Skip to main content

Xaqiiqooyinka cudurka Meningococcal

Xaqiiqooyinka cudurka Meningococcal

Meningococcal disease facts in Somali

Muxuu yahay?

Cudurka Meningococcal waxaa sababa jeermis Bakteeriyada gubashada maqaarka maskaxda, sidoo kale lagu magacaabo meningococcus. Cudurka Meningococcal wuxuu laxiriiraa jeermisyo halis ah oo ah dareeraha iyo dahaarka kuhareeraysan maskaxda (meningitis), socodka dhiiga (bakteeriyada iyo halaabida dhiiga), sambabada (gubashada oof wareenka), iyo kala goysyada (gubashada kala goysyada).

Maxay yihiin calaamadaha lagu gartod cudurkaan?

  • Calaamaduhu badanaa waxay soo muuqdaa 3 illaa 4 maalmood kadib marka cudurka lahelo laakiin waxay u kala duwanaan karaan 2 illaa 10 maalmood.
  • Calaamadaha waxaa kamid ah:
    • Qandho sareysa ama daran oo kedis ah (badanaa 102º F ama kabadan)
    • Qarqaryo
    • Madax xanuun daran
    • Neefsashada oo dhib ah
    • Qoorta iyo dhabarka oo adeyg noqda
    • Xanuun daran oo kala goysyada ah
    • Mataq
    • Hurdo daran iyo/ama wareer
    • Miyir waayid/qalal
    • Finan ama buluug khafiif ah/calaamado buluug madoow ah
  • Caruurta da'adoodu kayartahay hal sanno, barta jilcan ee kutaala dusha madaxa (barta jilcan) waxa dhici karta in ay kore usoo fuurto ama u soo baxdo.

Sidee ayuu u faafaa?

  • Bakteeriyada ama jeermiska wuxuu kujiraa sanka iyo dhuunta dadka jiran wuxuuna kufaafa xiriir la isku soo dhowaado tooska candhuufta ama dheecaanada sanka iyo dhuunta marka lahadlayo, laqufacayo, la hindhisayo, ladhunkanayo, iwm.
  • Dadka caafimaad qabba mararka qaar waxay bakteeriyada cudurka meningococcal kusidi karaan sankooda iyo dhuuntooda laakiin manoqonayaan kuwo jirada ama faafiya jeermiska.
  • Jeermiska Meningococcal waxaa lagu faafiyaa xiriir isku soo dhowaansho ah (tusaale ahaan, dhunkashada, cabbitaanada oo la isla wadaago, maacuunta, utensils, galaasyada dhallada ah, sigaarada iyo waxyaabo kale oo afka lageliyo, iyo xubnaha guriga iskula wada nool dhexdooda). Ma ahan cudurkaan mid kufaafa keliya kula noolaanta qof cudurkaan qabba.

Sidee lagu aqoonsadaa laguna daaweeyaa?

  • Cudurka Meningococcal waxaa lagu aqoonsadaa ayada oo lasameeyo tijaabo dhiiga ah ama dareere dhabarka ah oo laga eegayo bakteeriyada.
  • Dadka qabba cudurka meningococcal badanaa waxay u baahanyihiin isbitaal dhigid iyo daaweyn dhakhso ah oo ay lasocoto daawada antibiyootiga.

Sidee cudurka meningococcal looga hortagi karaa?

  • Waxaa lahelayaa tallaal looga hortagi karo cudurka meningococcal wuxuuna tallaalkaan kahortagi karaa labbo kamid ah sedex nooc oo ugu baddan oo kamid ah bakteeriyada sababta cudurkaan.
  • Tallaalka waxaa si joogta ah loogula talinayaa dadka dhammaan da'adoodu tahay 11–18 sanno. Qiyaas keliya oo tallaal ah ayay khasabtahay in lasiiyo dadka da'adoodu tahay 11 ama 12 sanno, kadibna qiyaasta xoojinta ayaduna waxaa khasab ah in lasiiyo dadka da'adoodu tahay 16 sanno.
  • Tallaalka sidoo kale waxaa lagula taliyaa dadka cusub ee kuleejada ee kunool guryaha qaabka-kuleejada, iyo kuwa kale ee khatar sareysa ugu jiro qaadida cudurka meningococcal hadii aynaan helin tallaalka taxanaha ah marhore.
  • Kafogoow in aad xiriir isku dhowaansho ah layeelato qof qabba jeermisyo ama jiro neefsashada ah (kuwaas oo qufacaya oo hindhisaya.)
  • Kafogoow in aad lawadaagto cuntada, cabbitaanada, sigaarada, ama maacuunta loo isticmaalo in wax lagu cuno.
  • Dhaq gacmaha kahor iyo kadib marka aad wax cunto iyo kadib marka aad qufacdo ama hindhisto.
  • Dhammaan dadka layeeshay xiriir iskudhowaansho ah qof qabba cudurka meningococcal waxaa khasab ku ah:
    • In looga soo qoro daawo antibiyootig ah dhinaca bixiyaha daryeelka caafimaadkooda sida ugu dhakhsiyaha baddan si looga hortago cudurka meningococcal.
    • Laga fiiriyo calaamadaha cudurka meningococcal 10 maalmood kadib xiriirkii ugu danbeeyay ee uu layeeshay qofka xanuunsan, xitaa hadii ay qaateen ama qaatey daawada antibiyootigada looga hortagayo jeermiska. 
    • Laxiriiraan bixiyaha daryeelka caafimaadkooda isla marka ay arkaan qandho, madax xanuun ama calaamado kale oo lagu sharxay warqadaan.
expand_less