Skip to main content

Nadiifinta ceelasha gaarka ah

Disinfecting private wells in Somali

Waa maxay sababta looga baahan yahay in la nadiifiyo ceelasha gaarka loo leeyahay?

  • Biyaha la cabo waa in ay nadiif ka yihiin kiimikada iyo jeermisyada cudurrada keena. Jeermisyadani waxaa ay keeni karaan cudurrada sida giardiasis, gastroenteritis, iyo hepatitis. Marka ay dhibaato gaarto ceelka ama biyo daad ahi galaan, jeermisyada cudurrada dhaliya iyo kiimikada ayaa dhexgeli kara biyaha ceelka.
  • Ujeeddada nadiifinta waa in laga dilaa ama joojiyaa dhammaan jeermisyada cudurrada keena ee ku jiri kara.
  • Kiimikadu waa ay ka dhib badan tahay in la baabi'iyo. Kala tasho qaybta caafimaadka dadweynaha xal u helidda kiimikada.

Maxaan sameeyaa haddii aan tuhmo in biyaha ceelka ay wax gaareen?

  • Natiijooyinka shaybaarka ayaa soo saari kara kiimikada qaarkeed iyo kooxada baktiiryada loo yaqaan "coliform."
  • Jiritaanka coliform waxaa ay tilmaamaysaa in ay suuragal tahay in saxaro soo gaartay taasoo wadata halis caafimaad.

Sideen isaga baaraa biyaha ceelka?

  • Hay'adda Caafimaadka Dadweynaha ayaa biyaha ka baaraya in ay ku iraan coliform, balse ma ay baaraan kiimikada. Kharash ayuu baaritaanku leeyahay. Qalabka baaritaanka waxaad ka heli kartaa xafiiska xaafadda ee caafimaadka dadweynaha.
  • Shaybaarrada qaaska ah sidoo kale waxay biyaha ka baaraan coliforms. Sidoo kale waxay ka baaraan in kiimiko ay ku jirto. Liiska shaybaarrada waxad ka heli kartaa buuga taleefanka ee huruudka ah(yellow pages) qaybta shaybaarrada "laboratories - analytical."

Maxaan sameeyaa haddii natiijada baaritaanka biyaha ceelkayga uu noqdo “mid aan fiicnayn”?

  • Haddii coliforms laga helo biyaha, ceelka waxaa loo nadiifin karaa sida hoos ku qeexan.
  • Warankiinada guryaha loo isticmaalo ayaa ah qaab nadiifineed ee waxtar iyo dhaqaalaba leh. Warakiinada waxaad u helaysaa iyadoo dhagaxyo ah.

Sideen u nadiifiyaa ceel qodan?

Xisaabi tirada nadiifiyaha loo baahan yahay adigoo isticmaalaya qaybta hoose.

WARAKIINADA EE CEELKA QODAN
Ballaca ceelka (oo cagood-feet) Tirada 5.25% ee warakiino ah halkii cag oo biyo ah Tirada 70% warakiinada dhagaxyada ah ee halkii cag oo biyo ah
3
1-1/2 koobab
1 ounce
4
3 koobab
2 ounces
5
4-1/2 koobab
3 ounces
6
6 koobab
4 ounces
7
9 koobab
6 ounces
8
12 koobab
8 ounces
10
18 koobab
12 ounces
  • Cabbir ballaca ceelka, waxaadna jajabka cabbirka ku buuxisaa cabbirka caaga ee u sido. (Tusaale: 5.3 cagood (feet) = 5 cagood (feet); 5.7 cagood (feet) = 6 cagood (feet))
  • Waxaad heshaa tirada warankiinada loo baahan yahay si ay u nadiifiso caag kasta oo biyo ah ee ballaca aad cabbirtay. Tusaale ahaan, tirada loogu talagalay ceel ballaciisu yahay 5-cagood (feet) waa 4-1/2 koobab cagtiiba.
  • Waxaad heshaa dhererka ceelka oo cagood (feet) lagu cabbiray.
  • Waxaad cabbirkani ku dhufataa xisaabta warankiinada la isticmaalayo ee aad soo saartay. Ballac 5-cagood (feer), ceel dhererkiisu gaarayo 40 cagood (foot):
    1. Waxaad tagtaa shaxda ay ku taal 4-1/2 koobab oo warakiino ah cagtii biyo ee ceelka ballaciisu yahay 5-cagood.
    2. Kaddibna ku dhufo 4-1/2 koobab oo warankiino ah ceelka dhererkiisu yahay 40-cagood.
    3. Tirada guud ee warakiinada loo baahan yahay waa 4-1/2 lagu dhuftay 40 ama 180 koobab oo warankiino ah chlorine bleach. Tani waxaa ay la mid tahay 11.25 oo gallon marka la isticmaalayo beddelka 16 koobab halkii gallon.
  • Waxaad isticmaashaa weel cabbirkiisu munaasab yahay oo nadiif ah, kuna shub warankiinada ceelka.
  • Inta aad warankiinada ceelka ku shubeysid, ku daadi derbiyada ceelka.
  • Xir daboolka ceelka.
  • Fur dhammaan dhuumaanka (tubooyinka) biyaha oo matoorka kaga soo daadi illaa urka warankiinada aad ka dareentaa dhuun waliba. Kaddibna matoorka jooji oo habeenimada ha ku baryaan si ay si fiican isugu qasmaan.
  • Maalinta xigta, wada fur dhammaan dhuumanka iyo matoorka oo biyaha ka soo saar illaa ay urka warankiinada ka dhammaato. Xaqiiji in aad ku ekeysid biyaha tuubada ka soo baxaya heer aanney haanta ku buuxsimin.
  • 5 cishood oo aad caadi u isticmaasho kaddib, biyaha ka baar in ay ku jiraan coliform.

Sideen u nadiifiyaa ceelasha dhuumanka lagu qoday?

Xisaabi tirada biyaha ceelka ku jira adigoo ku dhufanaya gallon-ka caagiiba dhererka ceelka oo cagood lagu cabbiray. Tusaale ahaan, ceel ballaciisu yahay 6-inch waxaa ku jira 1.5 gallon oo biyo ah caagiiba. Haddii ceelka uu dhererkiisu yahay 120 cagood, ku dhufo 1.5 gallon cagtiiba 120 cagood si aad u heshaa 180 oo gallon.

WARANKIINADA LAGU SHUBO CEELASHA DHUUMANKA KU QODAN
Ballaca ceelka (oo inches ah) Gallon-ka (cagtiiba)
 3 0.37
 4  0.65
 5  1.0
 6  1.5
 8  2.6
 10  4.1
 12  6.0

100-kii gallon oo biyo ah ee ceel ku jira, waxaad isticmaasha tirada warankiinada (dareere ama dhagaxyo) ku tilmaaman jadwalka hoos ku tilmaaman.

TIRADA JEERMIS-TIRAHA LOO BAAHAN YAHAY 100-KII GALLON OO BIYO AH
Kiimikada Tirada
Warankiinada dhaqmada (5.25% Warankiino) 3 koobab*
Dhagaxyada Hypochloride (70% Warankiino) 2 ounces**

* 1 koob = 8 ounce cabbirka koobka
** 1 1 ounce = 2 qaado dhagaxyada warakiinada

  • Isku qas 10 gallon oo biyo ah iyo tirada warankiinada dareeraha ama dhagaxyada ah.
  • Ka fur boolka haya daboolka ceelka.
  • Adigoo isticmaalaya dhuunta ceelka ku shub jeermis-dilaha.
  • Tuubo ku xir dhuunta xagga ay biyaha ka soo baxayaan kaddibna dhex geli weelka sare ee ceelka.
  • Shid matoorka. Biyaha dib ugu shub ceelka oo waxaad dhaqdaa weelka geesihiisa ugu yaraan 15 daqiiqadood.
  • Waxaad furtaa dhuun waliba oo biyaha ha soo mareen illaa aad warankiinada dareentid.
  • Xir dhammaan dhuumanka iyo daboolka ceelka.
  • Biyaha warankiinada leh ha ku jireen dhowr saacadood, iyadoo ay fiican tahay in habeennimada sidaa loo dayo.
  • Kaddib marka aad biyaha sidaa ku dayside, shid matoorka oo fur dhuumanka oo idil. Biyaha ha mareen illaa urka warankiinada ay ka dhammaato. Xaqiiji in marriinka dhuumanka ee biyaha ay xawli yar ku socdaan si haanta biyaha aanney u buux dhaafin.
  • 5 cishood oo aad caadi u isticmaasho kaddib, biyaha ka baar in ay ku jiraan coliform.
expand_less