Skip to main content

Guud marka Miisaaniyadda King County ee 2021-2022

Guud marka Miisaaniyadda King County ee 2021-2022

King County wuxuu siiya adeegyada muhiimka ah e gobolka iyo deegaanka malayiin qof, oo leh miisaniyad labo-sano oo gaaraysa $12.4 bilyan, 15,000 shaaqaale, iyo in ka badan 60 adeeg oo kala duwan.

Dulmarka

King County wuxuu wajahaya hoose u dhac miisaniyad oo aan horay loo arkin 2021-2022. Cudurka safmarka ah ee COVID-19 wuxuu sababay hoose u dhac dhaqaale oo ku yimaaday dakhliga iibka canshuuraha, wuxuuna abuuray baahida badan ee dhaqaalaha, oo ay ku jirto Metro Transit, Lacagta Guud, iyo Xanuunka Dhimkirka iyo Ku tiirsanaanta Lacagta.

Miisaniyada 2021-2022 ee la soo jeediyay waxay xooga saaraysaa isku dheelitirka miisaniyadda inta laga joogteynayo adeegyada muhiimka ah ee dadka deegaanka, sii wadista hormarka mudnaanta muhiimka sida, deegaanka, iyo hormarinta anjadaha ka hortaga ka dhan ah cunsuriyadda, oo ay ku jirto kasbashada iyo ku lugyeelashada micnaha leh ee bulshada. Tani waxaa lagu gaaray:

  • Qarashka iyo dhimista adeega haya’adaha Lacagta Guud iyo adeegyada gudaha
  • U isticmaalida lacagta kaydka si taxadar leh, taasoo Ismaamulku (County) u dhisayay toban sano ee la soo dhaafay.
  • Dakhli cusub, waxaa ka mid ah bixinta lacagta kirada ee isticmaalka qaabka saxda ee adeega shatiga ee shirkadda aan ku dhisaneyn sharciga ee ku talla King County.
  • Maalgashiga qaabab cusub ee ku jira nidaamka sharciga dambiga kaas oo ogolaanaya nidaamka iibinta ee mustaqbalka.
  • Maareynta waxtar leh ee ilaha bani’aadanka, waxaa ka mid ah isticmaalka Barnaamijka Kala Saarida ee Iska wax u qabso, si loo yareeyo shaqo ka joojinta inta la awoodo.

200917_10279w_KC_revenue-som

200917_10279w_KC_expend-som

200917_10279w_KC_taxable_sales-som

Dulmarka Miisaniyadda

Miisaniyadda La soo jeediyay ee 2021-2022 waxaa ku jira maalgashiyada bilaabaya inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka cunsuriyada, oo ay ku jirto:

  • Dib u saxida nidaamka sharciga dambiga
  • Soo saarida iyo hergelinta qaabab kale ee badqabka dadweynaha.
  • Isla-abuurida xal u helida bulshada
  • Taageerida waaritaanka mudad-fog ee ururada ku saleysan bulshada.
  • Taageerida waaritaanka mudad-fog ee ururada ku saleysan bulshada.

Dadaaladdan waxay qeyb ka yihiin istarajiyadda mudad-dheer taas oo lahaan doonaa —wareegyada badan ee miisaniyadda—dib u qeybinta ilaha jawaabha dururkahoose ilaa barnaamijka durdurka kore taas oo sii wadi doonta in Ismaamulku (County) diirada saaro nidaamka cadaaladda dambiyada ee mid ka ah cunsuriyadda iyo caddaaladda bulshada.

Isbeddelka cimiladda waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee xaga deegaanka iyo dhibaatooyinka dhaqaale jiilkeena. Miisaniyadda La soo jeediyay ee 2021-2022 wuxuu qaadaya tallabooyin dhowraya iyo soo celinaya deegaankeena dabiiciga ah, ka caawinaya dadka deegaanka iyo la qabsiga ganacsiga oo keena dhaqaalaha tamarta nadiifka ah ee loo siman yahay. Mudnaanta siin Deegaanka King County waxaa ka mid ah:

  • Gaarista tayada biyo caafimaad qab ah iyo deegaan.
  • Ilaalinta, abuurista, iyo dayactirka meelaha cagaaran ee loo siman yahay iyo nidaamka dabiiciga ah adkeysta.
  • Abuurista dhaqaale leh tamar nadiif ah oo leh wadiiqooyin shaqo oo taariikh ahaanloogu talagalay bulshooyinka takooran iyo kala guurista deegaankeena u dhisan mustaqbal ku haboon cimilada.
  • Dedejinta isbeddelka maareynta qashinka ee dhanka qashinka ilaha ebar qashin (zero waste).

Dhulka buuraleyda ee ku shaqeyo Metro Transit ayaa si xawli ah isu beddeshay markii cudurka COVID-19 uu sababay hoose udhaca weyne ee dhaqaalaha iyo raacista. Miisaniyadda La soo jeediyay ee 2021-2022 ee Metro wuxuu xooga saaraya soo celinta iyo dib ubdhiska nidaamka isu socodka.

  • Hubinta helida isu socodka ee muhiimka ah u shaqaalaha iyo dadka ku tiirsan raacista inta lagu jiro cudurka COVID-19 iyo hargelinta istarajiyadda soo kabashada maadama ay raacayashu bilaabayaan inay ku noqdaan gaadiidka.
  • Sii wadista maalgelinta 100 boqolka zero-emission.
  • La shaqeynta bulashada su loo qiyaaso moodalo cusub loogu talagalay fulinta iyo xareynta.
  • Soo saarida qiimaha barnaamijka sanadlaha ah ee pass.
  • Di u dhigista kordhinta baabur raaca iyo saameyntooda ay ku yeelanayso raacista iyo raacayaasha ilaaa 2023.
  • Cusbooneysiinta xeerarka waafaqsan ee leh Qaab-shaqo ee Isu-socodka.

Dhisida carashada laga bartay COVID-19 ee looga jawaabayo guri la’aanta, Miisaniyadda La soo jeediyay ee 2021-2022 waxay qaadaysaa tallaabooyinka cad si wax looga qabto guri la’aanta.

  • Sameeynta saameynta mudada-gaban iyo dheer ee ku yeelanayso guri la’aanta.
  • Kordhinta helida guri.
  • Dedejinta horarminta guri la awoodi karo.
  • Hormarinta isku xirka ka jawaabista dhibaatooyinka guri la’aanta iyada oo la sii wado hergelinta Maamulka cusub ee Guri La’aanta Gobolka King County.

Adeegyada Caafimaadka Habdhaanka ayaa aad loogu baahan yahay, gaar ahaan marka loo eego saameynta dareenka iyo caafimaadka ee COVID-19. Waqti xaadirkaan, King County wuxuu wajahaya dhibaatooyinka dhaqaale ee loogu talagalay adeegyada caafimaadka hab-dhaqanka sababtoo ah hoose u dhacaya ku yimid dakhliga soo gala gobolka iyo korhdinta qarashka gaar ahaan kuwa la xiriira Xeerka Daaweynta Qasabka aheyn ee Maxkamadda. 2021-2022, King County ma heli karo dhaqaale lagu bixiyo barnaamijyada badan ee lagu dejinayo macaamiisha aan-laheyn Medicaid iyo dhimista saamaynta nidaamka dhibaatada qarashka badan. Maqnanshaha kale ee isha maagelinta ama tallaabada sharciga gobolka, waxay aad hoose uga dhigaysa baraamijyada an Medicaid aysan maagelinin waxayna noqon doontaa lagama marmaan bilowga 2022. Fulinta Constantine waxay soo jeedinaya ilo dakhli oo cusub si wax looga qabto baahida sidoo kalna waxay sii siinaya lacagaha joogtada ah ee taageerada guriyenta, taas oo ku jirta gurieynta leh adeegyada ay baahanyihiin shaqsiyaadka ku nool halkaas.

Dadaalo lagu yareeynayo qarashka inta lagu dhowrayo adeegyada iyo shaqooyinka, Fulinta Constantine waxay soo jeedinaysa in la xoojiyo boosaska xafiiska magaaladda hoose in lagu daro miisaaniyadda 2021-2022, oo ay ku jirto Xirista Maamulka Dhismaha iyo tiro ah adeegyada wajiga macmiilka oo ku wada yaala King Street Center.

Xoojinta raadka King County ee yalla dhowrka dhismood waa:

  • Qarash bilka oo yar, dayactirka dhismaha, iyo qarashka kirada.
  • Uga dhig fudud dadka deegaanka inay helaan Ismaamulku adeegyada kala duwan.
  • Yareynta raadka karbonta
  • Taageeraida rabitaanka shaqale badan si loo si wado teleworking cudurka safmarka ah ka dib.

King County waa bixiyaha adeega deegaanka ilaa qiyaas ahaan 250,000 qof oo ku nool aagagga aan sharciyesnayn. Waaxda Adeegyada Degaanka, oo ay ku jiraan haya’adaha kale ee Ismaamulku, waxay mudnaanta siinaysa tallada-bulshada is wada looga qeybgalinayo nidaamka ballarinta ka qeybgalista bulshada iyo go’aan sameeyn si kor loogu adeegyada, barnaamijyada iyo xaruumaha uu bixiyo Ismaamulka.

Maalgelinta Muhiimka ee la soo jeediyay ee 2021-2022 waxaa ka mid ah:

  • Ka soo wareejinta lacagaha canshuurta iibinta tafaariiqada ah ee xashiiska miisaniyada Sherrif si loo xaqiijiyo in laga helo canshuur badan iibinta tafaariiqda xashiiska dib loogu maalgeliyo bulshooyinka halka ay ku yallaan dukaamada.
  • Labo mashruuc oo cusub oo waaweyn si looga taageero baahiyaha bulshada iyada oo loo marayo nidaamka ka qeybgalista miisaniyadda, oo ay ku jiraan sahaminta ikhtiyaarada xarunta bulshada ee Skyway.
  • Sii wadista maalgelinta meelaha u baahan taageerada Barnaamijka Green Building si kor loogu qaado waxtarka dhismaha, yareynta isticmaalka biaha, iyo yareynta dhisida qashinka.
  • In ka badan lacag $20 milyan oo loogu talagalay ilaalinta booska furan.

Xitaa ka hor Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & King County waxay dejiyeen xarunta tallaabada degdeg ah si looga jawaabo dilaaca COVID-19 bishii janaayo 2020, King County wuxuu isugu diyaarinaya cudurka safmarka. Bilaha soo scoda, King County wuxuu qaadaya tallaabooyin aan horey loo arkin si loo abaabulo jawaabta gobolka si loola dagaalo cudurka. Si kastaba ahaatee, iyada oo aan la laheyn lacagta gobolka ama federaalka, inta badan barnaamijan waxay dhammaan doonaan horaanta 2021.

Ujeedada iyo ka qaybgalista bulshada macnaha leh iyo wada-abuurista ayaa aasaas u ah guusha King County inay noqoto sinaan, ku noolaanshaha qiimaheeda keena caddaaladda cunsuriyadda, iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto cunsuriyada sida dhibaatooyinka caafimaadka dadweynaha oo kale. Miisaniyadda La soo jeediyay 2021-2022 waxay ka dhigaysaa maalgelinta isbeddelo qaabka Ismaamuka uu ugala shaqeynayo bulshada ka taageerista isla-abuurta iyo guusha mudada-dhgeer ururada ku saleysan bulshada.

Sanduuqa Guud

Sanduuqa Guud ee King County waxay taageertaa shaqooyinka caadiga ah ee dawlad goboleed, kuwaas oo inta badan ee uuga baahan yahay sharciga gobolka. Bishii June 2020, Sanuuqada Guud (General Fund) wuxuu lahaa mashruuca baahi ah $150 milyan oo doolar oo loogu talagalay 2021-2022. Shaxdaan ayaa muujinaysa sida Miissaniyadda Sanuuqada Guud la isku dheelitiray.

200917_10279w_KC_GF_revenue-som

200917_10279w_KC_GF_expend-somx

200917_10279w_KC_balancing_GF-som

expand_less