Skip to main content

ORCA LIFT

Kharashka gaadiid raaca oo hooseeya. Waxyaabo badan oo suurtagal ah.

Si fiican uga faa'iidayso gaadiidka iyadoo la dhimay qiimaha iyo ORCA LIFT! Kaarkani waxa uu bixiyaa hab ku haboon, oo la awoodi karo oo lagu aado Puget Sound.

ORCA LIFT

Ma u qalantaa?

Qadarka dakhliga Qoyska

Si aad ugu qalanto, dakhliga guud ee qoyskaaga (kahor inta aan canshuurta laga jarin) waa inaanu ka badnayn boqolkiiba 200 ee Heerka Saboolnimada Dawlada dhexe, sida ay dejisay Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka Maraykanka. Kuwa hela Apple Health Medicaid, WIC iyo Basic Food ayaa u qalma barnaamijka.

200% ee Heerka Saboolnimada Dawlada dhexe
Tirada Qoyska Dakhliga Bishii
1 $2,430
2 $3,287
3 $4,143
4 $5,000
5 $5,857
6 $6,713
7 $7,570
8 $8,427

Sida loo codsado

  • Arag haddii aad u qalanto

    Dib u eeg shuruudaha u qalmitaanka ee kore, ama haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo fahamka inaad u qalanto iyo in kale, wac Barnaamijka Helitaanka Caafimaadka Bulshada (Community Health Access Program, CHAP) 800-756-5437.

  • Dalbo kaar

    Ka dalbo khadka tooska ah (Af-Ingriis keliya) ama si shakhsi ahaaneed xafiiska diwaangalinta idman. Si diyaarso cadaynta dakhliga iyo cadaynta aqoonsiga (eeg qaybta u qalmitaanka).

    Ka dalbo adoo adeegsanaya talefoonka oo ka wacaya CHAP lambarka 800-756-5437 kaarkaagana waxaa laguugu soo diri doonaa boostada.

    Haddii aad u qalanto, ma jirto lacag bilow ah oo ah karaka ORCA LIFT laakiin waxaad u baahan doontaa inaad ku shubato kaadhkaga lacag si aad ugu raacdo gaadiidka.

    Dhalinyarada 18 iyo ka yar waxay awoodaan inay raacaan inta badan gaadiidka gobolkayaga si kharash la'aan. Booqo myORCA.com (Af-Ingriis keliya) wixii macluumaad dheeraad ah.

  • Ku shob lacag kaarkaaga si aad ugu bixisid

    Kahor intaadan isku dayin inaad ku bixiso gaadiidka kaarka ORCA LIFT, hubi inaad ku shubto lacag (boorsadaada elektorooniga ah) ama kaar bille ah.

    Fiiro gaar ah: dukaanada sida Safeway iyo QFC Waxa kaliya awoodaan inay ku shubaan lacagaha boorsadooda elektorooniga ah, ee ma aha kaadhka bilaha ah. Waxaad u badelan kartaa boorsadaada elektorooniga kaarka adiga oo ka wacaya Metro 206-553-3000 ama galaya koontadaada ORCA.

  • Gaadiid raacitaan

    Qorshee safarkaaga, taabsii kaarkaaga oo si soco!

Dukumiintiyada dalbashada

Dukumiintiyada xaqiijinta dakhliga la aqbali karo

Cadaynta diiwaangelinta barnaamijyada Gobolka ee soo socda

  • Apple Health/Medicaid (ProviderOne)
  • Washington Basic Food (Kaarka EBT)
  • WIC (Haweenka, Dhalaanka iyo Caruurta)

Warqadaha Abaal-marinta

  • Warqada Shaqo La'aanta
  • Bayaanka Shaqada iyo Warshadaha (L&I)
  • Warqadaha kale ee abaal-marin ahaaneed: Lambarka Badqabka Bulshada (SSN), Dakhliga Kaalmada ee Badqab ahaaneed

Haddii aadan lahayn il dakhli hadda

  • Foomka xaqiijinta Xaalado Shaqo (ama sawir laga qaaday shaashada websaytka) oo muujinaya in dakhli kusoo galin

Haddii aad shaqeyso oo uu mushahar ku siiyo shaqaaleeyahaagu

  • Caddaynta dakhliga guud ee 30-kii maalmood ee la soo dhaafay (warqadaha mushahar bixinta, sawir laga qaaday shaashad oo muujinaya dakhliga kahor inta aan waxba laga jarin)
  • Haddii lagu bixiyay lacag cadaan ah, qoraal uu saxeexay oo ku taariikhaysan yahay loo shaqeeyaha oo sheegaya dakhliga guud ee 30 maalmood ee la soo dhaafay; ama bayaan bangi oo muujinaya lacag lagu shubay koontadaada

Qofka iskiis u Shaqaysta

  • Nuqulka canshuur celintaadii ugu dambeysay. Dakhligu wuxuu ku salaysan yahay dakhliga guud ee la hagaajiyay ee canshuur celintaadii ugu dambeysay: Foomka 1040, sadarka 37; Foomka 1040 A, sadarka 21; Foomka 1040 EZ, sadarka 4; ama dhamaystirka waraaqaha iskaa u shaqeysiga
  • Shaqaalaha madaxbanaan (Uber, Lyft, Door Dash): cadaynta dakhligaaga (kharash ka dib) 30 maalmood ee la soo dhaafay

Dhukumiintiyo cadeynaya qofka aad tahay

Kaarka aqoonsiga dawladdu bixisay oo sawir leh

  • Ruqsada darawalnimada (gobolka ama waddan kasta)
  • Kaarka aqoonsiga oo sawir leh ee dawlad, gobol, ismaamul ama wadan kasta
  • Kaarka Aqoonsiga Ciidan oo Sawir leh
  • Kaarka aqoonsiga ee qunsuliyada shisheeye kasta
  • Baasaborka dal kasta
  • Kaarka aqoonsiga sawirka leh ee Dugsi—jaamacad/koolej
  • Kaarka dhaladnimo
  • Shahaadada dhalashada Mareykanka, ogolaanshaha wadaninimo ee qof wadan kale u dhashay (oo leh saxiix iyo sawir)
  • Nooc kasta oo kale oo aqoonsi sawir ah oo ay bixiso hay'ad dawladeed oo waddan kasta ah ama isku darka laba dukumiinti ama ka badan

Ama, isku darka laba dukumiinti ama ka badan

Dukumiinti aan dawladu bixinin oo leh magac iyo sawirkaaga adoo qof weyn ah, iyo dukumiinti tilmaamaya magacaaga iyo taariikhda dhalashada, sida:

  • Warqadaha korsashada
  • Diiwaanada Daahiritaanka Babtiisamka
  • Warqada Dhalasho
  • Kaarka soo gudbitaanka xadka
  • Amar maxkamadeed
  • Waaxda Amniga Gudaha (Department of Homeland Security, DHS) kaarka “Trusted Traveler” (NEXUS, SENTRI, FAST)
  • Kaarka barashada darawalnimo
  • Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka (Department of Social and Health Services, DSHS) warqadda aqoonsiga ee dadka ay daryeelan kuwa aan ahayn kuwa dhalay
  • Kaarka aqoonsiga shaqaalanimo
  • Aqoonsiga Socdaal ahaaneed
  • Ruqsada Guur
  • Diiwaanada dugsiga / waraaqaha natiijada (la xaqiijiyay)
  • Kaarka Badqabka Bulshada
  • Aqoonsiga Shaqaalanimada Gaadiidka (Transportation Worker Identification Credential, TWIC)
  • Kaarka shaqo la'aanta

Waxa ay tahay in la bixiyo

Kaarkaaga ORCA LIFT wuxuu ku siinayaa qiimo la dhimay ee gaadiid raaca oo ah $1.00 ee Metro iyo habab kale oo badan oo gobolkeena ah. Hay'adaha qaar ma bixiyaan kharashka gaadiid raaca ORCA LIFT—safaradaas, waxaad u baahan doontaa inaad ku bixiso kharashka buuxa ee Boorsadaada Elektrooniga ah ama PugetPass horay loogu sii shubay.

Liistada Qiimaha hay'ad ahaaneed

Adeegga Baska (Hal mar gaadiid raac ah)

  • Midka Maxalaiga/Swift $1.25
  • Bas $2.00

Adeegga Baska (PugetPass)

  • Midka Maxalaiga/Swift $45.00
  • Bas $72.00

Adeegga Baska (Hal mar gaadiid raac ah)

  • Wado cayiman $1.00

Adeegga Baska (PugetPass)

  • Wado cayiman $36.00

Adeegga Gaadiidka (Hal mar gaadiid raac ah)

  • Wadooyinka Baska iyo RapidRide $1.00
  • Adeega DART $1.00
  • Metro Flex $1.00
  • Basaska Bulshada $1.00
  • Trailhead Direct $1.00

Adeegga Gaadiidka (PugetPass)

  • Wadooyinka Baska iyo RapidRide $36.00
  • Adeega DART $36.00
  • Metro Flex $36.00
  • Basaska Bulshada $36.00
  • Trailhead Direct $36.00

Adeeg Taksiyada Biy-mareenka ah (Hal mar gaadiid raac ah)

  • West Seattle / Downtown Seattle (Bartamaha Seattle)$4.50
  • Vashon Island / Downtown Seattle (Bartamaha Seattle)$3.75

Adeeg Taksiyada Biy-mareenka ah (PugetPass)

  • West Seattle / Downtown Seattle (Bartamaha Seattle) $162.00
  • Vashon Island / Downtown Seattle (Bartamaha Seattle)$135.00

Adeegga Gaadiidka (Hal mar gaadiid raac ah)

  • Doonta Dhakhsaha badan (Eastbound) $1.00
  • Doonta Dhakhsaha badan (Westbound) $5.00
  • Adeegga Baska iyo Doomaha Lagu Gudbiyo Dadka Lugaynaya ee Deegaanka $1.00

Adeegga Gaadiidka (PugetPass)

  • Doonta Dhakhsaha badan (Eastbound) $36.00
  • Jid go'an oo deegaanka ah (Hal mar gaadiid raac ah) $1.00
  • Jid go'an oo deegaanka ah (PugetPass) $36.00
  • Tareenka Bartamaha (Hal mar gaadiid raac ah) $1.75
  • Tareenka Bartamaha (PugetPass) $36.00
  • Baska Dadweynaha (Hal mar gaadiid raac ah) $1.00
  • Baska Dadweynaha (PugetPass) $36.00

Adeegga Gaadiidka (Hal mar gaadiid raac ah)

  • Basaska ST Express $1.00
  • Tareenada Sounder $1.00
  • Tareenka Fudud ee Link (Link Light Rail) $1.00

Adeegga Gaadiidka (PugetPass)

  • Basaska ST Express $36.00
  • Tareenada Sounder $36.00
  • Tareenka Fudud ee Link (Link Light Rail) $36.00

† Ogolaanshaha Qiimaha la Dhimay ee Gobolka ee Rakaabka weyn (da'da 65 ama ka weyn), Rakaabka naafada ah, dadka haysta kaarka Medicare iyo ciidamada Maraykanka ee haysta aqoonsiga.

Su'aalaha inta badan la is weydiiyo

  • Basaska Metro ee Degmada King
  • Taksiga Biyaha Mara ee Degmada King
  • Basaska Community Transit
  • Basaska Everett Transit
  • Basaska Kitsap Transit
  • Pierce Transit
  • Tareenka Bartamaha Seattle (Seattle Center Monorail)
  • Baska Dadweynaha ee Seattle (Seattle Streetcar)
  • Sound Transit Tareenka Fudud ee Link (Link Light Rail)
  • Sound Transit basaska Dhakhsaha ee Gobalka
  • Tareenada Sounder

Hay'adaha kale ayaa aqbali kara kaarka ORCA LIFT, laakiin waxaad u baahan doontaa inaad bixiso qiimaha caadiga ah (qiimo dhimis lagu samaynin) ee dadka waaweyn ee gaadiidka korkiisa. Waxaad ku bixin kartaa lacagtaa gaadiidka baoorsada elektorooniga ee kaadhkaaga ama PugetPass ee aad lacagta ku shubatay.

Waxaa laguu xisaabin doonaa qiimaha safarkaaga PugetPass oo waa inaa lagu gudaa lacagta u dhaxaysaa boorsadaada elektorooniga ah.

Ma jirto wax lacag ah oo kaadhka bilowga ah ee raacayaasha u qalma . Haddii kaarkaagii ORCA LIFT lumo, la xado ama waxyeelo soo gaarto, kaararka beddelka waa $3 Adiga ayaa mas'uul ka ah kharashka lagu shubayo boorsada elektorooniga ama kaadhka bilaha ah ee kaadhka.

Kaarka ORCA LIFT wuxuu shaqaynayaa laba sano laga bilaabo wakhtiga aad heshay. Taariikhda dhicitaanka kaadhkaagu waxay ku daabacan tahay dhabarka. Haddii kaarkaagu dhaco, waxaad codsan kartaa inaad cusboonaysiiso laba sano oo kale adoo raacaya nidaamka codsiga. Booqo Daaqada khidmada qiimo jaban (Refuced Fare Portal - Af-Ingriis keliya) wixii faahfaahin ah.

Waxaad isticmaali kartaa kaarka ORCA LIFT ilaa uu ka dhacayo. Marka kaarkaagu dhaco, si fudud dib u codso barnaamijka ama isticmaal kaarkaaga si aad u bixiso qiimaha dadka waaweyn ee caadiga ah.

Dhalinyarada 18 iyo ka yar waxay awoodaan inay raacaan inta badan gaadiidka gobolkayaga si kharash la'aan. Booqo myORCA.com (Af-Ingriis keliya) wixii macluumaad dheeraad ah.

Haddii uu ka lumo kaarkaaga ORCA LIFT, soo sheeg isla markiiba. Kaarkaagii hore ayaa la xiri doonaa oo ma sii shaqayn doono in lagu bixiyo lacagta gaadiidka. Lacag kasta ee boorsadaada elektorooniga ah ama kaararka hore loogu shubay kaadhkaagi hore waxa lagu wareejin karaa kaarkaaga cusub.

Iska badel kaarkaaga:

Haddii aadan haysan lacag kugu filan oo aad ku daboosho safarkaaga xiga, kaarka ORCA LIFT wuxuu kuu ogolaanayaa inaad ku safarto lacag lagugu yeelanayo dhan ilaa iyo -$2.75.

Kaliya taabsii kaarkaaga ORCA markaad fuulayso oo aad dib u bixin karto qiimaha safarkaaga xiga ka hor, marka aad dib u soo shubto boorsadaada elektorooniga ah ama PugetPass.

Waxaad kaga shuban kartaa kaarkaaga khadka tooska ah barta myORCA.com, adoo adeegsanaya abka myORCA ama mid ka mid ah meelaha badan ee kaararka ORCA lagu iibiyo. Si aad u hesho goobta kuu dhow, booqo khariidada dukaanada tafaariiqda myORCA.com (Af-Ingriis keliya) .

expand_less