Skip to main content

Xaqiiqooyinka Xummadda/Qandhada Tayfoodhka

Xaqiiqooyinka Xummadda/Qandhada Tayfoodhka

Typhoid facts in Somali

Maxay tahay?

  • Xummada/QandhadaTayfoodhka waa infekshan gala wareegga dhiigga kaasoo ay sababto bakteeriyada, Salmonella typhi. Badanaa dadka ku nool Maraykanka wuxuu ku dhacaa xummadda tayfoodhku marka ay booqdaan waddan kale laga bilaabo cunista iyo cabbista cunto ama biyo ku wisikhoobay bakteeriyada. Waddamada soo koraya, inta badan waxa uu ugu dhacaa siddii cudur saf mar ah (dad badanbaa isku mar bukooda ama xanuunsada).
  • Bakteeriyada sababta tayfoodhka waxaa laga helaa dhiiga qofka cudurka qaba waxayna ku sii jiri kartaa saxarada (xaarka) asbuucyo ilaa bilo ama in ka badan ka bogsashada ka dib.

Waa maxay calaamdahu?

Calaamadahu waxay caadi ahaan bilaabmaan 1 ilaa 3 asbuuc ka dib marka ay gaadho bakteeriyadu waxaana ku jiri kara:

  • Xummad/qandho aad u saraysa
  • Madax xanuun
  • Mataga ama calool xanuun
  • shuban
  • nafsada cuntada oo yaraata ama Cunto cunid xumo
  • finan ka soo yaaca ama baxa maqaarka
  • itaal ama tabar daro

Sidee loo faafiyaa?

  • Tayfoodha waxa la faafiyaa marka qofku uu cuno ama cabo cunto ku wisikhowday saxarada bini aadamka oo ay ku jirto bakteeriyada Salmonella typhi.
  • Dadka qaar ("sidayaasha") ka bogsada ama kabsada cudurka waxay ku sii daadiyaan bakteeriyada saxaradooda. "Sidayaasha" waa in ay ka feejignaadaan in ay kufaafiyaan cudurka kuwa kale (eeg/fiiri hoos ka Hortaga). Waa in aanay ka shaqayn makhaaxiyaha ama halka cuntada lagu bixiyo ilaa Dhaqtarka uu go'aamiyo in aanay in dheeraada ku siddin bakteeriyada saxaradooda.

Sidee lagu baadho ama lagu daweeyo?

  • Xummadda tayfoodhka waxaa lagu baadhaa iyaddoo la baadhayo dhiiga ama saxarada.
  • Xummadda tayfoodhka waxaa caadi ahaan lagu daaweeyaa antibiyootik.

Sidee looga hortagi karaa tayfoodhdka

  • Soo booqo adeeg bixiye caafimaad ama goob caafimaad oo wareegta si aad u ogaato haddii aad u baahan tahay talaalka xummadda tayfoodhka ka hor inta aanad safrin. Haddii haa, iska talaal 1 ilaa 2 Asbuuc ama in ka badan safarka ka hor.
  • Marka aad u safrayso goobaha, iska ilaali cuntooyinka khatarta aad ka ah leh/cabitanada:
    • Ka cab oo keliya biyaha qoraarada/dhalooyinka ku jira ama biyaha ku nadiifi adoo karkarinaayai laa 1 miridh/daqiiqad ka hor cabitaanka. Biyaha soodhada lehi waxay ka bad baado badan yihiin kuwa aan soodhada lahayn.
    • Dalbo cabbitaan aan baraf lahayn ilaa barafka uu ka samaysanyahay biyo warshadaysan ama la bayliyay/la kariyey oo keliya. Iska ilaali iskriimka/jalaatada qoriga leh iyo barafka dhadhanka loo yeelay kuwaasoo ay dhicikarto in laga sameeyay biyo wiskhoobay.
    • Cun cuntooyinka si buuxda loo kariyay oo weli kulul oo uumigii leh.
    • Iska ilaali khudrada qaydhin/cayrin iyo khudrada diirka adag oo aan la dhilikarin ama aan la fiiqikarin. Khudrada sidda saladhka ama ansalaatada si fudud bay u wisikhoobaan wayna adag tahay in la nadiifiyo.
    • Marka aad cunto khudrad diir adag oo qaydhin ama khudaarta la dhili karo, adiga laftaada ka fiiq ama dhil diirka (ku maydh/dhaqo gacmahaaga saabuun ugu horayn.)
    • Iska ilaali cuntada iyo cabbitaanadda ay iibiyaan ku wajidadka wax ku iibiyaa. Waa cunto ay adagtahay in lagu ilaaliyo nadiif iyo kulayl markay taal jidka. Safrayaal badani waxa ay ku xanuusadaan cuntada ay ka iibsadeen kuwa jidka ku iibiya.
  • Had iyo jeer ugu maydh/dhaqo gacmahaaga si feejigan saabuun iyo biyo ka dib marka aad Musqusha/Suuliga ka soo baxdo oo ha u diyaar garayn ha una soo dhigin cunto dadka kale haddii aad qabto Salmonella typhi.Tani waxa ay yaraynaysaa fursadda aad cudurka ugu gudbinayso qof kale.
expand_less