Skip to main content

Hagitaanka COVID-19 ee karantiilka iyo isa-soocista

Hagitaanka COVID-19 ee karantiilka iyo isa-soocista

Ma lagaa helay COVID-19, ma la yeelatay xidhiidh dhow qof qaba COVID-19, ama ma leedahay astaamaha COVID-19? Macluumaadka boggan ayaa kaa caawin doona inaad fahamto haddii aad u baahan tahay inaad is karantiishid iyo tallaabooyinka ay Tahay inaad qaado.

Halkan ka baro wax badan adeegyada karantiilka ee degmada King (Boggaan waa Ingiriis keliyah).

Fadlan akhri qaamuuska ee sharraxaadda ereyada lagu isticmaalay boggaan.

Qaamuus

 Hoos ka dooro gelida si aad u aragto qeexis

Xiriirka dhow waxaa loola jeedaa in qof qaba COVID-19 u jirsato 6 fiit (2 mitir) isku geyn 15 daqiiqo ama ka badan 24-saac gudahood.

Waxaa laguugu tirinayaa inaad la la kulantay COVID-19 haddii aad u jirsato wax ka yar 6 fiit (2 mitir) qof cudurka qaba isku geyn 15 daqiiqo ama ka badan 24-saac gudahood.

Maasku waa inuu si fiican oo habboon u daboola sankaaga iyo gadhkaaga, isago oo aan lahayn dalool ku wareegsan wejiga. Maaskaro dabacsan, oo daldaloolo ku leh wejigaaga ama sankaaga, waxtar uma aha ilaalinta adiga iyo kuwa kaleba.

Xiro maaska tayada ugu fiican leh ee aad heli karto. Maaska tayada sare leh ayaa ku fiican sifaynta fayraska. Tusaalooyinkan, waa sida ay u kala tayo sareeyaan:

  • Maaska N95, KN95, ama maska KF94; ama
  • Maaska qalliinka; ama
  • Maaska marada ah oo leh lakabyo badan oo neefsasho, dhar adag oo tolan.

Isa-soocid macnaheedu waa ka fogaanshaha dhammaan dadka aan qabin COVID-19, xitaa gurigaaga gudihiisa.

Karantiil macnaheedu waa in aad joogtid guriga iyada oo aan cidina ku soo booqan, kana fog dadka gurigaaga ka baxsan. Ha tagin shaqada, dugsiga, ama goobaha bulshada. Haddii ay suurtagal tahay, ka fogow dadka qoyskaaga ka tirsan ee khatarta sare ugu jira COVID-19 (aan la tallaalin, dadka da'da ah, ama kuwa qaba xaalado caafimaad).

Waxaa laguu tixgalinayaa in aad dhamaystirtay tallaaladaada COVID-19 marka aad si buuxda u qaadatid taxanahaaga tallaalka - iyo dhammaan tallaalada kale xoojiyaha ah ee lagu-gula taliyay oo aad xaq u leedahay. Marka aad dhamaystirto tallaaladaada, waxaad heleysaa ilaalinta ugu badan ee la heli karo. Dadka qaar difaaca jidhkoodu daciifka yahay (website Ingiriisi) waxay u baahan doonaan irbado dheeri ah sí ay ula socdaan tallaalka.

Akhri macluumaadkii ugu dambeeyay iyo wararka ka soo baxay CDC (website Ingiriisi ah).

MA tihid qof dhamaystiray marka aad tahay qof:

  • Aan la tallaalin
  • Aan helin irbada labaad ee Pfizer/Moderna, ama
  • Aan helin xoojiye ka dib qaadashada irbada labaad ee Pfizer/Moderna ugu yaraan 5 bilood ka hor ama tallaalka Johnson & Johnson ugu yaraan 2 bilood ka hor

Dadku waxay yeelan karaan hab-dhis difaac oo jilicsan sababo la xidhiidha xaaladaha qaarkood, sida AIDS-ka, kansarka, iyo sokorowga, ama dawooyinka iyo daawaynta qaarkood, sida kiimoterabiga. Dadka habdhiska difaaca jidhkoodu daciifka yahay waxa laga yaabaa inay aad ugu xanuunsadaan COVID-19.


Maxaa sameynaysaa haddii…

  • Xiro maaskaro tayo sare leh muddo 10 maalmood ah oo is baar maalinta 5. Waa muhiim in la isbaaro maalinta 5 haddii ay suurtagal tahay.
  • Iska sooc dadka kale haddii aad jiran tahay oo aad ka shakisan tahay inaad qabto COVID-19 laakiin aadan weli helin natiijooyinka baaritaanka.
  • Haddii lagaa waayo COVID, uma baahnid inaad is karantiisho oo waad ka bixi kartaa gurigaaga.
  • Haddii lagaa helo COVID-19, haddii aad buuxisay tallaalladaada iyo haddii kale, waa inaad iska soocdo dadka kale oo aad raacdaa hagida CDC ee ku saabsan is karantiilk.
  • Xiro maaskaro tayo sare leh, oo si fiican u daboolan marka aad la joogtid dadka kale muddo 10 maalmood ah ka dib soo-qaadista caabuqa, ka fogow dadka kale, ka fogow meelaha dadku ku badan yahay kana fogow dadka khatarta sare ugu jira qaadista COVID-19.
  • Haddii aad buuxisay tallaalladaada, iyo haddii kale, qof kasta oo laga helo cudurka waa inuu iska Soocaa dadka kale ee gurigiisa jooga ugu yaraan 5 maalmood. Maalinta 1 waa maalinta ugu horreysa oo buuxda ka dib marka ay calaamadahaagu soo baxaan ama maalinta aad hesho natiijada baaritaanka. Is karantiilka 10 maalmood waa ikhtiyaarka ugu badbaado badan maadaama ay weli suurtagal tahay in la faafiyo COVID-19 ka dib maalinta 5 (in kasta oo aadan u faafin doonin sida marka hore ee lagaa helo cudurka).
  • 5 maalmood ka dib, haddii aadan qandho lahayn muddo 24 saacadood adigoon isticmaalin daawo, oo aadan lahayn calaamado ama calaamaduhu kaa baxayaan, ama haddii aadan waligaa isku arkin wax calaamado ah, waxaad ka bixi kartaa gurigaaga. HA ka bixin gurigaaga haddii aad weli qandho qabto. Waa inaad sii wadaa xidhashada maaskaro tayo sare leh oo si fiican u daboolan marka aad la joogtid dadka kale muddo 5 maalmood oo dheeraad ah (waddar dhan 10 maalmood.) Marka aad soo dhameyso karantiilka waa inaad weli iska ilaalisaa inaad ka ag dhawaato dadka ay u badan tahay inay aad ugu xanuunsadaan COVID-19 ilaa ugu yaraan maalinta 11.
  • Khiyaar: Haddii aad awood u leedahay shaybaar (istijaabin) oo aad rabto inaad isbaarto taxadar dheer aawadiis, waa inaad isbaartaa dhamaadka 5-ta maalmood ee xilliga karantiilka adoo isticmaalaya tijaabada antigen-ka degdega ah haddii ay suurtagal tahay. Haddii baaritaankaagu uu yahay mid togan (lagaa helay), waa inaad sii waddaa is go'doominta 5 kale oo maalmood (guud ahaan 10). haddii nadiijada tijaabadaadu ay tahay mid taban (laga waayey). Waa awoodaa inaad ku soo laabato shaqada oo waa inaad sii wadaa xidhashada maaskaro sida ugu habboon markaad dadka kale la joogto.
  • Haddii calaamadahaagu ay sii dhaafaan 5 maalmood, sii wad karantiilka ilaa calaamadahaagu ka soo roonaadaan oo aadan laheyn qandho.
  • Haddii aad qabto (gaabin neefsasho oo dhexdhexaad ah ama neefsashadu kugu adkaato) ama jirro daran (oo aad cusbitaal ku jirtay), Is karantiil ilaa maalinta 10. Haddii aad qabto jirro daran ama habdhiska difaaca jirka daciif yahay, la tasho dhakhtarkaaga ka hor inta aadan bilaabin karantiilka.

Kuma talino baaritaan kadib 10 beri, laakiin hadaad isbaarto oo uu cudur sheego, qaabka ugu ammaanka badan waa inaad sii wado is-gooni-yeelidda illaa baaritaankaaga wax laga waayo. Waxaa fiican baaritaanka in lagu celiyo 48 saac gudahooda si natiijo been ah meesha looga saaro.

Haddii aadan awoodin in aad sii wado iskarantiilka, hubi inaad xirato af-xir tayo sare leh, sii wad ka fogaanshaha dadka kale markaa kartid, kana fogow waqti ku qaadashada meel hawo xiran oo dad kale lala joogo. Hadaad walaacyo ka qabtid muddada aad cudurka iska helayso, la xiriir dhaqtarkaaga caafimaad.

  • Uma baahnid inaad gasho karantiil ama guriga joogtid ilaa aad isku aragto calaamado.
  • La soco calaamadaha ilaa 10 maalmood kadib markaad xiriir dhow la yeelatay qof qaba COVID-19.
  • Haddii aad isku aragto calaamado isla markiiba gooni isu-sooc oo is baar. Sii wad joogista guriga ilaa aad ka ogaanayso natiijada. Ku Xiro maaskaro si fiican kuu le’eg hareeraha dadka kale.
  • Xiro maaskaro si fiican kuu le’eg 10 maalmood oo buuxda mar kasta oo aad la joogto dadka kale gudaha gurigaaga ama meel fagaare ah. Ha tagin meelaha aadan awoodin inaad xirato maaskaro.
  • Iska ilaali inaad isku qol waqti kula qaadato qofkaas ilaa 10 maalmood ka dib marka astaamihiisa bilaabmeen.
  • Marka aad labadiinuba isku qol ku jirtaan, ka dhig waqti yar, ka fogow qofka 6 fiit (2 mitir), waana inaad labadiinuba xirataan maaskaro.
  • Gacmaha si joogta ah u dhaq.
  • Iska baar COVID-19. Haddii lagaa helo cudurka, raac tilmaamahaWaaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington.
  • Fiiro u yeelo calaamado. Haddii aad isku aragto wax calaamado ah, isla markiiba gal karantiil oo is baar.
  • Raac hagida karantiilka lagu xusay "Waxaan xiriir dhow la yeeshay qof qaba COVID-19".

Haddii lagaa helo cudurka adoo ku jira muddada karantiilka, waxaad u baahan doontaa inaad bilawdo xilli karantiil cusub:

  • Gal karantiil muddo 5 maalmood ah. (Maalinta 1 waa maalinta ugu horeysa ee buuxda ka dib markii calaamadahaagu soo baxaan ama aad hesho natiijada baaristaada.)
  • 5 maalmood ka dib, haddii aadan lahayn astaamo ama calaamaduhu kaa tagayaan, waxaad ka bixi kartaa gurigaaga. HA ka bixin gurigaaga haddii aad weli qandho qabto. Sii wad inaad ku xirato maaskaro tayo sare leh, oo si fiican kuu le’eg hareeraha dadka kale 5 maalmood oo dheeraad ah (tootal ahaan 10 maalmood).
  • Ka dib marka aad dhammayso karantiilka, haddii calaamadaha COVID-19 ay ka sii daraan, dib u biloow karantiilka maalinta 0. La hadal bixiye daryeel caafimaad haddii aad wax su'aalo ah ka qabto calaamadahaaga ama goorta aad joojinayso karantiilka.

Xarumaha karantiilku waxay diyaar u yihiin inay bixiyaan meel ammaan ah, nadiif ah, oo raaxo leh oo ay joogi karaan dadka aan si badbaado leh isu karantiili karin ama aan isku karantiili karin gurigooda, ama aan haysan guri. Goobahaani waa bilaash cid walbana waa u sir, joogitaankaadana lalama wadaagi doono maamul ka baxsan waaxda Caafimaadka Dadweynaha.

Codsiyada gooni-isyeelka iyo karantiilka, kala xiriir 206-848-0710 Barnaamijka Karantiilka iyo Gooni-isyeelka COVID-19 oo Socda ee King County. Shaqaalaha waxay diyaar u yihiin in ay qabtaan wicitaankaaga 7-da bari ee isbuuca laga bilaabo 8 a.m. ilaa 6:30 p.m. Turjumaad waa diyaar, sheeg afkaaga iyo foon lambarkaaga markii lagaa qabto.

Halkan ka baro wax badan adeegyada karantiilka ee degmada King (Boggaan waa Ingiriis keliyah).


Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka

Haddii aad tahay xirfadle bixiya daryeel caafimaad oo u maleynaya ama og inuu qaaday COVID-19, waa inaad ogeysiisaa qofka aad u shaqeysid ka dibna raac isla talooyinka kor ku xusan si aad u ogaato marka aad dib u bilaabi karto la joogitaanka dadka kale ee ka baxsan goobta shaqada. Marka aad shaqada ku soo laaban karto waxay ku xiran tahay arrimo iyo xaalado kala duwan—waydii cidda aad u shaqayso hagid.

Wixii macluumaad ku saabsan goorta aad shaqada ku noqon karto, eeg: Shuruudaha Kusoo Soo Laabashada Shaqada ee Shaqaalaha Daryeelka Caafimaadka bixiya ee qaba caabuqa SARS-CoV-2 (Hagaha Ku-meel-gaarka ah ee CDC) (Bogga waa Ingiriis kaliya).


Amarka iyo Wareegtada Sargaalka Caafimaadka Deegaanka

Laga bilaabo Maarso 28, 2020, shakhsiyaadka laga helay COVID-19 ama muujinaya calaamadaha COVID-19 oo leh natiijadii baaritaanka oo la sugayo waa inay ku jiraan karantiil si looga hortago faafitaan dheeraad ah, sida kor lagu sharaxay. Shakhsiyaadka u hoggaansami waaya waxa laga yaabaa in la xiro xiris aan ikhtiyaar ahayn sida waafaqsan maamulka caafimaadka dadweynaha ee hoos yimaada RCW 70.05.070 (2)-(3) iyo WAC 246-100-036 (3) (bogag ku qoran Ingiriis kaliya).


Wixii macluumaad dheeri ah,  Faahfaahin dheeraad a, ka eeg amarka oo dhammaystiran, oo ay ku jiraan sharuudaha karantiilka.


Xiriirinta La Xiriira

Codsiyada gooni-isyeelka iyo karantiilka, kala xiriir 206-848-0710 Barnaamijka Karantiilka iyo Gooni-isyeelka COVID-19 oo Socda ee King County. Shaqaalaha waxay diyaar u yihiin in ay qabtaan wicitaankaaga 7-da bari ee isbuuca laga bilaabo 8 a.m. ilaa 6:30 p.m. Turjumaad waa diyaar, sheeg afkaaga iyo foon lambarkaaga markii lagaa qabto.


Link/share our site at kingcounty.gov/covid/quarantine/somali

expand_less