Skip to main content

Barnaamijka korinta xayawaanka

Barnaamijka korinta xayawaanka

cat-and-dog

Korso saaxiib maantay.

Howlgalkeena Korinta

 

Inaanu ku meelayno inta ugu badan ee xayawaanka caafimaadka qaba, guryo joogto ah sida ugu macquulsan. Si loo dhamaystiro howlgalkeena waxaynu, baari doona caafimaadka xayawaanka, dabeecadda iyo haboonaanta ku meelaynta guryaha, si loo helo milkiilayaasha haysta xayawaanka kuwaas u dhigma, la baro milkiilayaasha waxyaabaha ku saabsan sharciyada iyo xukummada ay ka mid yihiin daryeel ku haboon, haynta, shatiga iyo dhufaminta/ka dhigitaanka ma dhalaanka.p>

Doorashada Xayawaanka ku Haboon

U ogolow inay ka caawiyaan takhasusayaasha korsashada xayawaanka rabbaayada in aad doorato xayawaanka ku habboon meesha aad ku nooshahay. Si taxadir leh uga fiirso waxa aad adiga iyo qoyskaaga doonaysaan inuu noqdo xayawaanka rabbaayada - saaxiib xasilloon? Ciyaar weheliya firfircoon? Saaxiib qoyska? Nooc kasta oo eey iyo bisadda waxay leedahay astaamo u gaar ah iyo xayawaanka kasta wuxuu leeyahay shaqsiyad u gooniya.

Marka aad dooranayso xayawaanka, ka jawaab su’aalaha soo socda:

  • Wakhti intee le'eg ayay igu qaadan doonta daryeelka xayawaankayga?
  • Ma waxaan doonayaa xayawaan firfircoon ama mid xasilloon?
  • Dakhligayga intee in la'eg ayaan ku bixin karaa xayawaanka?
  • Ma waxaan ahay qof degan?
  • Waa maxay sababta, dhab ahaan, aan u doonayo inaan xayawaan u korsado?

Dadka ku takhasusay korsashada xayawaanka ayaa aad ugu faraxsan inay kala hadlaan baahidaada xayawaanka oo ku raadin doona xayawaanka u dhigma adiga iyo qoyskaagaba.


 

Ku soo dhawoow oo waxaanu kaaga mahadnaqaynaa doorashadaada ah inaad ka soo raadsato xayawaan cusub Xarunta Korinta Xayawaanka. Si aad u aragto xayawaanka, fadlan socod ku mar xarunta korinta oo la soco xayawaanka ku jira qolalka adigoo eegaya lambarka qafiska ee xayawaanka kasta oo laga yaabaa in aad xiisayso dhaqmaadkiisa. Lambarkaas wuxuu u ogolaanayaa takhasusaha korsashada xayawaanka inuu ku siiyo macluumaadka ku saabsan xayawaanka. Fadlan ha furin qolalka qafiska; had iyo jeerna weydiiso kaalmo.p>

Si loo hubiyo in la helo natiijada korsasho ee ugu fiican, xayawaanka qaarkood waxaa laga yaabaa in aanay noqon karin kuwo la korsan karo iyadoo ay sabab u tahay cudur ama xaalado kale.

Dadka ku takhasusay korsashada xayawaanka waxaa lagu heli karaa qof ahaan ama telefoonka si ay si gaar ah kaaga caawiyaan inaad doorato xayawaanka saxda ah. Waxay yaqaanniin dhaqanka xayawaanka, daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, adeegga macaamiisha iyo la-qabsashada xayawaanka/aadanaha saaxiibkiis. Waxay iyaguna yihiin milkiilayaasha xayawaanka iyo naftooda caashaqday. Ku kalsoonow inay kaa caawiyaan sidii aad ugu gaari lahayd go'aan sax ah - oo adiga iyo xayawaanka saafiga ah ee la filayo.

Howsha korsashadu waxay qaadan doontaa 20 ilaa 30 daqiiqo intii lagu jiray waqtigaas ku takhasusay korsashada ayaa kugu caawin doona:

  • Soo minguuriiyo oo buuxiyo codsiga korsashada  (PDF)
  • Dooro xayawaanka ku habboon danahaada
  • Fahamka sharciyada iyo xeerarka hadda

Qaar ka mid ah eyga ama da'da xayawaanka qaarkood waxaa laga yaabaa in aanay ku habboonayn guryaha leh carruurta yaryar. Shaqaalahayaga ayaa kaala hadli doonaa tixgelinta kuwaas.

Xayawaanka Kharashka Korinta
Bisadaha (lix bilood ama ka weyn) $30
Bisadaha carruurta (ittens) (ka yar lix bilood) $100
Eeyaha (lix bilood ama ka weyn) $100 ilaa $250
Eeyaha carruurta (puppies) (ka yar lix bilood) $100 ilaa $250
Bakaylaha, Naasaleyda Yaryar, Shimbiraha Waxay ku kala duwan yihiin noocyada

Kharashka korsashada waxaa ku jira wax kasta oo xayawaanku u baahan doono bilowgiisa koowaad ee gurigiisa cusub:

  • Shatiyada xayawaanka King County (haddii ay khusayso)
  • U sameynta Microchip-ka (bisadaha iyo eeyaha)
  • Qaliinka dhufanaan / dhalayn
  • 30-casho oo caymiska caafimaadka xayawaanka oo ay bixinayso Trupanion
  • Tallaalada Bilowga (oo ay ku jiraan raabiyada haddii xayawaanka uu ka weyn yahay afar bilood jir)
  • Baaritaanka dhaqtarka caafimaadka xayawaanka
  • Xarigga qoorta
  • Dambiisha lagu qaado (bisadaha)
  • Xadhiga qoorta looga xiro (eeyaha)

Xaaladaha intooda badan, xayawaankaaga horay ayaa looga soo saaray xubnaha dhaliinka/dhufaantida. Mararka ay dhacdo in qalliinka aan la samayn karin, tusaale ahaan sababo caafimaadka ama da'da ah, waxaad samayn kartaa inaad bixiso deboosit gaar ah kaas oo lagu soo celin doono marka qalliinka la sameeyo. Fadlan horay u soo qaado dambiishii aad sida ammaanka leh ugu qaadi lahayd xayawaanka gurigaada.

Markii aad guriga tagto, xayawaanka si raaxo leh u deji meel xiran - qolka dharka lagu dhaqdo, musqusha ama jikada. Sii xayawaankaaga waqti ay kula qabsadaan jawiga. Aammus, isdeji, jacayl u muuji, oo u-roonow xayawaankaaa oo isagaa ku iman doona isagoo ku jecel oo aad kugu kalsoon. Gee xayawaanka kale meel ka fog maalin ama saas oo kale oo u ogolow carruurta yaryar inay u bartaan xayawaanka si tartiib tartiib ah.

Bar xayawaanka xeerarka guriga marka ugu horeysa. Ha ku xaarxaarin xayawaankaaga cunista kabahaaga cusub! Ku adkeyso oo u dulqaado - marnaba ha ku qaylin ama wax ha ku dhufan xayawaankaaga.

Waxay ku qaadataa laba ilaa afar todobaad xayawaanka cusub si ay ula qabsadaan gurigaaga iyo qoyskaaga.

Haddii xayawaanka xanuunsado, isla markiiba u gee dhaqtarka xayawaanka. Nasiib darro, xayawaanka xarunta korsashada waxaa laga yaabaa in aanay tallaalin milkiilayaashoodii hore oo ay kula kulmeen xayawaanka kale jidadka iyo guriga xayawaanka. Qiyaastii 5 % ka mid ah xayawaanka korinta oo keliya ayay ku dhacaan cudurada aan daawada lahayn. Daryeelka caafimaadka xayawaanka ee hore ayaa badbaadin kara nolosha xayawaankaaga! Fadlan na soo wac haddii ay jiraan wax dhibaatooyin caafimaada.

Haddii xayawaanka aan jeermiska laga dilin kahor inta aadan guriga u qaadan, fadlan noo soo sheeg sida ugu dhaqsaha badan marka qalinkaas lagu sameeyo - ama haddii ay jirtaan dib u dhac ay sabab u tahay xanuun ama sabab kale. Dhammaanba xayawaanka waa in jeermiska laga dilay taariikhda heshiiskaaga korsashada.

Ugu dambeyntii, waxaan aad ugu faraxsan nahay inaannu ka caawino wixii dhibaato ama walaac ah ee aad qabto - fadlan na soo wac kahor inta aanay dhibaatadu noqon mid aad u weyn.

Ha ka filan xayawaankaaga inuu saxsanaado - isagu/iyadu kama filayo inaad sidaas noqoto.

Si macquul ah u ogsoonoow waqtiga, tamarta iyo lacagta aad raalliga ka tahay inaad ku maalgashatid xayawaanka. Diyaar ma u tahay inay ka go'an tahay arrintaan xayawaanka noloshaada oo dhan? Qaado waqti si aad wax uga barato dhaqanka xayawaanka, tababarka farsamada ("In sanka laga salaaxo " MA AHA habka ugu fiican ee lagu tababaro eey!), Daryeelka xayawaanka iyo nooc sifooyinka (sida eeyga Cocker Spaniel waxaa laga yaabaa inuusan ahayn doorashada ugu fiican ee guriga leh carruurta). Tani waxay kaa caawin doonaa inaad gaarto go'aan ku saleysan aqoon oo ah xayawaanka aad doonayso inaad gurigaada geyso. Sii qorshaynta hor iyo ku samaynta qiimaynta daacad ah meesha aad ku nooshahay waxay idiinka dhigi doonaan korinta xayawaanka cusub khibrad lagu farxo labadiinaba!

Sidii ay had iyo jeer ahaydba, Ujeedadeena koowaad waa inay xayawaanku helaan guri ay ku koraan oo joogta ah, ahna guryaha jecelka.

Director Ejecutivo del Condado de King Dow Constantine

Xarumaheena Korinta

RASKC

21615 64th Ave. S.

Kent, WA 98032

Isniinta - Jimcaha: 12 duhurnimo - 6 p.m.

Sabtida - Axadda: 12 duhurnimo - 5 p.m.

Tel: (206) 296-3969

Eastside Pet Adoption Center

(Kirkland Petco gudahiisa)

12040 NE 85th St.

Kirkland, WA 98033

Toddobada casho ee sitimaankii: 1 p.m. - 5:30 p.m.

Tel: (425) 406-8081

Adoption Partner Stores

Neko Cat Cafe

519 E Pine St

Seattle, WA 98122


Petco

Covington Store

27111 167th Pl. SE, Ste 113

Covington, WA 98042


Tukwila Store

17200 Southcenter Pkwy.

Tukwila, WA 98188

 

PetSmart

Tukwila Store

17585 Southcenter Pkwy.

Tukwila, WA 98188

 

Reber Ranch

28606 132nd Ave. SE

Kent, WA 98042


Seattle Meowtropolitan

1225 N 45th St

Seattle, WA 98103


The Whole Cat and Kaboodle

6501 132nd Ave NE

Kirkland, WA 98033

Qadka Macluumaadka Xayawaanka
206-296-7387

TTY Relay 711

expand_less