Skip to main content

Metro Flex

Metro Flex waa adeegaaga gaadiidka xaafadda oo isla-marka loo baahdo lagahelo. Hal app—oo fudud-iyo dhawr taabasho oo keliya—waxaad ku raaci kartaa meel kasta oo ka mid ah aagga adeegga, dhammaan kharash la mid ah safarka baska. Metro Flex waa gaadiid sahlan, degdeg ah, qarash ahaan la awoodi karo oo farahaaga ku jira.

Waa maxay Metro Flex

Metro Flex waa adeeg gaadiid la dalbado oo bixiya raacitaanka xaafado badan oo degmada King ah. U hel meesha aad u baahan tahay inaad ku raacdo baabuurta yar yar ee casriga ah, raaxada leh hal qiimo jaban oo kaliya. Tag dukaameysi, la kulan saaxiibada qadada, u soco balamaha. Dhib ma leh meeshaad u socoto, Metro Flex ayaa ku geyn doonta halkaas.

  • Ku habboon
    Isticmaal taleefankaaga si aad ugu sheegto Metro Flex meesha aad joogto iyo meesha aad rabto inaad tagto. Waxaad heli doontaa meel kuu dhow oo socod gaaban oo keliya kuu jirta.
  • Degdeg ah
    Ballan-qaadista raacitaankaagu waa dhakhso waana fudayd! Appka ayaa kuu soo diri doona qiyaastii wakhtiga imaatinka gaadiidkaaga Metro Flex.
  • La awoodi karo
    Ku raac Metro Flex isla qiimaha safarka baska Metro. Kaarkaga ORCA waxaad bilaash isugu kala wareegi kartaa baska, Sound Transit, tareenka fudud ee Link ama Sounder.
  • Waxa ku jira ogaysiisyada doorashada safarka
    App-ka cusub ayaa had iyo jeer taxaya dookhyada gaadiidkaaga ugu wanaagsan ee ku salaysan goobaha soo qaadista iyo ka degista—haday taasi tahay Metro Flex, safarka baska ama adeega gaadiidka kale.

Soo deji appka Metro Flex

Download the iOS appDownload the app from Google Play

Saacadaha iyo goobaha

Sida loo raaco

Markaad ku ballansato raacitaankaaga abka Metro Flex, waxaad heli doontaa macluumaadka safarka oo dhammaystiran. Oo ay ku jirto la socodka gaadiidka tooska ah iyo liiska xulashooyinka gaadiidka kale.

Gudaha app-ka

  • Soo deji abka oo deji astaantaada. Dooro “nooc lacag-bixineed” (payment type) ka dibna “nooca qiimaha/adeegga” (fare/service type) si aad u muujiso baahi kasta oo socodka ama qiimaha gaarka ah.
  • Fur app-ka si aad u codsato raacid adiga iyo ilaa 4 rakaab oo kale.
  • Waxaad heli doontaa wakhtiga imaatinka iyo goobta laga qaadayo ee kuu dhow—socod gaaban ayaa laga yaabaa in loo baahdo marka lagu qaadayo ama lagu dejinayo.

Haddii aad leedahay baahi dhaqdhaqaaq oo u baahan gaadhi lala gelikaro kursiga curyaanka, ku dar macluumaadkan gudaha Metro Flex profile kaaga. Gaadhi curyaan ayaa si toos ah laguugu soo diridoonaa dhammaan safaradaada oo socod danbe looma baahna.

Taleefanka

  • Ka wac Adeegga Macmiilka 206-258-7739 una sheeg wakiilkaaga meesha aad joogto iyo meesha aad rabto inaad aado.
  • Bixi macluumaad ku saabsan baahi kasta oo dhaq-dhaqaaq ah oo aad qabto, iyo sida aad u bixin doonto lacagtaada.
  • Wakiilkaaga ayaa ku siin doona faahfaahinta safarkaaga, oo ay ku jiraan wakhtiga imaatinka iyo meesha aad kula kulmi karto darawalkaaga.

Online

  • Tag metroflex.app.ridewithvia.com (Af-Ingriis keliya) si aad u abuurto ama/una gasho akoonkaaga.
  • Geli bartaada bilawga iyo dhamaadka, xaqiiji meelaha (ama laba jeer guji khariidada).
  • Muuji baahidaada dhaq-dhaqaaqa ama rakaabka dheeriga ah ee hoos yimaada hoos u dhaca “1 Rakaab” (1 Passenger).
  • Dib u eeg xulashooyinka safarka oo dooro “xaji raacitaankayga” (book my ride).
  • Waxaad heli doontaa faahfaahinta safarkaaga, oo ay ku jiraan wakhtiga imaatinka iyo meesha aad kula kulmi karto darawalkaaga.

Qiimaha iyo hababka lacag bixinta

Qiimaha raacitaanka Metro Flex ayaa la mid ah midka baska Metro. Bixi marka aad fuulayso baabuurka ama tus caddaynta lacag-bixinta darawalkaaga.

Arag qiimaha Metro ee hadda iyo hababka lacag bixinta

Kaarka ORCA

Isticmaalka kaarka ORCA wuxuu kuu ogolaanayaa inaad u kala wareegto Metro Flex iyo basaska, Sound Transit, tareenka fudud ee Link ama Sounder. Ku taabo akhriyaha kaadhka dushiisa (oo ku yaal dhabarka dambe ee kursiga madaxa darawalka) kaadhkaaga ORCA.

Wax badan ka baro kaararka ORCA

Abka Transit GO Ticket

Ku Isticmaalka Transit GO Ticket taleefankaaga wuxuu kuu ogolaanayaa inaad u kala wareegto inta u dhaxaysa Metro Flex iyo basaska kale ee Metro. U wareega tareenka fudud ee Link iyo tareenka Sounder lama daboolo. Tus Transit GO Ticket (appka taleefankaaga) darawalka.

Wax badan ka baro abka Transit GO Ticket

Kaararka deynta, kaadhadhka lacag-bixinta iyo kaadhadhka hore loo bixiyay

Lacag bixinta waxaa lagu aqbalaya kaliya Metro Flex abka iyo taleefoonka oo lala hadlo wakiilka adeegga macaamiisha. Ku bixi kaarka bangiga ama kaarka deynta adiga oo gelinaya macluumaadka akoonkaga Metro Flex abka.

Habkani kuma ogola inaad ku wareejiso lacag la bixiyay Metro Flex qiimaha basaska, tareenka fudud ee Link ama Sounder. Si kale haddii loo dhigo, waxaad u baahan doontaa inaad mar kale bixiso safarka gaadiidka kale ee gaadiidka.

Qiimaha la dhimay

Dhammaan barnaamijyada qiima dhimista Metro ee King County ee hadda jira, oo ay ku jiraan ORCA LIFT, waa la aqbalayaa.

Wax badan ka baro qiimaha la dhimay

Afeef: Qiimaha caadiga ee Metro ayaa lagu dabaqaa. Tigidhka lacagta cadaanka lagu jarto iyo waraaqaha/tigidhada laguma aqbalo Baabuurta Metro Flex. Rakaabka 18 iyo ka yar had iyo jeer waxay ku raacaan bilaash Metro Flex iyo gaadiidka kale ee gobolka.

Gelida

Haddii aad u baahan tahay gaadhi la heli karo kursiga curyaanka, u baahan tahay kaalmo dhaqdhaqaaq kale, ama aad dhib kala kulanto socodka masaafo gaaban, fadlan muuji dhammaan baahiyaha gudaha boggaaga Metro Flex. Haddii aad ballan ku qabsato raacitaanka taleefanka, u sheeg wakiilka adeegga macaamiisha baahiyahaaga taageerada raacitaanka sidoo kale.

Fadlan ogow, kaliya hal rakaab ah oo kursiga curyaanka waata ayaa ku habboon gaari kasta oo Metro Flex. Meesha Kursiga curyaanka, oo ku taal dhabarka dambe ee gaariga, waxaa loogu talagalay inay qaado ilaa 800 rodol iyo kuraasta curyaamiinta oo ah ilaa 36 inji oo ballac ah.

Su'aalaha inta badan la is weydiiyo

Maya, raacitaanka waxa kaliya oo lagu codsan karaa abka ama taleefoonka. Horey u sii qorshey oo hubi wakhtiga lagu qiyaaso imaanshaha (ETA) marka aad eegto inaad ballansanayso safarkaaga. Marka baahida loo qabo baabuurta Metro Flex ay badan tahay, waxay u baahan doonaan wakhti dheeraad ah si ay kuugu yimaadaan adiga iyo goobtaada. Waad ku mahadsantahay dulqaadkaaga.

Haddii Metro Flex uu la kulmaayo baahi aad u saraysa ama gaadiidka u adeegayo safarkan, codsigaagii hore ee raacitaanka ayaa laga yaabaa inaan la aqbalin. Laakin fadlan isku day mar kale dhowr daqiiqo gudahood. Marka rakaabka kale ay dhammeeyaan safarradooda, codsigaaga waa la aqbali karaa.

Haddii aad ka baxsan tahay goobta adeega, ama adeega Metro Flex uu mashquul yahay ama abka uu go'aamiyo in Metro Flex aanu ahayn habka ugu fiican ee lagu gaadho goobtaada, xulashooyinka kale ee safarka ayaa noqon doona kuwa liiska ku jira, sida baska iyo adeega tareenada fudud ee Link.

Si Metro Flex looga dhigo mid hufan intii suurtogal ah, abka wuxuu eegayaa meelaha joogsiga ee u dhow meelaha laga soo qaadayo iyo kuwa la dejinayo. Markaad masaafo gaaban socoto, waxaad yaraynaysaa wakhtiga adiga iyo kuwa kale ee raacaya aad u baahan tihiin inaad ku qaadataan Metro Flex baabuurta—waqti yari waxay ka dhigan tahay adeeg dheeraad ah!

Xusuusin: Socod loogama baahna macaamiisha leh oo taxaya baahiyaha dhaqdhaqaaqa iyo rakaab kasta oo fuushan 10 p.m. – 6 a.m. Hubi inaad ku muujiso baahiyaha dhaqdhaqaaqaaga gudaha astaantaada app ama taleefanka.

Si aad u soo gudbiso codsigaaga raacitaanka waa inaad taabataa "Dooro meshaad ku daganaysid" (Set drop-off) badhanka hoose ee shaashadda. Appku wuxuu markaa liis gareyn doonaa hal dalab oo badan oo leh goobta laga soo qaadayo iyo ETA (qiyaasta wakhtiga imaatinka) ee safarkaaga. Bixinta raacidaadu waxay dhacaysaa 30 ilbiriqsi kadib. Si aad u aqbasho doorashada raacitaanka, dooro raacitaanka aad door bidayso oo taabo badhanka "Xaji racitaankeega" (Book this ride).

Metro Flex waxa uu leeyahay gaadhi curyaan ah oo la heli karo. Haddii aad tahay qof fuushan oo u baahan gaadhi curyaan ah oo la heli karo, fadlan dhig dookhan hoosta "nooca qiimaha/adeegga" (fare/service type) ee Metro Flex profile kaaga ama marka aad codsato raacitaan taleefan.

Haa! Kahor intaadan ballansan safarkaaga, taabo badhanka "+" ka dib dookha "Safarka kaligaa?" (Traveling alone?) . Hoos u dhig liiska xulashooyinka si aad "Ku dar baaskiil" (Add a bike). Guji ikhtiyaarkan si aan u soo dirno mid ka mid ah baabuurtayada oo ku qalabaysan raakishka baaskiilka.

Ma jiro wax ganaax ah hadii aad baajiso safarkaaga Metro Flex. Si kastaba ha ahaatee, baajinta safarka waxay u keeni kartaa dib u dhac aan loo baahnayn raacayaasha kale-fadlan ka fogow baajinta ilaa ay lama huraan tahay mooyee.

Haa, carruurta waa la soo dhawaynayaa! Xusuusnow, dhalinyarada 18 iyo ka yar waxay had iyo jeer ku raaci karaan bilaash Metro Flex iyo dhammaan gaadiidka kale ee gobolka. Fadlan u soo qaado kursiga baabuurka ama kursiga suunka ee carruurta yaryar ee u baahan—xakamayntan badbaadada ayaa lagula talinayaa laakiin Khasab maahan. Dhammaan carruurta, iyadoon loo eegin da'da, waa in loo aqoonsadaa inay yihiin "rakaab dheeri ah" (additional passenger) marka aad ballansanayso raacitaankaaga. Qof kastaa waa inuu ahaadaa ugu yaraan 13 jir si uu keligii u u raaco.

Xayawaanka adeega waa lagu soo dhawaynayaa inay raacaan baabuurta Metro Flex xayiraad la'aan. Eeyaha kale iyo bisadaha waa in ay ku jiraan sanduuqyada ay ogolyihiin diyaaraduhu si ay u fuulaan.

Sida ku cad raacitaanka la wadaago ee Metro Flex, rakaab kasta waxaa la waydiinayaa inuu ku xaddido alaabta gaarka ah hal bagaash ama shandad cabbir macquul ah. Haddii shaygaagu aanu ku haboonayn, Metro Flex ma dammaanad qaadi karto raacistaada.

In kasta oo abka Metro Flex uu ku weydiiyo habka lacag bixinta, lacag ma aadan bixin ilaa aad ku taabato ORCA kaarkaaga akhriyaha baabuurka saaran.

Ha ka welwelin—waxaad wali ku raaci kartaa qiimo dhimis adiga oo cusboonaysiinaya habaynta boggaaga appka Metro Flex. Si aad u dooratid nooca safarkaaga, ku dhufo badhanka "Menu" (Menu) ee bidixda sare, oo dooro "Nooca Qiimaha/Adeegga" (Fare/Service Type). Liiska hoos-u-dhaca, ka dooro nooca qiimaha saxda ah ee laga rabo. Maadaama ay lacag-bixintu ku dhacdo dusha gaadhiga, akhriyaasha kaadhka ORCA ayaa si toos ah u ogaan doona haddii aad leedahay qiimo dhimista ORCA waxayna kugu dallici doonaan qiimaha dhimista saxda ah, iyadoon loo eegin waxa rasiidka sheegayo.

Metro Flex Access On-Demand is a pilot program for pre-qualified Access customers. It provides same day, on-demand accessible rides in Metro Flex vans, within a specified service area. Riders are picked up within about 30 minutes of booking a ride, and rides may be shared. During the pilot phase, Metro will invite select Access customers to try out Metro Flex Access On-Demand.

Learn more
expand_less