Skip to main content

Nagu saabsan

Nagu saabsan

King County is the largest jurisdiction in the United States to conduct all elections by mail. The county has 1.28 million registered voters, a number that continues to grow each month. It is the 13th-most populated county in the country and home to one third of Washington’s voters. Degmada King waa maamulka ugu weyn ee ka jira dalka Mareykanka oo gabi ahaan qabta doorashooyinka iyagoo adeegsanaya adeegga boostada. Degmada waxaa ka diiwaan gashan ilaa iyo 1.3 milyan qof oo codbixiyeyaal ah, tiradaas oo sii kordheysa bil kasta. Waa degmada 13-aad ee ugu dadka badan dalka waxa ayna hoy u tahay saddex meelood hal meel codbixiyayaasha ugu tirada badan Gobolka Washington.

Led by Julie Wise, King County Elections is staffed by approximately 70 dedicated full-time employees who have a strong sense of pride and commitment to the work they perform. Working with the Executive and Council, Elections has implemented more than 300 reforms since 2004. We have an ongoing commitment to establish open and transparent processes. Iyadoo ay hoggaaminayso Julie Wise, Doorashooyinka Degmada King waxaa ka shaqeeya ku dhawaad 70 shaqaale u huray oo wakhti buuxa shaqeeya, kuwaas oo leh dareen haybad xoogan iyo ballanqaad ku aaddan shaqada ay fuliyaan. Iyagoo la shaqeynaya Fuliyaha Maamulka iyo Golaha Degmada, Waaxda Doorashooyinka waxay hirgeliyeen in ka badan 300 oo isbeddel tan iyo sannadkii 2004. Waxaan leenahay ballanqaad joogto ah oo ku aaddan siddii loo dhisi lahaa hannaan furan oo daahfuran.

King County Elections conducts accurate, secure and accessible elections, providing an important opportunity for county voters to participate in their government. The countywide vote-by-mail system allows us to provide outstanding service to residents, including the opportunity for public observation. Visitors are welcome to tour the 360-degree observation loop during business hours. Doorashooyinka Degmada King waxay qabtaan doorashooyin sax ah, sugan oo la heli karo, taasoo fursad muhiim ah u siisa codbixiyayaasha degmada inay ka qayb qaataan dawladdooda. Nidaamka codbixinta degmada oo dhan ee lagu qabto adeegga boostada waxay noo ogolaaneysaa inaan siino dadka degaanka adeegyo aad u fiican, kuwaas oo ay ku jirto fursadda indha-indheynta dadweynaha. Soo booqadayaasha waxaa lagu soo dhaweynayaa inay soo kormeeraan goobta indha-indhaynta wareegsan ee 360-ka darajo (360-degree observation loop) inta lagu jiro saacadaha shaqada.

King County Elections is a well-respected leader within the elections community for its programs, outreach and education, accessible voting advocacy and technology innovations. Voters can confirm their registration and track their ballots’ progress online. We also provide online candidate filing, with more than 90 percent of candidates now filing on the Web. Doorashooyinka Degmada King waa hoggaan aad looga ixtiraamo bulshada doorashayoonka dhexdeeda marka la eego barnaamijyadeeda, wacyigelinta iyo waxbarashada, u doodista helida codbixinta iyo hal-abuurnimada farsamada. Codbixiyayaashu waxay awood u leeyihiin inay xaqiijiyaan diiwaan gelintooda waxa ayna barta internetka kala socon karaan halka ay marayaan warqadahooda codbixinta. Waxaan sidoo kale bixinaa xareynta warqadaha musharaxiinta ee oonleenka ah, iyada oo in kabadan boqolkiiba 90 musharaxiin ay hadda xareeyaan warqadahooda iyagoo isticmaalaya barta internetka.

King County produces all voting materials in English, Chinese, Korean, Vietnamese and Spanish. The county also employs a full-time translation staff to assist voters. Degmada King waxay soo saaraan dhammaan agabyada codbixinta oo ku qoran luuqadaha Ingiriiska, Fiyatnamiiska, Isbaanishka Kuuriyaanka, Ruushka, Shiineeska, iyo Af-Soomaaliga. Degmada waxaa sidoo kale u shaqeeya shaqaalaha turjimaada oo wakhti buuxa shaqeeya si ay u caawiyaan codbixiyayaasha.

Bayaanka hawlgalka, Aragtideena, and Qiimaheena Aasaasiga

values-icons

Waxaan fulinaa doorashooyin la heli karo, sugan, oo sax ah. Inaan noqono hoggaamiyaha doorashooyin loo wada dhan yahay. Qiimaheena Aasaasiga:

Saxnaanta Waxaan si adag u hubinaa oo dib-u-eegis ku samaynaa tallaabo oo kasta ka mid ah hannaanka – ilaa inta jeer ee loo baahdo. Waxaanu leenahay ballanqaad adag oo ah in codbixiye aanan laga tagin.

Caddaalad Waxaan aaminsanahay in dimuqraadiyadu ay si fiican u shaqeyso marka codadka oo dhan la maqlo. Waxaan si firfircoon uga shaqeynaa inaan meesha ka saarno caqabadaha si aan u xaqiijino in dhammaan codbixiyayaasha ay si macna leh uga qayb qaadan karaan doorashooyinkeena.

Daacadnimo Wax walba oo aan qabano waxaanu u keenaa daacadnimo iyo sharaf. Waxaan leenahay anshax suuban oo aan la ruxi karin oo waxaanu samaynaa waxa saxa ah, si kastaba xaaladda ha ahaato.

Adeegga Waxaanu aqoonsanahay in masʼuuliyada naga saaran dadweynaha iyo mida dhexdeena ee midba midka kale aysan ku ekayn in si fudud loo maamulo dooroshayinka oo kaliya. Waxaanu diyaar u nahay inaan kor iyo wixii ka dambeeya dib uga sii gudubno sidii aannu dhibaatooyinka u xallin lahayn, ula wadaagno aqoonteenna iyo waayo-aragnimadeenna, una soo noolayno hawlgalka iyo hiigsiga Doorashooyinka Degmada King. 

Wadashaqeyn kooxeed Waxaanu nahay kuwo ku wanaagsan wadajirka. Waxaan kooxaha kale iyo asxaabteena aan wada shaqeyno u garab qabanaa si aan shaki lahayn.

Daahfurnaanta Waxaanu aaminsanahay daahfurnaanta xag-jirka ah. Waxaan si ula kac ah u wadaagnaa guulaheena iyo sidoo kale ogalaanaa khaladaadkeena - xitaa marka aysan sahlanayn. Doorashooyinkeena waa kuwo ay codbixiyayaasha awood u leeyihiin inay indhaindheeyaan oo ayna fahmi karaan.

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka
expand_less