Skip to main content
Our website is changing! Starting March 31, 2023 our website will look different, but we're working hard to make sure you can still find what you need.  
King County logo

Is-baaritaannada degdega ah, sidookale loogu yeero baaritaannada guriga ama baaritaannada antijan (antigen), waxay kuu sheegaan haddii aad qabto COVID-19 15-30 daqiiqo gudahooda. Waxay gafi karaan caabuq bilow ah. Haddii aad leedahay calaamadaha COVID baaritaankuna wax sheegin, ku celi baaritaankaaga 12 ilaa 24 saac gudahooda.

Su'aalaha soo noqnoqda ee ku saabsan is-baarida

Hagitaan

  • Haddii aad leedahay calaamado ama qof kuu dhaw (kula kulma) ama qof gurigaaga kula jooga cudurku gaaray ama uu leeyahay calaamadaha COVID-19
  • Shaqada ama dugsiga (ka ogow loo-shaqeeyahaaga/dugsigaaga si aad u aragtid nooca baaritaannada ay aqbalaan)
  • Kahor ama kadib kulamada qoyska, xafladaha, ama dhacdooyinka ciidaha
  • Kadib dhacdooyin ballaaran sida ciyaaraha ama adeegyada diimeed iyo kadib safar

Ha u isticmaalin is-baaritaanka COVID-19 xaaladahaan:

  • Si aad uga soo baxdid sharuudaha safarka
  • Haddii aad horey iskaga baartay goob baaritaan ama dhaqtar daryeel-caafimaad oo aad sugeyso natiijooyin. Sug natiijooyinkaaga oo raac hagitaanka.

Waxaad ka gadan kartaa baaritaannada degdega ah dukaamada, farmashiyada iyo khadka, ama ka codsan kartaa hay’adahaan soo socda, baaritaano bilaash ah. Waxaad sidookale ka codsan kartaa baaritaano bilaash ah ilaha soo socda:

Haddii aad leedahay ceymis, waxaad codsan kartaa qarash-celin:

Haddii baaritaankaaga cudurka laga helo

  • Waxay u badantahay COVID-19 inaad qabtid, xattaa haddii aadan lahayn wax calaamado ah
  • Haddii aad sameysay baaritaanka guriga oo degdega ah, uma baahnid inaad ka xaqiijiso sheybaar, rug caafimaad, ama goob baaritaan
  • Uma baahnid baaritaan kale si aad daaweyn u doonatid

Waxa la sameeyo:

  • Is-gooni-yeeel 5 bari. Sii xiro af-xir markaa ag-joogtid dadka kale shan bari oo kale kadib ka-bixista is-gooni-yeelka.
  • Haddii aad khatar sare ugu jirtid cudurka, weydiiso dhaqtarkaaga daryeel-caafimaadka ama booqo rug caafimaad Baaritaanka Daaweynta si aad uga codsatid doorashooyinka daaweynta xilli-hore.
  • U sheeg dadka kula kulma iyo xubnaha gurigaaga cudurka in lagaa helay.
  • Wax badan ka eeg taageerada shaqaalaha.
  • U sheeg natiijooyinka baaritaanka degdega ah Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington adigoo isticmaalaya mid ka mid ah labada doorasho ee soo socda:
    • Ku dir qaab onlayn ah. Aad boggan safercovid.org/mytest, dooro gobolkaaga, ka dibna buuxi foomka qaab onlayn ah adigoo raacinaya natiijooyinkaaga baaritaanka.
    • Taleefan ku sheeg. Wac 1-800-525-0127 oo taabo # (riix #7 Isbaanishka ama sheeg luqadda aad u baahan tahay marka wicitaankaaga laga jawaabo).
  • Haddii aad u baahantahay cunto ama kaalmo kale inta ku jirtid is-gooni-yeelka ama karantiilka, booqo Care Connect Washington ama wac ama farriin-qoraal u dir khadka barnaamijka, 1-833-453-0336.
  • Ka jawaab wicitaanka ama farriin-qoraalka ka imaada raad-raaca xiriirka. Foonkaaga wuxuu wacaha u aqoonsan doonaa "WA Health."

Si natiijooyin sax ah loo helo baaritaankaaguna u noqqdo sax, raac dhammaan tilmaamaha ku jira baakadda is-baaritaanka oo fiiri taariikhda dhicitaanka ee baakadda si lagu hubiyo baaritaankaagu inuusan dhicin.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan taariikhaha dhicitaanka ee xirmooyinka baaritaanka degdegaa, eeg FAQ #6: "Ma isticmaali kartaa baaritaanka guriga (antigen) ee COVID-19 kadib taariikhda dhicitaanka?".

Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan ee xirmooyinka baaritaanka guriga ee COVID-19. Iska hubi inaad isticmaasho baaritaan FDA oggolaatay.

Halkaan waxaad ka heli doontaa liiska baaritaannada FDA oggolaatay (afaf badan) iyo fiidiyowyada sida loo isticmaalo noocyada soo socda:

  • BD Veritor
  • BinaxNOW
  • Carestart
  • Celltrion DiaTrust
  • Clinitest
  • FlowFlex
  • iHealth
  • InBios
  • InteliSwab
  • QuickVue
  • Standard Q

Sida loo fasiro natiijooyinka is-baaritaanka (Ingiriis keliya)

Noocyada kala duwan ee baaritaanka waxay leeyihiin taariikho dhicitaan oo kala duwan. Ha isticmaalin baaritaanka dhacay ilaa Maamulka Dawooyinka ee Federaalka (FDA) uu kordhiyo taariikhda lagu daabacay sanduuqa.

FDA waxay kordhisay taariikhaha dhicitaanka ee noocyada qaar, oo ay ku jiraan iHealth iyo FlowFlex:

  • Wixii iHealth ah, ku dar 6 BILOOD taariikhda "isticmaalka" taariikhda
  • 08 (Ogosto) noqday 02 (Febraayo)

  • FlowFlex, ku dar 4 BILOOD taariikhda "isticmaalka"
  • 08 (Ogosto) noqday 12 (Diisambar)

Si aad u raadiso noocyada kale ee baaritaanka, fadlan tag: bit.ly/FDAselftest.

Macluumaad waxtar leh


Ku xiro/ka wadaag boggeena kingcounty.gov/covid/selftest/somali