Skip to main content

Sida loo raaco Metro

Kusoo dhawaw King County Metro! Tilmaamahan waxay ku tusayaan sida aad u isticmaalayso tareenta, talaabo-talaabo. Sidoo kale, daawo fiidyawga tilmaamaheena ee tilmaamaha ida loo raaco baska. Waad ku mahadsan tahay inaad raaco gaadiidkaayaga!

Talaabada 1: Qorshee safarkaaga

Hel baska ugu wanaagsan ee safarkaaga, iyo meesha aad ka raacayso iyo meesha aad kaga dagayso.

Booqo tripplanner.kingcounty.gov, kadibna waxa aad ku qortaa cinwaankaaga iyo meesha aad qabanayso. Dooro saacada iyo taariikhda, oo gaadiidka aad dooratay ayaa soo bixi doona.

Ama la hadal adeegyada macmiilka Metro 206-553-3000, Isniin ilaa Jimce, 6 subaxnimo – 6 habeenimo.

Hadii aad u baahan tahay turjubaan, waanu ku caawin karnaa! Guji 1 si aad ugu xidhanto qof ku hadla luuqadaada. Dadka rakaabka dhagaha la' waxay garaaci karaan WA Relay ee 711.


Talaabada 2: Hel istaanka baska

Dhamaan basasku waxay leeyihiin lambar ama xarfo meesha ay qabtaan ah. Istaanka basaska waxaa lagu calaamadiyay bir dheer iyo calaamad. Calaamada waxaa ku qornaan doona dhamaan basaska meesha istaagaa halka ay qabanayaan. Xaqiiji in meesha aad tegeysaa ay ku qoran tahay.

Istaanada basaska qaar waxay leeyihiin hadh iyo kuraas aad isticmaali karto inta aad sugayso. Marka uu basku soo istaago, waxa aad ka eegtaa meesha uu qabanayo xaga hore ama dhinaca baska.

Hadii aad qabto wax su'aalo ah, dirawalka ayaa kaa caawin kara. Hadii loo baahdo, saaxiib ama xubin qoys hakuugu qorto lambarka meesha aad qabanayso iyo jihadiisa warqad. Waxa aad tusi kartaa tan dirawalka baska marka aad soo korto ama aad ka degto baska.


Talaabada 3: Gelitaanka baska iyo bixinta lacagta

Dooro mid kamid ah qaababkan inaad ku bixiso kharashka safarkaaga.

Ku taabo kaadhka ORCA – ka ugu fudud ee ugu qiimaha wanaagsan.

Geli tigidhka baska sanduuqa khidmada baska.

Ka iibso Tigidhka Transit GO app – ka taleefankaaga oo tus dirawalka.

Geli cadadka rasmiga ah ee lacag cadaan ah ama shilimaan. Dirawaladu masoo celiyaan baaqi. Marka aad ku bixinayso lacag cadaan ah ama tigidhka baska, ka dalbo dirawalka xawilaada lacagta waraaqaha ah si aad ugu isticmaasho marka aad bas kale raacdo laba saacadood gudahood.

Talaabada 4: Dalbo in laguu joogsado oo ka deg

La soco oo dhagayso istaanka marka la sheegayo. Marka istaanka aad kaga degayso uu yahay ka xiga, waxa aad soo jiidaa xadhiga huruudaha ah ama waxa aad riixdaa calaamada cas ee “STOP (JOOGSIGA)" ah. Ka dag albaabka dhinaca ama albaabka danbe adiga oo u baahan moojee raakada albaabka hore.

Calaamada “STOP REQUESTED (DALABKA JOOGSIGA)” ayaa shidmi doonta oo dhagdhaglayn doonta.


Basaska Metro waa kuwa aan dhibaato u gaysanin baaskiilada oo la heli karo

La imaanshaha baaskiilkaaga gaadiidka dadweynaha

U isticmaalka baaskiilka gaadiidka ayaa noqday mid caan ah, iyo basaska Metro waxay bixiyaan hab sahlan oo lagu daro baaskiil wadista safarkaaga. Qeybta hore ee bas kastaa waxa ay qaadi kartaa ilaa saddex baaskiil waana ay fududahay in la raro oo laga soo dejiyo baaskiilkaaga joogsiga gaadiidka dadweynaha—kaliya u sheeg darawalka ka hor intaadan sidaas samayn. Ku dhex wadida baaskiilka gaadiika dad weynaha waa mid fudud, madadaalo ah oo leh ikhtiyaaro ku haboon!

Baaskiilada iyo gaadiidka dadweynaha

Marin u helka basaska

Dhamaan basaska waxay leeyihiin sagxada hore ee laga koro. Hadii aad wadato kursi cuuryaan ama gaadhi caruurta, ama aad u baahan tahay kaalmo dheeraad ah oo korida baska ah, ka dalbo saxgad darawalka.

Kuraaska ka danbeeya darawalka waxaa loogu talo gelay dadka laxaadka la', rakaabka waayeelka ah, ama waalidka caruurta yaryar. Isticmaal xadhiga badqabka si aad ugu xidho shayada sida shugleetiga iyo kursiga cuuryaanka.

Ogaaw sifooyinka marin u helka

expand_less