Skip to main content
Our website is changing! Starting March 31, 2023 our website will look different, but we're working hard to make sure you can still find what you need.  
King County logo

Kusoo dhawaw King County Metro! Tilmaamahan waxay ku tusayaan sida aad u isticmaalayso tareenta, talaabo-talaabo. Sidoo kale, daawo fiidyawga tilmaamaheena ee tilmaamaha ida loo raaco baska. Waad ku mahadsan tahay inaad raaco gaadiidkaayaga!

Talaabada 1: Qorshee safarkaaga

Hel baska ugu wanaagsan ee safarkaaga, iyo meesha aad ka raacayso iyo meesha aad kaga dagayso.

Booqo tripplanner.kingcounty.gov, kadibna waxa aad ku qortaa cinwaankaaga iyo meesha aad qabanayso. Dooro saacada iyo taariikhda, oo gaadiidka aad dooratay ayaa soo bixi doona.

Ama la hadal adeegyada macmiilka Metro 206-553-3000, Isniin ilaa Jimce, 6 subaxnimo – 6 habeenimo

Hadii aad u baahan tahay turjubaan, waanu ku caawin karnaa! Guji 1 si aad ugu xidhanto qof ku hadla luuqadaada. Dadka rakaabka dhagaha la' waxay garaaci karaan WA Relay ee 711.

Talaabada 2: Hel istaanka baska

Dhamaan basasku waxay leeyihiin lambar ama xarfo meesha ay qabtaan ah. Istaanka basaska waxaa lagu calaamadiyay bir dheer iyo calaamad. Calaamada waxaa ku qornaan doona dhamaan basaska meesha istaagaa halka ay qabanayaan. Xaqiiji in meesha aad tegeysaa ay ku qoran tahay.

Istaanada basaska qaar waxay leeyihiin hadh iyo kuraas aad isticmaali karto inta aad sugayso.

Marka uu basku soo istaago, waxa aad ka eegtaa meesha uu qabanayo xaga hore ama dhinaca baska.

Hadii aad qabto wax su'aalo ah, dirawalka ayaa kaa caawin kara.

Hadii loo baahdo, saaxiib ama xubin qoys hakuugu qorto lambarka meesha aad qabanayso iyo jihadiisa warqad. Waxa aad tusi kartaa tan dirawalka baska marka aad soo korto ama aad ka degto baska.

Talaabada 3: Gelitaanka baska iyo bixinta lacagta

Dooro mid kamid ah qaababkan inaad ku bixiso kharashka safarkaaga.

A

Ku taabo kaadhka ORCA – ka ugu fudud ee ugu qiimaha wanaagsan.

B

Geli tigidhka baska sanduuqa khidmada baska.

C

Ka iibso Tigidhka Transit GO app-ka taleefankaaga oo tus dirawalka.

D

Geli cadadka rasmiga ah ee lacag cadaan ah ama shilimaan. Dirawaladu masoo celiyaan baaqi. Marka aad ku bixinayso lacag cadaan ah ama tigidhka baska, ka dalbo dirawalka xawilaada lacagta waraaqaha ah si aad ugu isticmaasho marka aad bas kale raacdo laba saacadood gudahood.

Lacagtee gaadhi raaca ayaa adiga kugu haboon?

TSi aad u hesho lacagta gaadhi raaca ugu wanaagsan iyo ikhtiyaarka bixinta lacagta, booqo kingcounty.gov/WhichOrcaFare.

Baaskiilka & baska

Bas kasta oo Metro ah waxa uu ku qaadi karaa sadex midh oo baaskiil ah xaga hore. U sheeg dirawalka marka aad doonayso inaad saarto iyo inaad ka dejiso baaskiilka ee aad istaanka joogto.

Gelida

Dhamaan basaska waxay leeyihiin sagxad lagu koro. Hadii aad wadato kursi cuuryaan ama gaadhi caruurta, ama aad u baahan tahay kaalmo dheeraad ah oo korida baska ah, ka dalbo saxgad dirawalka.

Kuraaska ka danbeeya dirawalka waxaa loogu talo gelay dadka laxaadka la', rakaabka waayeelka ah, ama waalidka caruurta yaryar. Isticmaal xadhiga amaanka si aad ugu xidho shayada sida shugleetiga iyo kursiga cuuryaanka.

Talaabada 4: Dalbo in laguu joogsado oo ka deg

A

La soco oo dhagayso istaanka marka la sheegayo.

B

Marka istaanka aad kaga degayso uu yahay ka xiga, waxa aad soo jiidaa xadhiga huruudaha ah ama waxa aad riixdaa calaamada cas ee “STOP (JOOGSIGA)" ah. Ka dag albaabka dhinaca ama albaabka danbe adiga oo u baahan moojee raakada albaabka hore.

Baro ikhtiyaarosafaro oo dheeraad ah

Waxaanu nahay nidaam bas iyo wax ka badan.

Adeegyada korista

Metro waxaa ka go'an inay bixiso sinaan adeegyadeena ah. Hadii aad raacayso baska ama aad isku dayayso mid kamid ah barnaamijyadeena gaadiidka, waxa aanu halkan u joognaa in aanu kugu xidhno bulshadaada.

Macluumaad badan ka oggow ikhtiyaarada helitaanka
Ride Pingo

Balanso gaadhi aad u raacdo oo aad kaga timaado Kent Station iyo Kent Valley oo meel kasta ah ee inta aanu ka shaqayno ah.

Bilaw Ride Pingo
Via to Transit

Ka dalbo gaadhi app-ka Via to Transit marka aad tagayso ama ka imanayso baska iyo xarumaha bulshada ee Othello, Rainier Beach/Skyway, Renton iyo Tukwila.

Bilaw Via
Ikhtiyaarada socdaalka ogaanshaha

Metro waxa uu bixiyaa ikhtiyaaro gaadiid oo dabacsan oo kala duwan oo Degmada King ah. Ka dooro daladeena basaska ee balaadhan, adeegyada paratransit, Water Taxi, vanpool, Link tareenka fudud iyo waxkale oo badan.

Eeg dhamaan ikhtiyaarada socdaalka

Connect with us

Isku duwaan geli wargelinta Transit

Is Duwaan Geliye Cusub

Si aad isku duwaan geliso, geli macluumaadkaaga xidhiidhka. Hadii aad doonayso in aad isku duwaan geliso wargelinta iimeelka iyo fariinta qoraalka ah, waa inaad isku duwaan gelisaa laba jeer.

Dadka wakhtigan duwaan gashan

Si aad waxyaabaha aad doorbido aad u maamusho, geli iimeelkaaga ama lambarkaaga mobileka.