Xaqiiqooyinka Hargab (Ifilo)
Influenza facts in Somali
Muxuu yahay?
Hargab (ifilo) waa cudur kaas oo si aasaasi ah u saameeya waddooyinka neefsashada iyo sambabada dadka. Waxaa sababa feyraska hargabka kaas oo si fudud ugu faafa dadka dhexdooda qofba qofka kale. Xili kasta oo hargab, waxaa faafa feyraso hargab baddan oo kala duwan. Hargabka wuxuu halis kunoqon karaan dadkaan soo socda:
- Dhallaanka iyo caruurta (gaar ahaan kayartahay da'doodu 2 sanno)
- Haweenka uurka leh
- Dadka qabba sonkoroowga
- Dadka qabba neefta
- Dadka qabba mushkilado qalbiga ama sambabka ah ama daciifnimo nidaamyada jirka difaaca ah
- Dadka buuran
- Xitaa caruurta caafimaadka leh iyo dadka waaweyn waxay aad ugu xanuunsan karaan hargabka
Maxay yihiin calaamadaha cudurkaan lagu garto?
- Calaamadaha hargabku badanaa waxay biloowdaan kudhowaadkii 1 illaa 4 maalmood kadib marka lala kulmo ama loo banbaxo qof qabba hargab.
- Calaamadaha caadiga ah waxaa kamid ah:
- Qandho
- Qufac
- Xanuun dhuunta ah
- Dareere sanka ka imaada ama caburnaan
- Daal dareemid (waxay noqon kartaa mid daran)
- Madax xanuun
- Xanuun murqaha ah
- Dadka qaarkii waxay qabbi karaan mataq iyo shubban, inkastoo midani ay aad ugu badantahay caruurta hadii loo eego dadka waaweyn
- Xaaladaha qaarkooda, hargabka wuxuu sababi karaa oof wareen iyo mushkilado kale oo halis ah.
Sidee ayuu u faafaa?
- Feyrasada hargabka waxay inta baddan kufaafaan dhibcaha lasameeyo marka dadka qabba hargabku qufaco, hindhiso ama hadlo. Dhibcahaan waxay kudhici karaan afka ama sanka dadka qofka u dhow.
- Sidoo kale qofka hargabka wuxuu kaqaadi karaa taabashada dusha meel ama shay sita feyraska hargabka kadibna kutaabta gacantaasi afkooda, indhahooda, ama sanka.
Sidee lagu aqoonsadaa laguna daaweeyaa?
- Dhakhtarkaada ayaa aqoonsan kara hargabka taas oo kusalaysan calaamadahaaga jiro.
- Dhakhtarkaada ayaa sidoo kale kutijaabin kara suuf lageliyo gudaha sankaada ama gadaasha dhuunta.
- Dadka intooda baddan kuwaas oo qabba hargab ma ahan kuwo u baahan daaweyn caafimaad ama daawada kahortaga feyraska, laakiin dadka kujira halis khatar ah oo jiro daran ah (fiiri kor) waxaa khasab ku ah in ay wacaan dhakhtarkooda haddii ay sameeyaan calaamado hargab.
- Dhakhtarada ayaa qori kara daawada kahortaga-feyraska si looga hortago jirooyinka daran ee halista ah; daawooyinkaan waxay sifiican wax u qabanayaan hadii lagu siiyo qofka 48 saacadood gudahooda oo kamid ah marka uu xanuunsanayo.
Sidee hargabka looga hortagi karaa?
- Qaabka ugu fiican ee looga hortagi karo hargabku waxay tahay tallaalka hargabka sannad kasta ah.
- Tallaalka hargabka waa mid lagula taliyo dhammaann dadka da'adoodu tahay lix biloood ama kaweyn.
- Iska hubso in qofkasta oo la nool ama sida dhallaan kayar da'ada 6 bilood, haween uur leh, ama dadkale oo kujira halis-sareysa ay helaan tallaalka hargabka.
- Sidoo kale adiga waxaad qaadan kartaa tallaabadahaan maali laha ah si aad nafsadaada iyo dadka kaleba uga ilaaliso in ay xanuun qaadaan.
- Gacmahaada kudabool afkaada iyo sankaada ama istiraashada marka aad qufacayso ama hindhiseyso.
- Marwalba kudhaq gacmahaada saabuun iyo biyo ama isticmaal aalkoole-kusaabsan nadiifinta gacanta.
- Kafogoow taabashada indhahaada, sanka, ama afka. Taabashada meelahaan waxay faafisaa jeermiska.
- Iskuday in aad kafogaato xiriir dhowaansho ah in aad layeelato dadka xanuunsan.
- Joog guri hana aadin shaqada iyo iskuulka illaa ugu yaraan 24 saacadood laga joogo kadib marka ay qandhadaada baxdo ama dhamaato, kadibna kafogoow in aad xiriir dhowaansho ah layeelato dadka kale marka aad xanuunsantahay.