Skip to main content

Wadooyinka barafka

Wadooyinka barafka

Wax ka baro isbeddellada la qorsheeyay ee ku aadan waddooyinkaaga baska inta lagu jiro cimilada xun.

Eeg wadadaada

Maxaa ku dhacaya wadadeyda baska markuu baraf soo da'o?

Iyadoo ku xiran sida cimiladu u xun tahay, 3 shay ayaa ku dhici kara baskaaga

1. Baskaagu wuxuu ku sii shaqeyn doonaa jadwalkiisa caadiga ah

Waxaad ka heli kartaa macluumaadka wadada taas oo lagu qoray bogga Schedule & Maps.

Eeg jadwalada iyo khariidadaha

2. Baskaagu wuxuu ku sii safri doonaa wadadiisa barafka leh

Waa inaad horay u sii qorsheysaa adigoo baranaya wadada barafka leh ee baskaagu maraayo.

Eeg waddooyinka barafka leh

3. Waxaa laga yaabaa in wadadaada baska la baajiyo

Inta lagu jiro cimilada ugu xun, waxaa laga yaabaa in Metro ay dhaqangeliso Isku-xirkeeda Xaalada Degdega ah ee Barafka

Baro wax ku saabsan Isku-xirka Xaalada Degdega ah ee Barafka (Emergency Snow Network, ESN)

Siyaabaha lagu xaqiijiyo haddii baskaagu shaqeenayo oona shaqeenayo si wakhtigeeda ah

Marka basasku aanay ka shaqaynayn jidadkooda caadiga ah ama aanay u adeegaynin boosteejooyinkooda caadiga ah, saadaasha ka bixida “waqtiga dhabta ah” ee boosteejooyinka gaarka ah waxa laga yaabaa inaanay ahayn mid la isku halayn karo.

Eeg xaalka wadada baskaaada

La-talinta adeeggayadu waxay kula socodsiin doontaa wixii ku saabsan dib-u-dhac kasta, dib u marida wado kale ee kasta ama xiritaanada kasta ee saamayn ku yeelan kara safarkaaga, taasoo kuu oggolaanaysa inaad qorshayso safarkaaga ugu fiican oo aad la socoto macluumaadka adeegga ee ugu dambeeyay.

Waanooyinka ku aadan adeega

Isticmaal Text for Departures (Qoraalka waqtiyada baska baska)

Ka hel wakhtiyada bixista ee xiga ee ku aadan adeega safrinta ee boosteejadaada adoo fariin ahaan ugu diraaya Aqoonsigaaga boosteejada 62550, waxaadna heli doontaa fariin celin ah wakhtiyada bixitaanada xiga ee boosteejadaas.

Side ay u shaqeyso

Isku-xirka Xaaladda Degdega ah ee Barafka

Inta lagu jiro xilliga jiilaalka ee daran, Metro waxaa laga yaabaa iney hawl-geliso Isku-xirkeeda Xaaladda Degdega ah ee Barafka (Emergency Snow Network, ESN), isku xidhka wadooyinka baska ee la dhimay iyo basaska shaagaga silsilahada loogu wareejiyay ee loo naqshadeeyay in loogu adeego raacayaasha ugu badan sida ugu badbaadsan ee suurtogalka ah. ESN-ka Metro wuxuu diiradda saarayaa adeegga baska waddooyinka waaweyn ee barafka la xaaqay ama laga saaray barafka oo wuxuuna ka fogaadaa buuraha taaga ah.

Metro ayaa ku dhawaaqi doontaa hawl-galinteeda loogu talagalay ESN maalin ka hor wakhtiga hawlgelinta. ESN ayaa sii ahaaneysa mid sii hawl-gashaa maalinta adeega oo dhan, xitaa haddey xaaladahu soo roonaadan.

Eeg khariirada

Adeegyada kale ee Metro

Adeegyada Metroayaa laga yaabaa in dib loo dhigo ama la baajiyo sabab baraf ama xaaladaha cimilo ee baraf dartood

Access Paratransit

Acess rakaabku waa inay la xiriiraan xarunta wicitaanka maalmaha barafka ama ay jiraan xaaladaha barafka leh. Nidaamka taleefanka xarunta wicitaanku wuxuu bixin doonaa ogeysiisyo gaar ah marka adeegga la carqaladeeyo ama la hakiyo. Acess gawaarida ayaa laga yaabaa inay weli diyaar u yihiin adeegyada degdegga ah sida safarada nolol badbaadinta/joogteynta.

Taleefonka Maxalliga ah: 206-205-5000
Lambarka Bilaashka ah: 1-866-205-5001
WA Relay 711

Taksiga Biyaha Ku Safra (Water Taxi)

Booqo boggayaga Taksiga Biyaha Ku Safra si aad u hesho jadwalada hadda jira, wixii dib u dhacyo ah iyo baajino ah sababo xaaladaha cimilada awgood ah.

Eeg waanooyinka ku aadan Taksiga Biyaha Ku Safra

Metro Flex

Wac Adeega Macaamiisha ee Metro Flex ama ka eeg abka Metro Flex wixii macluumaad dheeraad ah.

Taleefonka Maxalliga ah: 206-258-7739

Link light rail ama tareenada Sounder

Eeg waanooyinka Sound Transit

Vanpool

Darawalada Vanpool – u diyaar garooba xaaladaha wadada ee cimilada jiilaalka! Kala munaaqashaw kooxdaada baraf iyo qorshaha socdaal ee kale. Haku hawlgelina kiina ah vanpool xaaladaha aan ammaanka ahayn ama idiin waayo aragnimo u lahayn — haddii aysan ahayn inaad ku dhex waddo baraf ama marxalado barafeed, ha sameyn.

Fadlan dib u eeg habraacyadaada xaaladaha degdega ah ee vanpool oona la soco la-talinta cimilada gobolka iyo xaaladaha waddooyinka. Xusuus-qor degdeg ah: cimiladu waxay isku bedeli kartaa si walalac ah - markaa fadlan la soco cimilada goor hore iyo marar badan, gaar ahaan ka hor subaxyada barafka leh ama inta lagu jiro maalinta ka hor socdaalkaas dheer ee ila guriga lagu tagaayo.

Habraacyada xaaladaha degdega ah ee Vanpool

expand_less