Skip to main content

Lynnwood Link Connections

 

Iyada oo Link light rail uu gaarayo Lynnwood, mashruuca isku socodka ee Lynnwood Link Connections ayaa wax kaqaban doona baahiyaha isbadelaya ee gaadiidka waxa uuna wanaajin doonaa xulashooyinka dookhyada isku socodka ee bulshooyinka ku dhaqan Waqooyi-galbeed ee King County iyo Koonfur-galbeed ee Snohomish County. Metro waxa ay la kaashaneysaa Sound Transit (Af Ingiriis) iyo Community Transit (Af Ingiriis), oo ay kujiraan la hawl galayaasha kale, si ay isugu dubbaridaan wadooyinka basaska iyadoo lagu saleynayo jawaabcelinta ka timaada bulshooyinka.

Dulmarka guud ee mashruuca

Sanadka 2024 iyo 2026, Sound Transit waxa ay ballaarin doonaan Link light rail si loogu daro afar boosteejo oo cusub oo ku kala yaalla Seattle, Shoreline, Mountlake Terrace, iyo Lynnwood. Marka laga soo tago boosteejooyinka tareenka fudud ee cusub, Sound Transit waxaa laga yaabaa inay badasho route ST 522 Express si la isu waafajiyo adeegga la qorsheeyey ee Bus Rapid Transit oo u dhexeeya Bothell iyo Shoreline billoowga 2025.

Si la iskugu diyaariyo u ballaarinta adeegga Link light rail ilaa Lynnwood Transit Center iyo isbaddelka suurtagalka ah ee adeegga ST 522 Express, si looga jawaabo baahiyaha isku socodka ee isbedbedelaya, loona hagaajiyo helitaanka isku socodka bulshooyinka taariikh ahaan la xaqiro, Metro waxa ay ka bilaabeysaa mashruuca isku socodka waqooyiga King County, guud ahaana u adeegaya bulshooyinka ku dhaqan North Seattle, Shoreline, Lake Forest Park, Kenmore, Bothell, iyo Mountlake Terrace. Mashruucani ayaa keeni doona shabakad isku socod oo la cusbooneysiiyey taas oo isku xireysa Sound Transit Link light rail oona isku dareysa adeegyada Sound Transit iyo Community Transit. Mashruuca waxaa lagu fulinayaa iskaashi kadhexeeya Sound Transit, Seattle Department of Transportation (SDOT, Waaxda Gaadiidka ee Seattle), City of Shoreline, Community Transit, iyo la hawl-galayaasha kale.

Wadooyinka mashruuca

Waddooyinkan soo socda waxaa loo sahmin doonaa beddello suurtagal ah oo qeyb ka ah Mashruuca Lynnwood Link Connections.

  • Wadooyinka Metro: 5, 16X, 20, 28, 45, 64, 65, 67, 73, 75, 301, 302, 303, 304, 320, 322, 330, 331, 345, 346, 347, 348, 372
  • Wadada Sound Transit Express: 522

Hiigsiyada mashruuca

Iyadoo loo maraayo mashruuca Lynnwood Link Connections, Metro ayaa dooneysa inay:

  1. Hagaajiso isku socodka bulshooyinka mudnaanta leh (sida ku qeexan Mobility Framework - Af Ingiriis), kuwaas oo qeyb muhiim ka ah saldhiga macaamiisheena hadda jirta iyo kuwa suurtagalka ah.
  2. Si sinaan leh ugu wargaliso, ula shaqeyso, una awoodsiiso macaamiisha hadda jirta iyo kuwa suurtagalka ah oo kusafraaya aaga mashruucu kashaqaynaayo.
  3. Bixiso adeeg isku dhafan kaasoo kajawaabaya balaarinta Link, isbeddelada kajira shabakada gaadiidka iyo baahiyaha bulshada.
  4. Wanaajiso waxtarka, wax ku oolnimada, waaritaanka deegaanka ee nidaamka gaadiidka.

Dib-u-eegista Saamaynta sinnaanta

Mashruuca Lynnwood Link Connections waxaa kujiri doona daraasada Equity Impact Review (EIR, Dib-u-eegista Saamaynta Sinnaanta) si loo xaqiijiyo in isbadellada wadooyinka ee lasoo jeediyey ay kor u qaadi doonaan isku socodka iyo helitaanka gaadiidka ee bulshooyinka muhiimada la siinaayo ee ku dhaqan King County. Waji kasta oo kamid ah hannaanka qorsheynta, Metro waxa ay dib u eegi doontaa xogta farsamada iyo natiijooyinka kayimaada hawlgelinta bulshooyinka mudnaanta leh si loo fahmo saameynta la filayo ee ku aadan bulshooyinka la xaqiro laguna wargeliyo qorshaha go'aanada. K aqaybgalka bulshada iyo gunaanadyada EIR ayaa la wadaagi doonaa kaddib ka qaybgalka Wajiga 3aad ayada oo la raacayo Hanaanka iyo Wakhtiga qaybta hoose ku qoran.

Ahmiyadda Isku Socodka

Wajiga koobaad 1, waxaan fikir toos ah ka helnay xog aruurinnada, Community Based Organizations (CBOS, wada hadallada iyo ururada bulshada u adeegga), iyo fikrado aan ka helnay Partner Review iyo Mobility Boards. Waxaan eegnay fikradaha la dhiibtay, waxaan helnay fikrado guud waxaana soo koobnay ka muhiimadood ee soo socda ee loo adeegsaday in lagu abuuro marinnada cusub ee basaska.

Waxaan abuuraynaa wadooyinka cusub iyo kuwa la hagaajiyay ee isku xira bari-galbeed.
Waxay baxshaan gaadiid tagaaya/kana imaanaaya xarumaha muhiimka ah, ee bulshada ku salaysan halkaasoo bulshada muhiimada la saraayo joogaan, iyo goobaha leh qorsheyaasha hormarinta guryaha oo badan leh sanadka 2026.
Wanaajinta adeegga gaadiidka habaynkii ee u adeegaaya xarumaha muhiimka ah.
Waxaa la dayactirayaa lana wanaajinaya tirade socdaalka marinnada lagu tago/looga yimaado goobaha waawayn iyo/ama marinnada socdaalka gaadiidka badan maro (RapidRide, Link, Route 522 BRT, iwm.)
Adeegga gaadiidka habaynkii ee u adeegaaya xarumaha muhiimka ah.
Waxay xaqiijinaysaa in kala wareega gaadiidku yahay kuwo raaxo leh, la heli karo, lana isku halayn karo una fudud dhammaan dadka rakaabka ah, gaar ahaanna bulshada muhiimada la saaraayo.

Soojeedinta ugu danbaysa ee wadada

Xeerka Lynnwood Link Connections ayaa si aqlabiyad leh loo ansixiyay maalintii Maarso 26 waxaana ansixiyay Gollaha Deegaanka ee King County.

Metro ayaa diyaarinaysa fikir uruurinta rakaabka iyo xiriiro kahor inta aan adeegga cusub la qorsheyn si loo bilaabo Sebteembar 14, 2024.

Ayadoo la adeegsanaayo hanaanka fikir uruurinta saddexda qaybood ah, Metro ayaa abuurtay soojeedinta kama danbaysta ah ee wadada baska taasoo bilaabaysa in lala furo balaarinta wadada Link light trail oo tagaysa Lynnwood xiliga Dayrta 2024.

Soo jeedinta kama danbaysta ah ee wadada baska ayaa hormarinno ku sameynaysay xal u helida muhiimadaha isku socodka bulshada ee lagu aqoonsaday North King County. Inta lagu jiro fikir uruurinta qayb kasta, Metro ayaa isbadello ku samaysay xal u helida fikirka bulshada iyo fikir uruurinta, gaar ahaana laga uruuriyo bulshooyinka muhiimada la saaraayo.Lynnwood Link Mobility Board (Guddiga Isku Socodka ee Lynnwood) ayaa ka caawiyay Metro inay muhiimada saarto fikradaha bulshada si dib loogu qeexo soo jeedinta wadada, marinka la doorbidaayo ee la doortay iyo dookhyada heerka adeegga, waxayna si buuxda ugu codeeyeen ansixinta wadada kama danbaysta ah ee lasoo jeediyay bishii Oktoobar 2023.

Qodobada ugu muhiimsan marinka baska ee kama danbaysta ah ee aaga mashruuca waxaa kamid ah:

  • Kordhinta wadarta guud ee safarada asbuucii (+9%) iyo wadarta guud ee safarada maalmaha fasaxa asbuuca (+32%)
  • Kordhinta safarada fiidkii (+43%) kadib 10pm
  • Kordhinta baaxada adeegga ee maalmaha shaqada asbuuca (+68 daqiiqo) iyo marinnada maalamaha fasaxa asbuuca (+78 daqiiqo)
  • Kordhinta cayiman ee saddexda wado ee ugu saxmada badan, iyo afarta wado ee horay u shaqeynaysay oo la kordhiyay dhaqdhaqaaqooda
  • Saddex wado oo cusub iyo saddex la hormariyay oo ah wadooyinka bariga-galbeedka

Marka laga soo tago isbadellada lagu taliyay ee lagu sameeyay shabakada baska, Metro ayaa abuuraysa aagga dalabaadka badan ee Metro Flex oo laga samaynaayo Lake Forest Park, north Kenmore, Brier iyo southeast Mountlake Terrace. Adeegaan ayaa isku socodka dheeraadka ah siinaaya goobaha bulshada, dugsiyada, iyo adeegyada gaadiidka ee kale ayna ku jiraan Link Light Rail iyo adeegga mustaqbalka ee Bus Rapid Transit.

Isbeddellada la soo jeediyay ee:

  • Hormarinta wado isku xirta bari/galbeed, oo leh adeeg cusub oo soo noqnoqda maalintii oo dhan ee N 145th (Routes 72, 333 iyo 522 BRT), adeeg cusub oo joogto ah ee 125th ilaa 130th (Route 77 cusub), iyo wado cusub oo u dhexeeysa Lake City, Northgate iyo Greenwood (Route 61 cusub).
  • Waddooyin badan oo cusub oo u dhexeeya Lake City iyo Link oo ay ka mid yihiin kuwan soo socda:
    • Shoreline South/148th: Routes 65, 72 iyo 522 BRT
    • NE 130th Street Station: Route 77
    • Northgate Station: Routes 61, 67, 75, 322, iyo 348
    • Roosevelt Station: Routes 67 and 77
    • University of Washington Station: Routes 65, 67, 72, 75 iyo 77.
  • Adeeg cusub oo maalinki oo dhan ah oo ka socdo Waddada Lake City Way, oo ku xiraya Boosteejada Roosevelt Station iyo University of Washington (Wadada cusub ee 77).
  • Wado isku xirta oo sii socota ee laga bilabo Lake City ilaa Nathan Hale High School iyo Jane Addams Middle School (Route 65), iyo wado cusub oo kale ee laga soo bilaabo Pinehurst (Route 77).
  • Adeega isku xirka sii socota ee ilaa Sanford Hildebrant Towers, oo leh isku xir cusub ilaa Shoreline Place iyo Shoreline South/148th Station (Wadada 345 oo wax laga beddelay).
  • Adeegga tooska ah ee ilaa Ingraham High School (Wadada cusub 365).
  • Adeegga soo noqnoqda ee laga soo bilaabo Northgate ilaa North Seattle College iyo Northwest Hospital (Wadada 345 oo wax laga beddelay iyo Wadada cusub 365).
  • Adeegga xiliyada saxmada badan ee ka yimaada Boosteejada Northgate Station ilaa downtown Seattle iyo First Hill, oo leh adeegga cusub ee tagaaya South Lake Union (marinnada cusub route 303, 322)
  • Adeegga joogtada ah ee soo noqnoqda ee magaalada hoose ee Seattle ee loo sii marayo Link, wadooyinka 5, 40, 62 iyo RapidRide D iyo E Lines.
  • Qaar kamid ah waddooyinka aaggaan waxay u baahan yihiin in lagu sii xiro Magaalada Seattle.
  • Isku xirka bari/galbeed oo la hagaajiyay, oo leh adeeg cusub oo kusoo noqnoqda maalinki oo dhan N 145th (jidadka 72, 333, iyo BRT–KA 522) iyo N 175th (Wadada 333), iyo adeega la hagaajiyay ee N 185th (Wadada 348) iyo N 155th (Wadada 345).
  • Adeegga soo noqnoqda ee sii socda ee magaalada hoose ee Seattle oo loo sii maro Link, Wadada 5 iyo RapidRide E Line.
  • Jidadka cusub ee soo noqnoqda ee maalinki oo dhan ah oo mara Link (wadooyinka 72, 333, 348 iyo 522 BRT).
  • Xiriirada la hormariyay ee Shoreline Community College oo leh Wadada 333 oo cusub kaas oo leh adeeg maalinki oo dhan oo ka yimaado Shoreline South/148th Station, oona dib loo habeeyay ee Wadada 331 kaas oo isku xiro lagaso bilaabo Boosteejada Mountlake Terrace Station iyo adeegga dambe fiidkii marka loo eego maanta
  • Adeega la wanaajiyay ee Shorewood High School (Wadada 333 ee cusub iyo Wadada 331 oo dib loo habeeyay) iyo Shorecrest High School (Wadada 65 dib loo habeeyay).
  • Adeeg joogto ah ee wadada 5th Ave NE inta u dhaxaysa Shoreline South/148th Station iyo Boosteejada Shoreline North/185th Station, oo xiriir toos ah ilaa Link bixiyo (Wadada cusub 365).
  • Adeegga joogtada ah ee mara Meridian Ave N kana dhex shaqeeya Aurora Village Transit Center iyo Shoreline South/148th Station, una adeegga Maxkamada Degmada King County iyo Metro’s North Base (Marin cusub ee Route 346).
  • Adeega tooska ee dheeriga ah ee Shoreline Place iyo NW School for Deaf and Hard–of–Hearing (Wadada 345 ee dib loogu laabto).
  • Xiriirada maalinki oo dhan socda ee Northwest Hospital iyo North Seattle College (Wadada 345 ee dib loogu laabto iyo Wadada cusub 365).
  • Adeegga xiliyada saxmada badan oo ka dhex shaqeeya Aurora Village, Northgate, Seattle downtown, iyo First Hill, oo leh adeeg cusub oo tagaaya South Lake Union (Route 303).

oo ay ku jiraan Mountlake Terrace, Lake Forest Park, Kenmore iyo Bothell

  • Isku xirka cusub ee Mountlake Terrace Station oo ku fidsan ilaa University of Washington Bothell, iyo adeegga fiidkii iyo dhamaadka isbuuca ee la wanaajiyay (Route 331 oo dib loo habeeyay).
  • Xiriirka cusub ee degdeg ah oo soo noqnoqda ee ka imanaya Bothell, Kenmore, iyo Lake Forest Park ilaa Saldhiga Link ee Shoreline South/148th (Sound Transit Route 522 Bus Rapid Transit).
  • Aagga adeegga cusub ee Metro Flex ee waqooyiga Kenmore, woqooyiga Lake Forest Park iyo koonfur–bari Mountlake Terrace. Adeegan baahida loo qabo ayaa bixin doona isku xirka Saldhiga Mountlake Terrace, Route 522 BRT, Lake Forest Park Town Center, Kenmore Park–and–Ride, iyo in ka badan.
  • Adeeg cusub oo soo noqnoqda maalinki oo dhan laga bilaabo Mountlake Terrace ilaa meelaha muhiimka ah ee Shoreline (Wadada 333).
  • Adeegga xiliyada saxmada badan oo ka dhex shaqeeya Kenmore, Lake City, Northgate, downtown Seattle iyo First Hill, oo wata adeeg cusub oo tagaaya South Lake Union (Marinka cusub ee Route 322).
  • Adeega soo noqnoqda ee degdegga ah ee inta u dhaxaysa xarumaha University of Washington Bothell iyo Seattle wuxu diyaar u noqon doona Route 522 BRT iyadoo lagu wareejinayo tareenka Link light ee Sadhiga Shoreline South/148th ama lagu wareejinayo Jidka cusub ee soo noqnoqda 72 ee 145th.

Marinnada kama danbaysta ah ee wadada

Khariiradaha kama danbaysta ah ee wadada lasoo jeediyay iyo faahfaahinta ayaa waxaa lagu daray xaashi kasta oo hoos ka muuqata:

Jidka (PDF)
Sharaxaad

Shoreline CC illa magaalada hoose Seattle oo la sii marayo Greenwood Ave N
Ma jirto wax isbeddel ah oo lagu sameeyay wadada hadda jirta

Crown Hill illaa magaalada hoose Seattle oo la sii maraya 8 th Ave NW
La dayactiray

Loyal Heights illa University District oo la sii maraya N 85 th iyo Green Lake
La dayactiray

Lake City illaa Greenwood oo la sii maraya Northgate
Wadada cusub, waxay badelaysaa qayb ka mid ah route 20

Shoreline /148 th Station illa University District oo la sii maraya Lake City
Wadada la dayactiray, ayaa qayb ahaan beddelaysa route 330

Northgate Station illaa University of Washington oo la sii maraya Roosevelt
Ma jirto wax isbeddel ah oo lagu sameeyay wadada hadda jirta

Shoreline South/148th Station illa University District oo la sii maraya Lake City
Wadada cusub, waxaa badelaaya route 372

Northgate illaa University District oo la sii maraya Lake City iyo Sand Point
La dayactiray

Bitter Lake illa University District oo la sii maraya Lake City
Wadada cusub, waxaa badelaaya route 73, ST EX 522 (isbeddelka ayaa la filaya in uu dhaco 2025-2026)

Aurora Village ilaa First Hill siina marta Northgate iyo South Lake Union
Dib loo eegay

Kenmore ilaa First Hill siina marta Lake City, Northgate iyo South Lake Unio
Wadada la dayactiray, waxay badelaysaa routes 302, 320

Shoreline Community College illaa University of Washington-Bothell, oo la sii maraya Mountlake Terrace, Lake Forest Park, iyo Kenmore
Wadada la dayactiray, waxay badelaysaa routes 302, 372

Shoreline South/148th Station ilaa Mountlake Terrace Station siina marta Shoreline CC, North City
Wadada cusub, waxaa badelaaya routes 301, 304, 330, 347

Shoreline South/148th Station illaa Northgate Station oo la sii maraya Bitter Lake iyo Northwest Hospital
Wadada la dayactiray, waxay badelaysaa route 330

Aurora Village Transit Center ilaa Shoreline South/148th Station, siina mara Meridian Ave N
Dib loo eegay

Richmond Beach illaa Northgate Station, via N 185 th St oo la sii maraya 15 th Ave NE
Wadada la dayactiray, waxay badelaysaa routes 73, 302, 303, 347

Shoreline North/185th Station illaa Northgate via 5 th Ave NE iyo Northwest Hospital
Wadada cusub, waxaa badelaaya routes 346, 347

North Kenmore/Lake Forest Park
Adeegga cusub oo la beddeli karo, oo baahi wayn loo qabo

Northgate ilaa Lynnwood City Center
Boosteejooyinka tareenka fudud oo cusub ayaa ka furmaaya Shoreline, Mountlake Terrace iyo Lynnwood

Bothell ilaa Roosevelt Station (2024)
Bothell ilaa Shoreline South/148th Station (La filayo 2025)

Hannaanka iyo jadwalka

Inta lagu guda jiro hawgelintan wajiga koobaad, Metro waxa ay ku wargelin doontaa dadweynaha guud–oo ay kujiraan rakaabka bulshooyinka saameynta soo gaartay–wixi kusaabsan baaxadda mashruuca iyo aragtida, waxa ayna xog ka aruurinaysaa baahiyaha adeegga ee laga aruurinaayo dadwaynaha, rakaabka iyo saamileeyda muhiimka ah. Xogtan ayaa gacan ka geysan doonta Mobility Board iyo shaqaalaha Metro qabyo–qoraalka adeegga ra'yi celinta dadweynaha inta lagu guda jiro Wajiga 2 aad ee hawgelinta.

Guudmarka Fikrad Uruurinta Wajiga 1–aad

Inta lagu guda jro hawgelintan wajiga labaad ah, Metro la wadaagi doontaa xogta baaxadda mashruuca iyo argtida waxa ayna la wadaagi doontaa marinnada baska ee lasoo jeediyay oo kusaleysan xogta laga soo aruuriyey inta lagu guda jiray Wajiga 1–aad dadwaynaha, ayna ku jiraan dadka basaska raaca ee deegaannada saamayntu gaarayso. Waxaan ku uruurin doonaa jawaabcelinta ku aadan isbadellada marinka ee la soo jeediyay si aan wax badan ooga ogaano waxyaalaha ay bulshadu mudnaanta siiso iyo sida ay tahay inay xog ugu helaan marinnada kama danbaysta ah ee qorshaha basaska.

Guudmarka Fikrad Uruurinta Wajiga 2–aad

Duubista kulanada khadka tooska ah ee macluumaadka bulshadayada:

  • Janaayo 24, 2023
    (Isbaanishka ayaa laga heli karaa hoosta badhanka language)
  • Febraayo 4, 2023
    (Isbaanish, Mandarin iyo Cantonese ayaa laga heli karaa hoosta badhanka language)
  • Febraayo 27, 2023
    (Mandarin iyo Cantonese ayaa laga heli karaa hoosta badhanka language)

Haddii aad jeceshahay inaad ku dhegaysato duubitaanka luqad kale, nala soo socodsii! Iimayl noogu soo (luuqada aad doorbidayso) barta: haveasay@kingcounty.gov

Wajiga ugu danbeeya ee hawlgelinta, Metro ayaa usoo bandhigi doonta dadweynaha soo jeedinta adeeg ee la cusbooneysiiyey, oo sharraxaya sida talada bulshada oo ka imaanaya Wajiga 2–aad ay saameyn ugu yeesheen cusbooneysiinadaan. Waxaan codsan doonaa fikrado laga dhiibto qaababka kor loogu qaadaayo soo jeedinta adeegga kahor inta aan la soo gabo gabayn. Kadibna waxaan dib u eegis ku samayn doonaa sida fikradaha bulshada, ahmiyadaha iyo sinaantu ay u saamaynayaan soo jeedinta kama danbaysta ah ee adeegga waxaana sharci doonaa talaabooyin kasta oo kale oo xiga.

Guudmarka Fikrad Uruurinta Wajiga 3–aad

Duubista kulanada khadka tooska ah ee macluumaadka bulshadayada:

  • Luuliyo 24, 2023
    (Isbaanish iyo Mandarin ayaa laga heli karaa hoosta badhanka language)
  • Agoosto 15, 2023
    (Isbaanish iyo Mandarin ayaa laga heli karaa hoosta badhanka language)
  • Agoosto 19, 2023
    (Isbaanish iyo Mandarin ayaa laga heli karaa hoosta badhanka language)

Haddii aad jeceshahay inaad ku dhegaysato duubitaanka luqad kale, nala soo socodsii! Iimayl noogu soo (luuqada aad doorbidayso) barta: haveasay@kingcounty.gov

Soojeedinta ugu danbaysa ee wadada ayaa hadda hortaala King County Council, ayadoo la gudbinaayo Febraayo 2024.

Public Engagement Report (Warbixinta Fikradaha Dadwaynaha)

  • Dayrta – Qorsheynta 2021

    La tashiga Hore ee Xiliga Qaboobaha

  • Qaboobaha – Gu'ga 2022

    Wajiga 1 aad Qiimaynta Baahida
    Mobility Board waxay mudnaanta siiyaan baahiyaha

  • Dayrta – Qaboobaha 2022

    Fikradaha Adeegga Wajiga 2 aad
    Mobility Board waxay eegaan soojeedinada

  • Xagaaga – Dayrta 2023

    Wajiga 3 ee Soo jeedinta Adeegga
    Mobility Board waxay eegaan soojeedinta kama danbeysta ah

  • Qaboobaha – Gu'ga 2024 (Hadda)

    Dawlada Hoose ee King County

Sahankayaga baaskiil wadaha hadda wuu xiran yahay.

Isdiwaangali si aad hesho wargalinaha mashruuca oo lagula soo socodsiiyo fursadaha ka qeybgalinta mustaqbalka.
Nala soo xirii nha

Iimeel ahaan (luuqada aad doorbido): haveasay@kingcounty.gov

Sida aad uga qaybgali karto

Wada shaqaynta Bulshada

Iyadoo loo marayo hannaanka hawlgelinta bulshada ee saddex-geesoodka ah, Metro waxa ay diiradda saari doontaa dhageysiga baahiyaha isku socodka, soo ogaanshaha kusaabsan caqabadaha ay la kulmaan rakaabka iyo fursadaha kor loogu qaadayo gaadiidka Waqooyi-galbeed ee King County. Waxaan si joogta ah u ogeysiin doonaa bulshoooyinka maxalliga ah wixi kusaabsan baddelidda xaaladaha ku keenaya caqabado isku socodka, waxaana la sahmin doonaa faa'iidooyinka iyo ganacsiyada dookhyada isku socodka mustaqbalka xubnaha bulshada iyo saamileyda.

Mobility Board

Metro ayaa isku keentay 15 xubnood oo ka socda Lynnwood Link Connections Mobility Board oo si siman u matala kooxaha dadka taariikh ahaan laga reebay wadahadalada go'aan gaarista la xiriira gaadiidka iyo kuwa ay si aan habbooneyn usaameysay go'aanadaan. Doorka koobaad ee Mobility Board waa in wada shaqeyn la yeelato shaqaalaha Metro si loo horumariyo loona nadiifiyo shabakad gaadiid oo isku xiran oo gobolka ah oo ku taala Waqooyi-galbeed ee King County.

Mobility Board

Partner Review Board

Marka laga soo tago hawlgelinta gaarka ah ee Metro la leedahay iskaashatada mashruuca iyo saamileyda, Metro waxa ay sidoo kale isugu yeereysaa koox saamiley dibadda ah si ay ugu adeegaan sidii guddi dib-u-eegis fikradeed ahaan, loona yaqaano Partner Review Board. Guddiga waxaa kamid ah wakiilo kasocdo maamullada sharciga iyo machadyada waaweyn ee kujira aagga mashruuca, hogaamiyayaasha ururada bulshada, iyo wakiilo kasocdo iskaashatada hay'adaha gaadiidka. Doorka koobaad ee Partner Review Board waa inay dib-u-eegis kusameeyaan oo ayna faallo kabixiyaan fikradaha adeegga ee ay soo saareen Mobility Board.

Partner Review Board

expand_less