Skip to main content

Sida warqadaha codbixinta loo maamulo

Sida warqadaha codbixinta loo maamulo

Warqaddaada codbixinta waxay ku safartaa wado dheer laga bilaabo marka la daabaco ilaa wakhtiga boostada laguugu soo diro iyo ilaa lagu soo celiyo xafiiskeena.

Xirmooyinka warqaddaada codbixinta waxaa la isku ururiyaa ku dhawwaad afar toddobaad ka hor Maalinta Doorashada. Xirmooyinka warqadaha codbixinta waxaa ku dhex jira warqadda codbixinta, bakhshadaha ammaanka iyo soo celinta, iyo wixii macluumaad ah oo la soo dhex geliyo.

Haddii aad tahay codbixiye maxalli ah warqaddaada codbixinta waxaa boosto laguugu soo dirayaa saddex toddobaad ka hor Maalinta Doorashada. Haddii aad tahay codbixiye ku sugan dalka dibadiisa ama u adeega ciidamada, warqaddaada codbixinta waxaa boosto laguugu soo dirayaa 45 maalmood ka hor doorashada hordhaca ama tan guud iyo 30 maalmood ka hor doorashooyinka gaarka ah si loogu oggolaado wakhti dheeraad ah oo warqadda codbixinta ay kugu soo gaarto.

Waxaad haysataa ilaa Maalinta Doorashada inaad ku codeyso oo aad ku soo celiso warqaddaada codbixinta. Warqaddaada codbixinta waa in lagu soo celiyaa sanduuqa lagu rido warqadaha codbixinta ugu dambeyn 8 p.m. ee habeenka doorashada, ama waa inay lahaato calaamadda Adeegga Boostada ee Maraykanka ugu dambeyn Maalinta Doorashada.

Xirmooyinka warqaddaada codbixinta waxaa lagu soo celiyaa xafiiskeena halkaas oo mashiinka kala soocida boostada uu iskaan-gareeyo baarkoodka macluumaadkaaga oo uuna sawir ka qaado saxiixaaga ku yaala bakhshadda. Saxiixaan waxaa intaa ka dib loo isticmaali doonaa habka xaqiijinta. Si toos ah u daawo kala soocida warqadda codbixinta inta doorashada lagu jiro.

Sharciga gobolka ayaa u baahan inaan saxiixaaga ku yaala bakhshadda warqadda codbixinta barbardhigno saxiixaaga ku jira faylka inta aanan tirin ka hor warqaddaada codbixinta. Haddii ay saxiixyadu isku dhigmaan, waxaanu tirin karnaa warqadaada codbixinta. Haddii saxiixyada ay isku dhigmi waayaan ama ay maqan yihiin, waxaan kugula soo xiriiri doonaa boosto, iimeel, iyo taleefan anaga oo kuu sheegeyna sida arrinta loo xaliyo. Waxaad haysataa inaad ku soo jawaabto ilaa maalinta ka horeysa shahaadaynta natiijada doorashada. Si toos ah u daawo xaqiijinta saxiixa inta doorashada lagu jiro.

Ka shaqeynta xirmada warqadaha codbixinta, waxaan marka koowaad dhammaan bakhshadaha ammaanka ka soo saarnaa bakhshadaha lagu soo celiyo. Tani waa barta aan ku kala soocno aqoonsiga codbixiyaha iyo warqadda codbixinta ee ku dhex jirta bakhshadda si aan u xaqiijino in codadkaagu ay ahaadaan kuwo qarsoodi ah. Waxaan intaasi ka dib dhammaan warqadaha codbixinta ka soo saarnaa bakhshadda ammaanka. Ugu dambeyntii, waxaan fiirinaa warqadda codbixinta si aan u eegno haddii codadka uu calaamadeeyey codbixiyaha uu si fiican u akhrin karo qalabkeena iskaanka.Waxaan calaamadeynaa warqadaha codbixinta ee ubaahan dib-u-eegis dheeraad ah waxaana dhammaan warqadaha codbixinta u dirnaa koox kale oo shaqo si loo iskaan-gareeyo. Si toos ah u daawo furitaanka warqadda codbixinta inta doorashada lagu jiro.

Marka warqaddaada codbixinta ay diyaar u tahay in la tiriyo, waxaan iskaan-gareynaa warqadaha codbixinta waxaana sawirada ku keydinaa nidaam ammaan ah oo xiran. Kombiyuutarka shax-u-sameynta waxaa si ammaan ah loogu hayaa qol leh kaamirooyinka ammaanka, lagu galo qalabka suulka la saaro, iyo shaabado caddaynaya faragelinta. Si toos ah u daawo iskaan-gareynta warqadda codbixinta inta doorashada lagu jiro.

Ka dib marka warqadaha codbixinta la iskaan-gareeyo waxaan dib-u-eegis ku sameynaa sawirada elektarooniga ah oo ka eegnaa wixii calaamadooyin baadi ah, ujeeddada codbixiyaha aanan caddayn ama sixitaan ah. Waxaan warqadaha codbixinta dib-u-eegis ugu sameynaa kooxo min labo qof ah si loo xaqiijiyo in codadka si sax ah loo tiriyo. Waxaan isticmaalnaa Buugga Ujeeddada Codbixiyaha ee uu sameeyey Xafiiska Xoghaya Gobolka si aan u xaqiijino inaan u tirinayno codadkaaga sidii aad ugu talagashay. Isticmaalka hagahani waxa uu xaqiijiyaa in go'aanadeena ujeeddada codbixiyaha loo gaaray si is wada waafaqsan min koox ilaa koox iyo doorasho ilaa doorasho. Si toos ah u daawo dib-u-eegista warqadda codbixinta inta doorashada lagu jiro.

Tirinta codadka waxa la sameeyaa 8 p.m. ee habeenka doorashada waxaana natiijooyinka la soo bandhigaa wax yar ka dib. Iskaan-gareynta iyo tirinta codadka ayaa si socda maalin walba ilaa dhammaan codadka u qalma laga tiriyo doorashadana la shahaadeeyo. Si toos ah u daawo iskaan-gareynta warqadda codbixinta inta doorashada lagu jiro.

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka
expand_less