Dalbashada Duwaanada
Duwaanada hantida
Hel oo soo dejiso macluumaadka hantida adiga oo isticmaalaya eReal ama Parcel Viewer.
Waraaqaha Xafiiska Duwaanada iyo Kaydka
Waxa aad onleyn ahaan ku baadhi kartaa duwaanada adiga oo isticmaalaa Baadhitaanka Duwaanada Dhulka oo soo dejisanaya duwaanada iyaga oo bilaash ah. Hadii aad garanayso duwaanka aad doonayso inaad hesho oo aad hayso waxoogaa macluumaad aas aasi ah, kani markaa waa kuu ikhtiyaar wanaagsan.
Oggow: Dhulka waxaa kamid ah kaliya macluumaadka, sida macluumaadka aas aasiga ah iyo tirada waraaqaha, duwaanada ay taariikhdoodu tahay 1976 ilaa maanta. Lambarka waraaqaha ayaa ku caawinaya hadii aad kadib ka dalbanayso sawirka Kaydka. Waxaad heli kartaa sawirka waraaqaha rasmiga ah ee waraaqaha Dhulka hadii ay tahay taariikhdeedu inta u dhaxaysa Agoosto 1991 ilaa maanta.
Tilmaamaha baadhitaanka
- Dooro calaamad nooca baadhitaanka aad doonayso.
- Ku baadh magac, geli magaca sadexaad, magaca kowaad.
- Waxa aad ku baadhaa baakada, geli 10 lambar ee ugu horeeya qaybta Aqoonsiga Baakada.
- Isticmaal Ka Sharciga ah, oo kadibna Ka Sharciga ah ee La Kordhiyay si aad u baadho xog uruurinta, suxuunta iyo guryaha.
- Baadhitaanka, waxa aad ka eegi kartaa malcuumaadka iyo sawirka, dooro laynka shayga.
Hadii aanad haynin lambarka faylka, waxa aad qabataa King County Assessor's Parcel Viewer si aad ugu baadho ciwaanada
Duwaanada Maxkamada
Shuruudaha in la siiyo maxkamada duwaanada waxa ay ku qoran yihiin GR-31 (kiis) ama GR-31.1 (Maamulka) ee Maxkamada Sare ee Gobolka, oo ma hoos yimaadaan Sharciga Duwaanada Shacabka (RCW 42.56). Duwaano sidee ah ayaa la geli karaa? AkhriWaraaqaha Helida Duwaanada Maxkamada ee Washington Courts wixii tilmaamo ah ee duwaanada ku jira iyo kuwa aan ku jirin.
Duwaanada Maxkamada Sare
Karaaniga Maxkamada Sare waxaa weeye gacan ku hayaha duwaanada kiiska Maxkamada Sare. Kiisaska Maxkamada Sare waxaa kamid ah kiisaska madaniga ah, danbiga, sharciga qoyska, xabsiga caruurta, iyo xanibaada maxkamadeed.
Waraaqaha maxkaada shacabka ee la xareeyay wixii ka danbeeyay Noofember 1, 2004, waxaa laga gelaa nidaamka duwaanada elektorooniga ah (ECR Online). Waxa aad macluumaad dheeraad ah ka ogaan kartaa waraaqaha aad ka iibsan karto halkaas, inaad samaysato xisaab, ama inaad isku duwaan geliso, ECR Online.
Hadii aad doonayso inaad dalbato duwaanada maxkamada oo kale, sida waraaqaha ka horeeyay 2004, waraaqo la xaqiijiyay, ama duwaan cod ah oo dhagaysiga ah, waxa aad u gudbin kartaa dalabka duwaanka oo elektoroonig ah.
Samaynta dalabka duwaanka elektoroonig ah
Hadii aad doonayso inaad gasho duwaanka kiiska ECR Online, waxa aad marka hore u baahan tahay lambarka kiiska. Waxa aad sidaa samayn kartaa marka aad gasho Daaqada Gelitaanka Duwaanka ee Karaaniga.
Karaaniga ku duwaan geliyay ayaa ku gelin kara onleynka
Duwaanada Maxkamada Degmada
Waxa aad ka geli kartaa duwaanada Maxkamada Degmada ee aan ahayn kiisaska madaniga ah, ee la xareeyay wixii ka danbeeyay Janaayo 1, 2005, DCoR Online. Samayso xisaab oo soo dejiso duwaanada la heli karo iyada oo kharash jaban ama booqo mid kamid ah goobaheena.
Wixii duwaanada kiisaska kale, ama hadii aanad heli karin duwaan, iimeel noogu soo dir ama nagala soo hadal 206-205-9200, ikhtiyaarka 8.
Wixii duwaanada maxkamada ee maamulka ah, waxaad ka eegtaa macluumaadka karaaniga ee boga Duwaanada Shacabka Maamulka oo waxa aad soo gudbisaa foomka Dalabka Duwaanada.
Shahaadooyinka Dhalashada iyo Dhimashada
Waxa aanu ku gelinaa duwaan dhamaan dadka ku dhashay Degmada King, dhamaan sanadaha, iyo dhamaan dhalashooyinka laga duwaan geliyay gobolka Washington laga bilaabo 1907 ilaa maanta.
Waxa aad ku dalban kartaa duwaanadan onleyn, boosta, ama adiga oo imanaya Xafiiska Tirakoobka Muhiimka ah oo ku bixinaya kharashka kaadhkaaga bangiga. Kharashka rasmiga ah ee la duwaan geliyay waxaa weeye $20, oo lagu daray $12.50 ah dalabkii. Wixii dalab ah ee degdeg ah kharash dheeraad ah ayaa laga qaadayaa.Go to VitalChek
Dalabyada faakiska waxaa lagaga shaqeeyaa 2-3 maalmood oo shaqo gudahood oo waxaana lagu soo diraa boosta caadiga ah (adiga oo doorta moojee in la dedejiyo).
Daabaco foomka, buuxi qaybta, oo faakis ugu dir 206-897-4580.
Will-Call waxa uu kuu sahlaa inaad dalbato shahaadooyin dhalasho ama dhimasho wixii ka horeeya 10:00 subaxnimo oo aad ku dalbato taleefanka oo aad isla maalintaa wakhti danbe qaadato. Dalabyada la soo gudbiyo wixii ka danbeeya 10:00 subaxnimo waxaa la heli doonaa duhurnimada maalinta xigta.
Hadii aanad degdegaynin, inta aad soo hadasho ayaa boosta caadiga ah laguugu soo diri doonaa duwaanka.
La hadal 206-897-4551 saacadaha shaqada (Isniin - Jimce, 8:30 subaxnimo. - 5:00 galabimo)
Waxa aad keeni kartaa foomka buuxa ee xafiiskeena oo waxa aad sugi kartaa 15-20 daqiiqo inaad hesho duwaanka.
- Lacagta: Kaash, jeegag, dalabyada lacagta (jeegag elektoroonig ah ama kaadhka bangiga qaybteeda soo dhawaynta. Waxa aanu ku dalacnaa kaadhka bandhiga kharash ah 2.35% ($2.00 ugu yaraan) dhamaan wixii ka shaqaynta ah lacagta, iyo sidoo kale $1.00 jeegaga elektorooniga ah.
- Saacadaha: Xafiiska Tirakoobka Muhiimka ah waxa uu furan yahay Isniin-Jimce, 8:30 subaxnimo - 5:00 galabnimo.
- Goobta: Harborview Medical Center Ninth & Jefferson Building, 2nd Floor
908 Jefferson St.
Seattle, WA 98104
Baarkinka dhismuhu waxaa weeye u bilaash 30 daqiiqo ee ugu horeeya
Foomka dalabka shahaadada dhalashada oo ku qoran luuqado kale
- Orden de Acta de Nacimiento del Estado de Washington (Spanish)
- Запрос на получение Свидетельства о Рождении (Russian)
Ruqsada dhismaha & dhulka
Xarunta Duwaanada Ruqsada waxay sahashaa baadhitaanka ruqsadaha isticmaalka dhismaha iyo dhulka iyada oo aan Degmada King laga dalban, iyo sidoo kale duwaanada qaar hantida la raaciyay ama aan lagu darin kuwa magaalada.
Waxa aad ka eegi kartaa macluumaadka mashruuca, jadwalka baadhitaanka, iyo bixinta kharashka khidmada iyada oo aan la abuurin xisaab. Hadii aad samaysato xisaab, waxa aad ka eegi kartaa liiska ruqsadaha aad dalbato.
Waxa aad qabataa Daaqada Ruqsadaha
Waxa aad sidoo kale la hadli kartaa oo aad u dhaafi kartaa fariin cod ah ama aad u diri kartaa iimeel dalabka ah shaqaalaha Xarunta, kuwaas oo kuu doondooni doona faylka aad doon doonayso (waxa aad iman kartaa Xarunta oo aad ka qaadi kartaa) ama waxaa laguu sheegi doonaa marka aad soo qaadan karto. Waxa aanu kugu soo celin doonaa 3-5 maalmood oo shaqo kadib.
Tilmaamo:Hadii aad gelisodalabka kaalmada GovQA, waxa aad heli doontaa lambarka la socodka oo waxaa la gelinayaa nidaamkeena.
La hadal Xaruntaada Duwaanka: 206-296-6696
Qaybta Sharci Dejinta
Waxa aad ka geli kartaa duwaano badan oo ku saabsan qaabka ay Degmada King u fuliso shaqeeyinkeena bilaa kharash, oo ay ku jiraan shuruucda Golaha Deegaanka, Ajandaha gudida, qoraalada kulamada iyo fiidyawyo.
Qabo Dalabyada Duwaanada Shacabka Qaybta ah ee Shuruucda
Waxaa farxad noo ah in aanu kaa caawino baadhitaanka iyo isku keenista duwaanada shacabka. Way fududahay-kaliya ka samayso xisaab GovQA oo noosoo dir dalabka.
Duwaankada shacabku waxay ku jiraan nidaamkan oo waxaa kamid ah macluumaadka hay'ado badan iyo waaxdo Degmada King ah, oo ay ku jiraan Xafiiska Bilayska, Xafiiska U Adeegaha, Xafiiska Qiimeeyaha, macluumaadka deegaanka, Adeegyada Xayawaanka, duwaanka xabsiyada, Xafiiska Dacwad Oogaha, iyo kuwo kale oo badan.
Isku duwaan geli, ama samayso xisaab
Duwaanada Xafiiska Duwaan Geliyaha (sida xog uruurin, suxuunta, iyo guryaha); Maxkamada Sare iyo Degmada; shahaadooyinka dhalashada, guurka, iyo dhimashada; iyo ruqsadaha, waxa aad qabataa Duwaanada Isku Adeegista.
Si aad u dalbato duwaanada Doorashooyinka: boosta, faakis, ama iimeel ugu dir foomka ku jira boga macluumaadlka Dalabka Doorashooyinka.
Duwaanka shacabku waxaa weeye wixii duwaan ah ee macluumaad ku saabsan qabashada shaqada ganacsi, oo uu diyaariyay, leedahay, isticmaasho ama ay hayso hay'adi. Waxaa taas kamid ah, laakiin kuma xadidna, saxaafada elektoroonig ah, waraaqo, iimeel, nigifityada sawirada, cajalado codad ah, cajalado fiidyawyo ah, iyo siidhiiyo (CDyo/DVDyo).
Dalabka duwaanka shacabka ee saxda ah waxaa weeye dalabka lagu sheego duwaanka iyo waraaqaha shacabka ee la garan karo. Dalabka macluumaadka guud maaha duwaan shacab oo dalabkii oo sax ah. Lagaagama baahna inaad duwaanka aad u baahan tahay aad sheegto macluumaadkiisa oo dhan, laakiin wixii macluumaad ah ee aad bixin karto inta ugu badan ayaa wanaagsan.
Maalinta dalabka la helo lama tiriyo, sidoo kale lama tiriyo maalmaha fasaxa todobaadkii ama ciidaha ay hay'adu u dabaal degto.
5 maalmood oo shaqo gudahood, Degmadu waxay qaban doontaa 1 kamid ah waxyaabaha soo socda:
- bixinta duwaanada (ama gelinta duwaanada)
- inay kuu sheegto inay heshey dalabka oo ay ku siiso qiyaasta mudada lagugu siinayo
- inay ku waydiiyo bayaamin dheeraad ah
- diidmada dalabka iyo inay laguu sheegto sababta duwaanka laguugu diiday, inay laguu sheego xaalad duwaanka ama sharciga federalka.
Maya. Marka aad dalbato duwaan shacab, dalabka laftiisa ayaa ah duwaan shacab. Hadii qof kale soo gudbiyo dalab duwaanka shacab ah oo dalabkaaga ah, waanu siin doonaa.
No. Washington case law decided that an agency is not required to create a record that doesn’t already exist.
Waraaqaha duwaanka ku jira, duwaanada guurka, duwaanada taariikhda guriga
Cashuuraadka guryaha, macluumaadka hantida, warbixinaha, duwaanada qiimeeyaha hantida ma guurtada ah
Sharci dejinta golaha deegaanka; Ajandayaasha, qoraalada shirarka, fiidyawyada golaha deegaanka iyo gudida
Waxaad heshaa natiijada doorashada, waraaqaha codaynta, iyo macluumaad kale
Duwaanada la xidhiidha u adeegaha, baadhitaanka, iyo cabashooyinka duwaanada
Wargelinaha shacabka, baadhitaanka, xaalada ruqsada, daraasada duwaanada
Bixinta qandaraasyada, looyarka iyo macluumaadka tartanka
Xafiiska Looyarka Dacwad Oogaha ah
Xaraynta iyo gudbinta heerka
Suxuunta iyo qorshayaasha dhismaha ee duwaanka ku jira, sawirada khariirada dhijitaalka ah, Jaantuska La Socodka Torrent ee mushkiyada dhulka
Duwaanada COVID-19, Jaantuska U Soo Bandhiga Shacabka
Duwaanada bilayska ee ee aan la gelin Degmada King iyo magaalooyinka bixiya, sida: la hadalka 911, baahinta raadyaha, warbixinaha kombuyuutarku gacan ka gaysto, warbixinaha bilayska, sawirada, fiidyawyo, duwaanada tobobarka ama shakhsi ahaaneed
Xafiiska Karaaniga Maxkamada Sare
Duwaanada maxkamada, xaraynta elektorooniga ah (eFiling), doon doonista lambarka kiiska
Duwaanada Maamulka Maxkamada Sare
Duwaanada la xidhiidha maamulka, kormeerka, ama bixinta maxkamada ama hay'ada ka talisa deegaanka
Shahaadooyinka dhalashada iyo dhimashada
Ma garanayo meesha aan qabanayo?
Hadii aanad garanaynin hay'ada haysa duwaanada aad doonayso, ama hadii ay yihiin duwaano shacabka oo dhan ka dhaxeeya, waxa aad buuxisaa foomkeena heshiiska, oo shaqaalaheena adeega macaamiisha ayaa kaa caawin doona dalabkaaga waaxda ay khusayso.