Skip to main content

Macluumaadka xeebta dabaasha

Macluumaadka xeebta dabaasha

“BEACH CLOSED” (XEEBTA WAA LA XIRAY) macnaha calaamadaha:

“BEACH CLOSED” (XEEBTA WAA LA XIRAY) macnaha calaamadaha:
  • Xeebta lagu dabaasho way xiran tahay.
  • Waxaa jira bakteeriya heerkoodu sarreeyo oo ku jirta biyaha.
  • Haku dabaalan.
  • Haku dhex socon.
  • Ha u oggolaanin carruurtaadu in ay galaan biyaha dhexdooda.

Bakteeriyada heerkoodu sarreeyo waxay la micna tahay in nooc ka mid saxaradu ay ku jirto biyaha. Saxaradu waxay noqon kartaa mid ka timaada dadka, eyda, boolo boolo, ama xayawaane kale. Saxarada waxaa ku jiri kara jeermisyo dadka xannuun u keeno.

Saxarada ka ilaali biyaha!

  • Eygaaga ha keenin xeeb lagu dabaasho. Eyda looma oggola inta badan xeebaha lagu dabaasho.
  • Ha quudin boolo boolo.
  • Dhallaanka socod-baradka ah iyo carruurta waxaad u gelisaa xafaayadaha dabaasha oo wanaagsan.
  • Qubeyso inta aadan dabaalan ka hor.

Waa kuwee xeebaha baaritaan tijaabo ah laga qaaday?

Degaanka King County wuxuu baaritaan tijaabo ah ka qaadaa biyaha kuwo badan oo ka mid ah xeebaha dabaasha ee dadweynaha. Maabka waxaa laga helayaa kingcounty.gov/swimbeach. Waxaan baaritaan tijaabo ah ka qaadnaa biyaha toddobaad kasta in lagu jiro xagaaga, inta badan maalmaha Isniinta.

Waa kuwee xeebaha la xiray?

Laba maalmood ka dib marka la baaritaan tijaabo ah la sameeyo, natiijooyinka baaritaanka waxaa laga helayaa kingcounty.gov/swimbeachKhariirada korkeeda, calaamada cagaaran ee wareegsan waxay tilmaamaysaa xeebaha furan ee dhawaan baaritaan tijaabo ah lagu sameeyay. Calaamada guduudan ee dheemanka u eg waxay tilmaamaysaa xeebaha xiran.

Xeebta lagu dabaasho way xiran tahay.
Xeebaha xiran sidoo kale waxay ku qoran yihiin dhinaca midig ee bogga iyaga oo ku qoran qoraal guduudan.
Haddii aysan jirin xeebo xiran, way sheegaysaa “All sampled beaches are open.” (Dhmmaan xeebaha la tijaabiyay way furanyihiin).
Haddii aysan jirin xeebo xiran, way sheegaysaa “All sampled beaches are open.” (Dhmmaan xeebaha la tijaabiyay way furanyihiin).

Ka waran ku dabaalashada meelo aanan baaritaan tijaabo ah lagu sameeynin?

Waxaan awoodnaa kaliya baaritaan tijaabo ah in aan ku sameeyno qaar ka mid ah xeebaha caanka ah ee lagu dabaasho. Xeebaha, harooyinka, ama durdurada aan baaritaan tijaabo ah lagu sameeynin:

  • Taxadar muuji haddii aad aragto algae ka baxaya biyaha dhexdooda. Qaar ka mid ah algae soo baxaya wuxuu soo saari karaa sun. Wax ka ogow algae isla markaana, natiijooyinka baaritaanka sunta ka fiiri www.nwtoxicalgae.org.
  • Taxadar muuji haddii aad aragto ama uriso saxaro xeebta hareeraheeda. Tani waxay noqon kartaa saxarada dadka, xayawaanka la dhaqdo, ama duur joogta oo ku jira biyaha.

Macluumaad kale oo faa’iido leh:

  • Talooyin ku saabsan ammaanka dabaasha iyo halka laga heli karo jaakadaha nolosha oo qiime jaban ama la deynsanayo, booqo website-ka Ammaanka Dabaasha ee degaanka King County..
  • Xeebaha badda ee ku yaala Puget Sound waxaa baaritaan tijaabo ah ka qaaday Waaxda Cilmiga Degaanka ee Washington State.
  • Degaanka King County sidoo kale wuxuu baaritaan tijaabo ah bil kasta ka qaadaa durduro badan iyada oo laga fiiriyo bakteeriyo. Natiijooyinka baaritaanku waxay ku jiraan website-ka La socodka Durdurada.
  • Qaar ka mid ah xaafadaha da’da weyn ee Seattle waxay leeyihiin bulaacada isku dhafan, kuwaasi oo ah tuubooyin si wadajir ah u qaada biyaha roobka iyo wasakhda. Website-ka Buux-dhaafka Wasakhda Bulaacadaha Isku barxan ayaa muujinaya meelaha wasakhda isku barxan ay dhawaan buux-dhaafday. Iska ilaali ku dabaalashada meelaha buux-dhaafka wasakhdu soo gaaray muddo 48 saacadood ah.
expand_less