAN.
Sida loo codsado Diiwaanada Maxkamada
Inta badan dukumiintiyada maxkamada waxaa laga helaa oonleenka. Si aad u barato qaabka loo helo diiwaanada maxkamada, fadlan booq boggeena Diiwaanada Maxkamada. (Qaar kamid ah macluumaadka kujira bogga lagu soo lifaaqay hoos lama turjumin.) Haysashada lambarka kiiska ee la xiriira dukumiintiyada aad raadinayso ayaa noqon doona macluumaadka ugu qiimaha badan ee kaa caawin doona raadintaada xogta.
Xafiiska Karaaniga wuxuu baari karaa lambarada kiiska wuxuuna kusiin doonaa dukumiintiyada, aad u baahan karto. Hase yeeshee, waxaa jira kharash la iskaga qaado baaritaanka laga sameynaayo Xafiiska Karaaniga. Xusuusnoow inta badan diiwaanada maxkamada waxaad ku heli kartaa lacag la'aan adiga oo booqanaya mid ka mid ah Xafiisyada Karraaniyada.
Sida loosoo Gudbiyo Codsiga Shaacinta Xogta ee la xariirta Diiwaanada aan ahayn Kuwa Maxkamada
Si aad u gudbiso codsiga shaacinta xogta fadlan buuxi Foomka Codsiga Diiwaanka Dadwaynaha kadibna raac tilmaamaha ku saabsan meesha dib loogu celiyo foomka aad buuxisay. Fadlan bixi macluumaadka ugu badan iyo xogta macquulka ah.
Xafiiska Karraaniga ee Maxkamada Sare ee Degmada King waxaa ka go'an inuu uga jawaabo codsigaaga sida ugu dhaqsaha badan ee macquulka ah. Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan sida loo gudbiyo codsigaaga ama si aad u eegto codsigaaga, fadlan naga soo wac (206) 477-0777.
Fadlan ogsoonoow diiwaanada la xariira shaacinta xogta dadwaynaha lama mid ahan diiwaanada maxkamada. Haddii aad raadineyso diiwaanada maxkamada, fadlan eeg "Sida loo Codsado Diiwaanada Maxkamada," ee kore.
Qor sida aad u aragto turjumaadaan
Translate