Skip to main content
King County Courthouse Third Avenue entrance closed until January 1, 2020. Please use alternative routes.  
King County logo

Maxay tahay?

  • Hablo baasta ama bus buska (varicella) waxa sababa varicella zoster virus (VZV). Badanaa waa xanuun fudud, laakiin waxay ku noqon kartaa xanuun daran carruurta,dumarka uurka leh, dadka waaywayn, iyo dadka difaaca jidhku daciifka yahay.
  • Ka hor tallaalka hablo baasta ama Bus buska, ugu badnaan qof kasta waxaa ku dhacay hablo baas ama bus buska marka uu qaan gaadhay dadka waa wayn badankoodu waxa ku dhacay hablo baas/busbuska markay carruurta ahaayeen.

Waa maxay calaamaduhu?

  • Finan cun cun leh ayaa ku bilaabma jidhka iyo wajiga leh dhibco basali ah finan dheecaan ku jiro ("finan dheecaan leh") kuwaas oo qalala oo markaas noqda mid qolfaysta 4ilaa 5 maalmood.
  • Finanku waxay noqon karaan caalamada u horaysa ee xanuunka, sidoo kale waxaa jiri kara daal iyo xummad
  • Finanku waxa dhici karta in ay Fududadaan iyagoo leh dhowr fin oo dheecaan leh ama boqolaal finan goobo finan dheecaan leh.
  • Hablo baastu/bus busku waxaa wakhtiyada qaar raaci kara xanuuno daran sida cudurka bakteeriyada maqaarka iyo oof wareenka.
  • Carruurta qaar horey loo talaaley ayaa qaada hablo baasta/bus buska laakiin xanuunka wuu mid fudud oo leh dhibco yar yar kuwaas oo aan qolofaysan ama uusan yeelan dheecaan.

Sidee lagu faafiyaa?

  • Hablo baastu/bus busku waa mid aad u faafta waxaana faafisa taabshada tooska ah ama finanka qofka cudurka qaba ama waxyaabaha ka soo baxa habka neefsashada lagu siidaayo hawada ka yimaada hindhisada iyo qufaca. Xanuunku waxa uu bilaabmaa 10 ilaa 21 maalmood kadib marka la taabto ama laga qaado qofka qaba.
  • Dadka qabaa waxa ay aad u faafiyaan 1 ilaa 2 maalmood ka hor inta aanu soo bixin finanaku ilaa finanka dheecaanka leh isku bedelaan kuwa qolfaysa—caadi ahaan 5 malmood laga bilaabo wakhtiga finka dheecaanka lehi uu soo baxo.
  • Dadka difaacooda jidhku uu daciifiyo xanuunku ama daawaynta waxa ku dhici kara xanuun aad u daran ama mid daba dheeraada.
  • Qofka aanu weligii ku dhicin xanuunka hablo baastu/bus buska ama aan laga tallaalin hablo baasta/bus buska wuxuu leeyahay fursad 90% ah oo uu ku qaado cudurka haddii qof qoyska xubin ka ah uu ku dhaco habla baastu/bus buska.

Sidee lagu baadhaa ama lagu ogaadaa?

  • Hablo baasta/bus buska waxaa caadi ahaan lagu garankaraa calaamdaha iyo muuqaalka caadiga ah ee finanka.
  • Caadi ahaan Dhaqaatiirka waxa uu u adeegsan doonaa shaybaadh habla baasta/bus buska haddii garashada cudurku aanu caddayn ama haddii uu xanuunku daran yahay.

Sidee looga hortagi karaa habla baasta/bus buska?

  • Tallaalku waa habka ugu fiican si looga hortago hablo baasta/bus buska. Tallaalka Varicella waa mid saamayn xooga u leh ka hortaga hablo baasta/bus buska, gaar ahaan xaaladaha daran ee cudurka iyo cudurada kale ee raaci kara.
  • Laba goor oo tallaalka varicella ayaa lagula talinayaa carruurta ay da'doodu ka bilaabanto 12ka bilood jira. Tallaalka labaad caadi ahaan waxaa lagula taliyaa 4-6 sano.
  • Laba tallaal qaadasho ayaa sidoo kale lagula talinayaa kurayda/caruurta qaangaarka ah iyo dadka waaw wayn aanay weli ku dhicin habla baastu/bus buska.
  • Haddii aanad weli hubin in ay kugu dhacday hablo baas/bus buska iyo in kale, la hadal Dhaqtarkaaga si loo sameeyo baadhitaan dhiig.

Maxaan ka sameyn karaa haddii aan qaaday cudurka habla baasta/bus buska?

  • Haddii uu jirkaaga ka hor tag u leeyahay habla baasta/bus buska waxay u badan tahay in aanad xanuunsanin.
  • Haddii uu san jirkaaga ka hortag u laheyn habla baasta/bus buska, tallaalka varicelle lagu qaato 3 maalmood gudahood waxay ka hortagi kartaa habla baasta/bus buska. Tallaalka 3 ilaa 5 maalmood kadib la qaato kama hor tagi doonto habla baasta/bus buska laakiin waxa ay ka dhigi kartaa mid fudud.
  • Dadka khatarta sare ugu jira in ay cuduro kale u raacaan habla baasta/bus buska, sida dadka ay daciiftay difaacooda jidhka, dumarka uurka leh, iyo ilmaha xiligoodii ka hor dhashay ama Dhiciska ah, waa in ay la xidhiidhaan Dhaqtarkooda caafimaad.

Waa maxay finan ka soo baxa ah (Shingles)?

  • Finankaas, sidoo kale waxaa loogu yeedhaa herpes zoster or zoster, waa finan ka soo baxa jirka oo xanuun badanoo ay sababto varicella zoster virus (VZV). Kadib marka uu qofku ka bogsado habla baasta/bus buska, fayrasku ilaa weligii ayuu ku jiraa jidhka. Caadi ahaan fayrasku wax dhibaatooyina ma keeno; si kastaba ha ahaatee, waxa ay dib u soo bixi kartaa sanado kadib, iyaddoo sababaysa finanka.
  • Finanka wuxuu ka soo baxaa ugu horaynba qayb wejiga ama jidhka ka mid ah, waxay bilowdaa finan dheecaan leh oo isu roga kuwa qolof leh kadib 3 ilaa 5 maalmood waxayna ku dhamaataa 2 ilaa 4 asbuuc. Ka hor finanka intuusan soo bixin, inta badan waxa jira xanuun, cuncun, ama xan xantayn goobta ay ka soo bixi doonaan finanku. Calaamadaha lagu garto xanuunka waxaa ka mid ah xummad/qandho, madax xanuun, qabow, iyo wareer.
  • Taabashada tooska ah ee qofka finanka dheecaanka leh waxay ay ku sababi kartaa hablo baas/bus bus qofka aan weligiis qaadin hablo baas/bus bus aan qaadan tallaalka varicella.
  • Tallaal finanka ah waxaa lagula talinayaa dadka 60 jirka ah iyo kuwa ka waa wayn si ay uga caawiso ka hortaga finanka oo ay ka hortagto xanuunka iyo Dhibaato kale.