Skip to main content

Qaaxada

Qaaxada

Tuberculosis facts in Somali

Waa maxay qaaxada?

Qaaxada (tuberculosis), oo xittaa loogu yeedho TB, waa cudur infekshan leh ee uu keeno baktiiriyada (jeermis) loo yaqaan Mycobacterium tuberculosisTB-ga caadiyan waxaa uu saameeyaa sambabaha (TB-ga sambabaha - pulmonary TB) balse sidoo kale waxaa uu saameyn karaa xubin kasta ee jidhka ka mid ah.  TB-ga badanaa waa la daweyn karaa iyadoo la isticmaalayo antibiyootiko laga helo dalalka sida Mareykanka.

Sidee buu TB-ga ku faafaa?

TB waxaa uu ku faafaa marka qof TB-ga sambabaha qaba uu qufaco.  Baktiiryada  timaada qofka sambabihiisa ayaa hawada gasha, waxaanna ay gali kartaa sambabaha qofka kale.  TB-ga ma sito infeshan aad u weyn; aad bay uga dhib badan tahay si lagu qaado marka loo barbar dhigo durayga.  Caadiyan muddo dheer ah waa in aad ka ag dhawaataa qofka qaba TB-ga si aad u qaado.  Ma ahan suuragal in TB-ga aad ka qaado koob aad la isticmaasho qof TB-ga qaba ama taabashada albaab uu isticmaalay qof TB-ga qaba. Sidoo kale, mar haddii qof TB-ga qaba uu dawo qaadanayo, islamarkiiba waxaa uu noqonayaa qof aan cudurka gudbin karin. Dadka dawooyinka qaata durbadiiba hawlahoodii caadiga ahaa ayeey ku soo laaban karaan iyadoo aan looga cabsi qabin in ay dad kale TB-ga u gudbiyaan.

Waa maxay calaamdaadka TB-ga la qaado?

Calaamaadkani muddo asbuucyo ah ayeey qaadanayaan in ay ku soo baxaan.  Calaamaadka caadiyan la yaqaan waxay kala yihiin:

  • qufac (caadiyan socda in ka badan 3 asbuuc)
  • dhiig ama xaako la qufaco (phlegm ka yimaada sambabaha gudahood)
  • xanuun shafka ah
  • daal
  • miisaan dhaca
  • xummad
  • dhidid habeenkii

Sidee loo daweeyaa cudurka TB-ga?

Si loo daweeyo TB-ga gudba, intibiyootik dhowr ah ayaa ah in la qaata muddo caadiyan u dhaxeysa 6 bilood ilaa iyo sanad. Si ay daawadani u shaqeyso waa muhiim in si joogta ah daawada loo dhammeystaa.  Daawada muddada dheer waa muhiim waayo waa ay dhib badan tahay jidhka in laga baabi'iyo baktiiryada TB-ga.

Waa maxay infekshanka TB-ga sideenna loo daweeyaa?

Infekshanka TB-ga micnihiisu waa iyadoo uu qofi qabo baktiiryada jidhkiisa jiifta. Ma bukaan ama ma gudbiyaan waayo baktiiryada ayaa jiifta. Infekshanka TB-ga waxaa lagu gaartaa marka qofka natiijada baaritaanka maqaarkiisu noqoto mid xaqiijisa (positive) balse raajada shafka ay caadi tahay oo aan qabin calaamado kale ee cudurka qaaxada. Si loo dilaa baktiiryada jiifta loogana hortagaa in jirada ay soo kacdo, dadka uu infekshankoodu TB-ga uu jiifo waxaa caadiyan lagula taliyaa in ay daawada qaataan dhowr bilood, caadiyan mid ama laba dawo.

Maxay ku kala duwayn yihiin infekshanka TB-ga iyo cudurka TB-ga?

Dadka qaba cudurka TB-ga jeermiska soo jeeda ee jidhikoodu ku jira ayaa jirada u keena. Caadiyan waxaa ay qabaan calaamaadka TB-ga sida qufac, xummad iyo miisaan dhac. Haddii cudurka uu sambabahooda ku jiro waxaa ay cudurka u gudbin karaan dadka kale. Dhaawac waarta iyo dhimashaba waa uu keeni karaa cudurkani. Dawooyinka lagu daweeyo TB-ga badanaa waa kuwo shaqeeya.

Dadka qaba infekshanka TB-ga jeermiska TB-ga ayaa jidhkooda ku jira. Hase ahaatee, ma bukaan sababtoo ah jeermiska jidhkooda ku jira ayaa jiifa. Ma ay u gudbin karaan dadka kale. Dadkani mustaqbalka ayeey TB-ga ku soo bixi kartaa. Dawooyin ayaa caadiyan la siiyaa dadkani si looga hortago in TB-ga ay ku soo baxdo.

Waa maxay baaritaanka maqaarka ee TB-ga?

Baaritaanka maqaarka ee TB-ga waa iyadoo dheecaan yar lagu shubo gacanta. Baaritaanka waxaa natiijidiisu la eegaa 48 illaa 72 saacadood iyadoo uu eego qof khabiir ku ah akhrinta baaritaanka maqaarka.  Haddii ay xaqiiqowda natiijada, waxaa kaddib la sameeyaa raajo si looga shaki baxo in qofka uu qabo infekshanka TB-ga. Mar haddii baaritaanka maqaarka uu noqdo mid xaqiiqowda, badanaa waxaa ay noqotaa mid xaqiiqoda mana aha in lagu celiyaa.  Haddii aysan qofka ku soo bixin calaamaadka hal raajo shafka ah ayaa loo baahan yahay oo keliya.

Sidee buu TB-ga muhiim u yahay maanta?

Qaaxada waxaa ay maanta dishaa in ka badan inta u dhimata infekshannada kale.  Qiyaastii 2 malyan oo qof sannadkiiba ayaa caalamka u dhinta TB-ga.  Hase ahaatee, dhimashada TB-ga waa dhif Mareykanka gudihii.  Deegaanka King (King County) waxaa sannadkii ay caddeeyaan 120-150 kiis sannadkiiba oo ah dadka qaba TB-ga gudba, heerka daweynta dadkani waxaa uu caadiyan yahay ku dhawaad boqolkiiba boqol.

expand_less