Beddelaada warqadda codbixinta ama bakhshadda
Warqadda codbixinta ama bakhshadda luntay ama waxyeelowday? Waxaad heli kartaa warqad codbixin beddelaad ah ama waxaad khadka kala soo dagi kartaa bakhshadda beddelka.
Waxaan u baahanahay warqad cod bixin beddelaad ah
Gal Macluumaadkeyga Codbixiyaha si aad u codsato warqad codbixin beddelaad ah.
Ma haysataa qalabka warqadaha lagu daabaco? Waxaad oonleenka ka calaamadeyn kartaa oo ka daabacan kartaa warqaddaada codbixinta beddelka ah.. Haddii aad su’aal qabtid ama aad jeceshahay inaad sameyso qabanqaabooyin kale oo aad ugu codeyn karto doorashadan, la xiriir Doorashooyinka Degmada King..
Waxaan u baahanahay bakhshad beddelaad ah
Khadka kala soo deg oo daabac baakadda bakhshad beddelaad ah.
- Baakadda bakhshad beddelaad ah ee codbixiyayaasha Dalka Dibadiisa ama kuwa Adeegga
- Baakadda bakhshad beddelaad ah ee codbixiyayaasha ku sugan gudaha Mareykanka
Baqshadda beddelka kuma jirto warqad codbixin ah. Haddii aad u baahan tahay warqadda cod bixinta beddelka, eeg kor.
Sida loo isticmaalo baakadda bakhshad beddelaad ah
- Soo daabac baakaddaada.
- Ku buuxi macluumaadkaaga codbixiyaha.
- Magacaaga ku saxiix bayaanka iyo warqadda saxiixa.
- Raac tilmaamaha ku jira baakadda si aad iskugu ururiso bakhshaddaada beddelka ah.
- Ku celi warqaddaada codbixinta Doorashada Degmada King.
Waxa la sameeyo haddii bakhshaddaada soo celinta warqadda codbixinta ay xirmato
Inta badan, bakhshaddaada weli waa la isticmaali karaa xitaa haddii la keeno iyadoo qeyb ahaan isku xirmatay. Si taxadar leh u fur bakhshadda ama, haddii loo baahdo, bakhshadda ka jeex oo ka fur qaybta sare. Isticmaal qadar yar oo koollo ah si aad dib isugu dhejiso bakhshadda. Haddii bakhshaddaada ay aad ugu waxyeellowday in la isticmaalo, khadka kala soo deg bakhshad beddelaad ah.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications