Beddelaadda warqadda codbixinta ama bakhshadda
Waxaan u baahanahay warqad codbixin beddelaad ah
Gal Macluumaadkayga Codbixiyaha si aad u codsato warqad codbixin beddelaad ah.
Ma haysataa qalabka warqadaha lagu daabaco? Waxaad oonleenka ka calaamadeyn kartaa oo ka daabacan kartaa warqaddaada codbixinta beddelka ah. Haddii aad su’aal qabto ama aad jeceshahay inaad sameyso qabanqaabooyin kale oo aad ugu codeyn karto doorashadaan, la xiriir Doorashooyinka Degmada King.
Waxaan u baahanahay bakhshad beddelaad ah
Oonleenka kala soo deg oo daabac xirmada bakhshad beddelaad ah.
- Xirmada bakhshad beddelaad ah ee codbixiyeyaasha Dalka Dibadiisa ama kuwa Adeegga
- Xirmada bakhshad beddelaad ah ee codbixiyeyaasha ku sugan gudaha Mareykanka
Bakhshadda beddelka kuma jirto warqad codbixin ah. Haddii aad u baahan tahay warqadda cod bixinta beddelka, eeg halka kore.
Sida loo isticmaalo xirmada bakhshad beddelaad ah
- Soo daabac xirmooyinkaaga.
- Ku buuxi macluumaadkaaga codbixiyaha.
- Magacaaga ku saxiix bayaanka iyo warqadda saxiixa.
- Raac tilmaamaha ku jira xirmooyinka si aad iskugu ururiso bakhshaddaada beddelka ah.
- Ku celi warqaddaada codbixinta Doorashada Degmada King.
Waxa la sameeyo haddii bakhshaddaada soo celinta warqadda codbixinta ay xiranto
Inta badan, bakhshaddaada weli waa la isticmaali karaa xitaa haddii la keeno iyadoo qayb ahaan isku xirmatay. Si taxaddar leh u fur bakhshadda ama, haddii loo baahdo, bakhshadda ka jeex oo ka fur qaybta sare. Isticmaal xoogaa yar oo koollo ah si aad dib isugu dhejiso bakhshadda. Haddii bakhshaddaada ay aad ugu waxyeellowday in la isticmaalo, oonleenka kala soo deg bakhshad beddelaad ah.