Skip to main content

Xaqiiqooyinka Norofeyras

Xaqiiqooyinka Norofeyras

Norovirus facts in Somali

Muxuu yahay?

Norofeyras waa kuwo baddan waana feyraso si aad ah la isku qaadsiiyo kuwaas oo sababa shubban iyo matag. Inkastoo dadka qabba jirada norofeyras ay dareemi karaan jiro aad ah maalmo baddan, jiradu waa mid ay yartahay halisteedu.

Maxay yihiin calaamadaha cudurkaan lagu garto?

  • Calaamaduhu inta baddan waxay si kedis ah u biloowdaan 12 illaa 48 saacadood marka laga joogo marka laga helo norofeyras waxaana kamid ah:
    • Lalabo iyo matag
    • Shubban biyoole ah, oo aanan-dhiig wadan
    • Dhaqdhaqaaq caloosha ah
    • Qandho iyo qarqar
    • Madax xanuun iyo murqo xanuun
  • Inta baddan dadku waxay si buuxda uga reystaan cudurkaan gudaha hal maalin illaa sedex maalmood. Fuuq bax (dheecaan waayid) ayaa dhici karta waxayna natiijadu noqon kartaa isbitaal dhigid.

Sidee ayuu u faafaa?

  • Norofeyras wuxuu jirka uga tagaa tooska saxarada (xaarka) iyo mataga qofka xanuunsan. Wuxuu sifudud ugu faafaa dadka dhexdooda qofba qofka kale. Dadka wuxuu feyraskaan ugu dhici karaa ayaga oo:
    • Cunna cunto ama cabba dareere kuwaas oo kuwasakhoobay norofeyras. Qaadashada cunto xun ayaa haleyn karta cuntada taas oo lacuno ayada oo aan weli karin ama ceyriin ah (ay kujirto soo saarka iyo xayawaanka badda qolofta leh).
    • Taabashada meelaha ama qalabka lagu wasakheeyay norofeyraska iyo gelinta gacmahooda ay geliyaan afkooda ama lawadaagista cuntada ama maacuunta qofkale kaas oo qabba jirada.
    • Dhuuqid feyras lasoo daayey marka qof jiran uu matago.
    • In xiriir kusoo dhowaansho ah lala yeesho qof jiran.
  • Norofeyras wuxuu sababi karaa faafid oo kufaafo xarumaha daryeelka caruurta, meelaha ama dhismooyinka daryeelka muddada-dheer, iskuulada, maraakiibta dalxiiska iyo meelooyin kale oo dad ku kulmaan.
  • Dadka qabba feyraska norofeyras waa dad aad ugu dhow isqaadsiinta cudurka isla wakhtiga ay bilaabaan in ay dareemaan jiro illaa ugu yaraan 3 maalmood kadib marka ay caalamaduhu dhammaadaan.

Sidee norofeyras loo aqoonsadaa loona daaweeyaa?

  • Inta baddan aqoonsashada cudurka waxaa sameeya bixiyaha daryeelka caafimaadka taas oo kudhisan calaamadaha qofka.
  • Baaritaan sheybaarka oo lagu baaro saxarada ama mantaga ee norofeyras ayaa mararka qaar lasameeyaa inta lagu guda jiro fuuq baxa ama faafida.
  • Daaweyntu waxay ka koobantahay cabbida dareere baddan iyo nasasho kufilan. Antibiyootikadu ma ahan kuwo waxtar u leh horjoogsiga feyraskaan norofeyras.

Sidee jeermiska norofeyras looga hortagi karaa?

  • Si wanaagsan ugu dhaq gacmahaada saabuun iyo biyo qandac ah kadib marka aad isticmaasho musqusha, bedesho xafaayada, kahor inta aadan wax cunin, iyo kahor inta aadan cuntadu diyaarin.
  • Dhaq guud ahaanba khudaarta iyo miraha kahor inta aadan cunin kana fogoow in aad cuntid lohoda oo aan bislaanin ama xayawaanada kale ee badda ah qoloftana dusha kaleh.
  • Si dhakhso ah u dhaq oo u nadiifi musqulaha, meelaha wejiga lagu dhaqdo, iyo meelaha kale ee laga yaabo in lagu wasakheeyay mataga ama saxarada (sida miisaska dushooda, dhulka.)
  • Kadib marka aad nadiifiso, kudhaq meesha saabuun iyo biyo, kadibna kunadiifi xalka ah 1/3 koob oo ah warenkeelada guriga oo lagu darey hal qiyaas galoon oo biyo ah. Kudaa dhulka illaa 10 daqiiqo, kadibna kudhaq biyo, kadibna qalaji. Sijaayadaha ama dermaha waxaa lagu nadiifin karaa nadiifiyaha uumiga. Fiiri liiska buuxa ee EPA nadiifinta la ogolaaday ee lidka ku ah norofeyras.
  • Si dhakhso ah u bixi una dhaq dharka ama maryaha hadii ay noqdaan kuwo kuwasakheysan saxaro ama matag. U isticmaal biyo kulul iyo saabuun dhardhaqida.
  • Kafogoow in aad dadka kale u samayso cunto ugu yraan 2 illaa 3 maalmood kadib marka calaamaduhu dhammaadaan.
expand_less