Sababaha ugu muhiimsan ee loogu yeerto 9-1-1
Sababaha ugu muhiimsan ee loogu yeerto 9-1-1
The main reasons for calling 9-1-1 in Somali
- 9-1-1 waxa ay tahay inaad u yeerato kaliya marka aad garab uga baahan tahay booliska, shaqaalaha qeybta dab damiska ama kuwa qeybta caafmaadka. Wixii aan ku saabsaneyn xaalad deg-deg ah non-emergencies, u wac qeybta booliska ee degmada ama qeybta dab-damiska ama hey'adaha ugu habboon ee ku caawimi kara. Tusaale ahaan marka aad wici karto 9-1-1 waxa ka mida:
- Caafmaad darro khatar ah sida (laab xanuun, qalal, dhiig bax, iwm.)
- Nooc kasta oo dab ah sida (dhisme ama guri, gaari, dhir, iwm.)
- Dambi kasta oo socda sida (dhac, guri jabsi, qof u muuqda inuu wax xadayo ama dhacayo, dagaal, iwm.)
- Wax kasta oo xaalad khatar ku ah nolosha sida (shil gaari oo dhaawac keenay, iwm)
- Haddii aadan ku hadal luqadda Ingiriiska ama aadan ku gudbin karin warbixin loo baahan yahay afka Ingiriiska, waxa jira turjumbaanno diyaar ku ah xarumaha 9-1-1 ee degaanka King County.
- Durba ugu sheeg af Ingiriis qofka teleefanka qaabilsan luqadda aad ku hadasho si ay kuugu helaan qof turjumaan ah.
- Haddii aad dhego la' dahay ama maqalku kugu adag yahay, xarumaha 9-1-1 waxa ay leeyihiin qalabka TTY iyo dad teleefanka qabta oo loo carbiyey isticmaalkooda. Waxaad kalood isticaali kartaa fidiyow ama adeegga IP Relay Services kaasi oo u gudbin doona wicitaankaaga xarunta 9-1-1 ee deegaanka ku magacaaban yahay isla markaana tarjumi doona wicitaanka.
- Dhammaan wicitaannada 9-1-1 waxa lagu weydiin doonaa halka aad joogto ee khatarta ka jirto, lambarka telefoonkaaga ee aad ka soo waceyso iyo xaaladda khatarta ah eed ku sugan tahay.
- Marka la ogaado xaaladda khatarta ah, qofka teleefanka qabtay waxa uu ku weydiin doonaa su'aalo la xiriira xaaladda deg-degta ah eed qabto waxana ay ku siin doontaa tusaalooyin caafmaadka la xiriira haddii dhibkaaagu yahay xanuun inta qolada caafmaadka ku soo gaareyso.
- Waa muhiim inaad si faseex ah oo deggan aad u hadasho si aad uga jawaabto dhammaan su'aalaha qofka teleefanka kaa qabtay uu ku weydiin doono. Qolooyinka 9-1-1 teleefankeeda qabta waa dad loo carbiyey iney weydiiyaan su'aalo la xiriira nooca khatarta eed ku sugan tahay.
- In kastoo lagu weydiinayo su'aalo badan, haddana la hadalku kaama daahinayo in si deg-deg ah l aguugu adeego inta shaqaalahu ku soo gaarayaan.
- Waxa hubanti ah in shaqaalaha gurmadka deg-degta ah la soo dirayo durba marka la ogaado meesha aad joogto.
- Xarunta 9-1-1 waxa ay sii wadi doontaa iney warbixinta muhiimka ah u gudbiso shaqaalaha gurmadka deg-degga ah inkasoo ay weli kula sii wadi doonaan su'aalo la xiriira xaaladdaada, iyo weliba mararka qaar waxa dhici karta in teleefanka ay kugula sii hadlaan inta gacan siin lagula soo gaarayo.
- Ogow halka aad ku sugan tahay marka deg-degtu ku soo food saarto, gaar ahaan marka aad ka soo waceyso teleefoonka gacanta.
- U sheeg durba qofka kula hadlaya goobta ama adreeska aad ku sugan tahay.
- Haddii kale ka fir-firi hareerahaaga calaamado, dhismayaal caan ah, ama lambarka maayalka ee waddada hareeraheeda ku qoran.
- Qofka teleefanka qabtay wuu u baahan doonaa magacaada iyo lambarkaaga si dib laguugu soo wici karo haddii khadku go'o.
- Kooxda Imerjensiyada ayaa sidoo kale isticmaali doona haddii ay u baahdaan iney kula soo hadlaan.
- Qofka teleefanka kaa qabta kuma weydiin doono sharciga aad dalka ku joogto.
- Ha dhigin teleefanka. Khadka ku sii jir.
- Waxa laga yaabaa in lagu sii weydiiyo su'aalo isdaba taxan xittaa ka dib marka laguu soo diro dad ku caawiya.
- Teleefoonka xariga leh ayaa ah midka ugu habboon marka la wacayo 9-1-1, haddaba mar kasta oo ay suuro gal tahay u isticmaal teleefoonka xariga leh wicitaanka 9-1-1.
- Telefoonnada lacagta lagu rido iyaguna waa laga soo wici karaa 9-1-1 iyadoo wax lacag ah lagu shubin. La soco haddii korontadu maqan tahay in adeegyada telefoonnada ee VoIP/Internet/Broadband aanney shaqeyn karin.
- Hadii aad leedahay teleefan xarig leh, waa inaad isticmaashaa kuwa caadiga ah een u baahneyn koronto si khadku kugu shaqeyn karo koronto la'aan.
- Sidoo kale, telefoonnada emerjensiga waxa ay ku rakiban yihiin xarumo badan oo booliiska iyo dab-damiska ah.
- Koronto tagista: Waxad ugu wacdaa shirkadda korontada haddii aad qabto su'aalo ku saabsan koroto kaa maqan.
- Akhbaarta Jidadka: 5-1-1 ayaa ah lambarka wararka waddooyinka ee gobolka Washington State.
- Adeegga Bulshada: 2-1-1 ayaa u diyaar ah gudaha gobolka Washington State si ay kaaga caawiyaan caafmaadka iyo adeegga buslshada eed u baahan tahay.
- Haddii aad ku sugan tahay goob ballaaran oo deg-deg ka jirto, ha isticmaalin teleefankaaga saacadaha ugu horreeya in khatar weyn jirto mooyee oo kugu qasbeysa inaad wacdo 9-1-1.
- Haddiiba ay weligeed dhacdo inaad 9-1-1 si qaldan u soo wacdo, ku sii jir khadka una sheeg iney qalad kaaga dhacday, iyo inaadan qabin arrin deg-deg ah. Haddii aad dhigto, qofka teleefanka kaa qabtay wuxuu isku dayi doonaa inuu dib kuu soo waco, kuuna soo diro askari haddii aaney ogeyn ama go'aan ka gaari karin inaad xaal khatar ah ku sugan tahay.