Skip to main content

Kaabista tigidhka sanadkii

Marka la haysto kaabista tigidhka sanadkii, waxa aad ku raaci kartaa Metro Degmada King, Sound Transit iyo Everett Transit oo waa kuu bilaash ah. Eeg hadii aad u qalanto maanta.

U Qalanka

Dadka degan degmooyinka King, Pierce, iyo Snohomish, ee ku jira mid kamid ah lixda barnaamij ee gobolada, waxay heli karaan tigidhka sanadkii ee la kaabay ee safarada Degmada King ee adeegyada Metro, Everett Transit iyo Sound Transit. U qalanka, is duwaan gelinta iyo qaadashada tigidhka sanadkii ee kaabista waxaa weeye DSHS, Adeegyada Bulshada Katooliga ah iyo Caafimaadka Shacabka.

Barnaamijka gunooyinka gobolka ee lixda ah

  • Kaalmada Kumeel Gaadhka ah ee Qoysaska Baahan (Temporary Assistance for Needy Families, TANF)/Kaalmada Qoyska Gobolka (State Family Assistance, SFA)
  • Kaalmada Lacagta Qaxootiga (Refugee Cash Assistance, RCA)
  • Kaalmada Lacagta Da'da, Indhoolka, ama Laxaad La'aanta (Aged, Blind, or Disabled Cash Assistance, ABD)
  • Kaalmada Dumarka Uurka Leh (Pregnant Women Assistance, PWA)
    Waa in aan lagu khaldin WIC ama Pregnancy Medical
  • Dhakhliga Sekuuritiga ee Dheeraadka ah (Supplemental Security Income, SSI)
    Waa in aan lagu khaldin Dakhliga Sooshaal Sekuuritigga ama SSDI
  • Baahiyaha Guryaynta & Daruuriga (Housing & Essential Needs, HEN)
    Waa in aan lagu khaldin kaalmadaha guryaynta sida HUD

Si loo dalbado ama wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan barnaamijyadan, booqo washingtonconnection.org ama la hadal 877-501-2233.

Sida loo dalbato tigidhka sanadkii ee kaabista

Sida onleyn ahaan loogu dalbado

Qabo Daaqada Tigidhka Qiimaha Jaban (Af-Ingriis keliya)

Waxa aad u baahan tahay:

  • Lambarkaaga ProviderOne AMA lambarkaaga Aqoonsiga Macmiilka DSHS
  • Nuqul ah (.jpg, .png, .pdf, .heic) ee aqoonsiga leh Sawirkaaga
  • Nuqulka ugu danbeeyay ee warqada lagugu siiyay DSHS (warqada lagugu siiyay TANF ama warqada lagugu siiyay HEN ayaad ku qaadan kartaa.)

Oggow: Wakiilada ORCA LIFT ee la ansixiyay marka ay u buuxinaayan macmiilka foomka, waxay u xaqiijin karaan aqoonsiga leh sawirka si toos ah halkii ay ka gelin lahaayeen nuqul.

Ku dalbashada taleefanka

Caafimaadka Shacabka – Barnaamijka Helitaanka Caafimaadka Bulshada Seattle iyo Degmada King

Taleefanka:
800-756-5437

Saacadaha:
Isniin - Jimce, 8:00 subaxnimo - 5:00 galabnimo
(waxaa la xidhaa 1:00 duhurnimo ilaa 2:00 duhurnimo)


Xarunta Adeega Macmiilka ee Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka (Department of Social and Health Services, DSHS)

Taleefanka:
877-501-2233

Saacadaha:
Isniin - Jimce, 8:00 subaxnimo - 5:00 galabnimo


Catholic Community Services (Adeega Bulshada Kaatooliga)

Taleefanka:
206-960-1582

Saacadaha:
Isniin - Jimce, 9:00 subaxnimo - 4:00 galabnimo

Ku dalbo si foolka-fool ah

ORCA LIFT/Public Health Office (ORCA LIFT/Xafiiska Caafimaadka Shacabka)

Cinwaanka:
201 S Jackson St, Seattle, WA 98104

Saacadaha:
Isniin ilaa Khamiista:
8:30 subaxmimo ilaa 4:30 galabnimmo
(waxaa la xidhaa 1:00 duhurnimo ilaa 2:00 duhurnimo)

Jimce:
Xafiisku waa uu xidhan yahay

Sabtida labaad iyo afaraad:
10:00 subaxnimo ilaa 2:00 duhurnimo
(marka laga tago maalmaha fasaxa todobaadkii)


Federal Way Public Health Storefront (Xarunta Caafimaadka Dadweynaha ee Federal Way)

Cinwaanka:
1640 S 318th Pl, Suite B, Federal Way, WA 98003

Saacadaha:
Isniin ilaa Khamiista:
8:30 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo

Jimce:
Xafiisku waa uu xidhan yahay

Sabtiyada kowaad, sadexaad iyo shanaad:
10:00 subaxnimo ilaa 2:00 duhurnimo
(marka laga tago maalmaha fasaxa todobaadkii)


Adeega Bulshada Kaatooliga - Randolph Carter Center

Cinwaanka:
100 23rd Ave S, Seattle, WA 98144

Saacadaha:
Isniin ilaa Jimce:
9:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo

Arbacada:
9:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo

Sida loo raaco

SHAASHADA KU TAABO KAADHKAAGA

Marka aad sii korayso baska, waxa aad ku taabataa kaadhkaaga ORCA shaashada akhrida kaadhka ee gudaha.

SHAASHADA KU TAABO KAADHKAAGA KAHOR INTA AANAD KORIN

Inta aanad raacin tareenka fudud, RapidRide, tareenka rakaabka Sounder, Seattle Center Monorail iyo Seattle Streetcar, ku taabo kaadhkaaga ORCA shaashada huruuda ah ee akhrida kaadhka ee banaanka/madasha ku taala. Marka aad ka baxdo Link iyo Sounder, dib ugu taabo kaadhkaaga ORCA si aad u dhamaystirto safarka.

ISKAAN GAREE KAADHKAAGA

Marka aad raacayso doonyaha Water Taxi, Metro Flex iyo Trailhead Direct, kirishboyga iyo kaasheerka ayaa iskaan garayn doona kaadhkaaga.

Sida loo raaco nidaamyada kale ee gaadiidka dadwaynaha

Tigidhkaaga sanadkii ee kaabista waxaa uu yahay nooligaaga gaadiidka qaar nidaamka gaadiidka dadwaynaha ah. Waxaad ka eegi kartaa waxa aad raaci karto hoos. Sida loo raacayo nidaamyada kale (Community Transit, Kitsap Transit, Pierce Transit, Washington State Ferries), waxa aad u baahanaysaa inaad iska bixiso gaadhi raacaaga adiga oo lacagta ku shubanaya E-purse kahor inta aanad raacin. Waxa lagu siin doonaa ORCA LIFT ee kharashka lagu raaco badanaa wakiilada gaadiidka ee aaga Puget Sound.

Macluumaadka E-purse

Waxa aad raaci karto

Adeegyadan soo socda waxaa Kharashka gaadhi raaca 100% kaa bixiyay tigidhkaaga sanadkii ee kaabista lagu sameeyay. Wixii adeegyada kale ee gaadiidka dadka waynaha ah, waxa aad ku raaci kartaa qiimo dhimista gaadhi raaca adiga oo isticmaalaya E-purse.

Su'aalaha badanaa la is waydiiyo

Waxa aad ku shuban kartaa lacagta E-purse isla kaadhkaaga ORCA oo waxa aad heli doontaa qiimo dhimis ORCA LIFT ah Community Transit, Kitsap Transit iyo Pierce Transit. Wax ka oggow sida loogu shubo lacag E-purse kaadhkaaga. Hadii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan sida loogu shubayo E-purse, la hadal 206-553-3000.

Waxa aad u kala wareegi kartaa shirkada ku jira (Metro, Everett Transit, Sound Transit, Seattle Center Monorail iyo Seattle Streetcar) si bilaash ah—waxa aad kaliya saartaa ORCA kaadhkaaga mid kasta. Hadii aad u baahan tahay inaad u wareegto shirkad kale oo gaadiidka, waa inaad ku shubataa lacag kaadhkaaga ORCA adiga oo isticmaalaya lacagtaada E-purse. Marka aad ku shubato kaadhkaaga, waxa aad ku taaban kartaa shirkada gaadiid kasta oo waxa aad u wareegi kartaa nidaam kale laba saacadood gudahood.

Maya, ma jiro farqi muuqda oo u dhaxeeya kaadhka ORCA LIFT ee caadiga ah iyo kaadhka ORCA LIFT ee lagu shubo lacagta tigidhka sanadkii ee kaabista.

Waa inaad qadaato kaadh cusub oo ORCA LIFT ah marka aad ku biirto barnaamijka tigidhka sanadkii ee kaabista. Kaadhkaaga hada aad heysato waxa lagu xiri doonaa 7 maalmood gudahood.

  • Wixii lacag aan la isticmaalin waxaa loo wareejin doonaa kaadhka ORCA LIFT ee cusub oo waxa aad u isticmaali kartaa lacagtaada E-purse ahaan si aad ugu raacdo shirkadaha kale.
  • Hadii wakhti xaadirkan kaadhka ORCA LIFT uu leeyahay PugetPass, kaadhkaas waxa la xidhi doonaa laga bilaabo bisha xigta.

Dhamaan dadka haysta kaadhadhka RRFP ee doorta inay ku biiraan barnaamijka tigidhka sanadkii ee kaabista sidoo kale waa inay helaan kaadh ORCA LIFT cusub, oo shaqaynaya 2+ sano.

Hadii kaadhkaaga RRFP uu shaqaynayo 12 bilood oo kale, waxa aad dooran kartaa laba ikhtiyaar:

  • Haluugu shubo tigidhka sanadkii ee kaabista kaadhkaaga ORCA LIFT oo u hayso kaadhkaaga RRFP sida uu yahay.
  • Dalbo inaad ku darto tigidhka sanadkii ee kaabista kaadhkaaga RRFP ee cusub oo u hayso kaadhkaaga ORCA LIFT sida caadiga ah ee kaadhka ORCA LIFT (bilaa tigidhka sanadkii ee kaabista).

Kala xidhiidh DSHS 877-501-2233 si aad u aragto hadii aad u qalanto in aad ku biirto barnaamijyada gunooyinka gobolka.

Si aad ugu qalanto barnaamijka gunooyinka gobolka ee lixda ah waxaa shardi u ah in dakhligu uu noqdo ama ka hooseeyo 80% heerka saboolnimada federalka, sidoo kale shuruudo kale. Shuruuduhu waxay gaar u yihiin barnaamij kasta oo waxaa kamid noqon kara xaalado sida helitaanka lacagta.

Maya. U qalanku waxay wakhti xaadirkan ku xidhan tahay ku jiritaanka mid kamid ah barnaamijyada gunooyinka gobolka ee lixda ah. Metro waxa uu isticmaalaa xogta qiimaynta barnaamijka, oo waxaa la heleyaa badhtanka-2024, si loo eego wixii isbedelo ah, oo waxaa ku jira kordhinta mustaqbalka. Halkan kusoo noqo wixii macluumaad cusub ah.

Waxa aad u qalmi kartaa in aad hesho kaadhka ORCA LIFT ama RRFP aad ku raacayso Metro Degmada King iyo shirkadaha kale ee gaadiidka ee aaga Puget Sound oo qiimo dhimis ah. Booqo myORCA si aad u hesho khidmada ORCA ee adiga kugu haboon.

Dhalinyarta 18 ah ama ka yar waxa awoodaan inay bilaash ku raacaan gaadiidka badanaa deegaankeena.

Waxba isma badalaan ilaa inta aad dib ugu biirayso 12 bilood kadib. Kaadhkaaga ORCA LIFT weli waad sii isticmaali doontaa inaad ku raaco gaadiidka qiimo dhimista ah ilaa inta taariikhda ku qoran ee farta cas ee dhabarka gaadhka la gaadhayo, waxa uu doono ha noqdo dakhligaagu e. Tigidhka sanadkii ee kaabista waxaa uu shaqayn doonaa ilaa 12 bilood, iyada oo aan loo eegeynin xaaladaada ku jiritaanka ee mid kamid ah barnaamijyada ee isbedesha.

Waxa aad u qalantaa inaad hesho cusboonaysiinta tigidhkaaga sanadkii ee kaabista hadii aad tigidhkaaga sanadkii ee kaabista uu dhacayo hal bilood gudahood oo waxa aad weli ku jirti doontaa mid kamid ah lixda barnaamij ee gunada ee gobolka. Waxa aad dalban kartaa dib u cusboonaysiin tigidhka sanadkii ee kaabista ee wixii ikhtiyaaro ku qoran qaybta “Sida loo dalbado”. Hadii aad cusboonaysiisato tigidhkaaga sanadkii ee kaabista, waxa aad heli doontaa tigidh sanadkii oo kale oo laguugu shubo isla kaadhkaaga.

Hadii aanad u qalmin tigidhka sanadkii ee kaabista, waxa aad weli isticmaali kartaa kaadhkaaga ORCA LIFT si aad ugu raacdo gaadiidka shacabka ee qiimo dhimista ah, ilaa inta la gaadhayo taariikhda ku qoran dhabarka kaadhkaaga ORCA LIFT. Waxaad kaga shuban kartaa si onleyn ahaan myORCA.com, si foolka fool ah ORCA xafiiska adeega macmiilka, ee tukaanka ku jira ama mishiinka wax laga iibsado tigidhka. Waxaad kaga shuban kartaa ama waxa aad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo sida loogu shubo lacagta kaadhkaaga adiga oo kala hadlaya Xarunta La Hadalka Metro 206-553-3000.

Si aad u bedesho kaadhka ORCA LIFT ama RRFP oo ay ku jirtay lacagta tigidhka sanadkii ee kaabista, macmiishu waa inay la xidhiidhaan lambarka taleefanka tigidhka qiimaha jaban ee Metro ee 206-477-4200. Baaqiga ku hadhsanaa tigidhka sanadkii ee kaabista waxaa lagu wareejin doonaa kaadhka ORCA LIFT ama RRFP ee kale.

Macaamiishu waxay dooran karaan in boosta loogu soo diro kaadhkooda bedelka ah ama waxay ka qaadan karaan marka uu kaadhku noqdo diyaar xafiiska Iibiyaha Tigidhada Metro ee King Street Center. Kaadhadka bedelka ah wax lacag ah lagama qaadi doono macaamiisha.

Hordhac

Macluumaadka barnaamijka

Iyadoo ka Jawaab-celinaysa dalabka miisaaniyada 2019-2020 ee Golaha Degmada King, Metro waxay ka shaqaysay sidii loo samayn lahaa barnaamij kharashka gaadhi raaca oo dakhliga ku salaysan oo cusub oo loogu talo galey dadka aan awoodin ikhtiyaarada qiimo dhimista ee kale ee kharashka gaadhi raaca. Si loo sameeyo qorshe dhaqangelin oo isku mid ah, Metro waxay kala shaqaysay kooxda latalinta cida danaha ay kaga jirto, iyadoo mudnaan siinaysa baahiyaha dhaqaaqa ee bulshada mudnaanta leh, oo waxaa kamid ah dadka midabka ah, dadka deegaanka ee dakhligoodu hooseeyo, bulshooyinka Ingiriisigoodu hooseeyo ama aan ku hadal, iyo soo galaytiga iyo qaxootiga. Qiimaynta barnaamijka deegaanka Metro, oo la dhameystiraayo 2024, waxa uu hagi doonaa habaynta barnaamijka ee mustaqbalka.

 

expand_less