Skip to main content

Lynnwood Link Connections Boards (Somali) - About Metro

Lynnwood Link Connections Boards

Mobility Board

Metro ayaa dalbeysa Lynnwood Link Connections Mobility Board oo si siman u matala kooxaha dadka taariikh ahaan laga reebay wadahadalada go'aan gaarista la xiriira gaadiidka iyo kuwa ay si aan habbooneyn usaameysay go'aanadaan. Doorka koobaad ee Mobility Board waa in wada shaqeyn la yeelato shaqaalaha Metro si loo horumariyo loona nadiifiyo shabkad gaadiid oo isku xiran oo gobolka ah oo ku taala Waqooyi-galbeed ee King County.

Xubnaha Mobility Board waxaa kamid ah:

  • Dadka Madow, kuwa Asalki hore ah, iyo Dadka aan caddaanka ahayn; dadka jismi ahaan iyo/ama garaad ahaan naafada ah; dadka leh dakhliga hoose amaba aan lahayn; dadka ay soofood saartay hoy la'aanta ama haysan guri la isku halleyn karo; soogalootiga iyo/ama qaxootiga; iyo dadka luuqad ahaan kala duwan.
  • Rakaabkaas gaadiidka iyo rakaabka gaadiidka suurtagalka ah kuwaas oo ku nool, ka shaqeeya, ama kusafra gudaha bulshooyinka ay saameynta soo gaartay: Waqooyiga Seattle, Shoreline, Lake Forest Park, Kenmore, Bothell, iyo Mountlake Terrace.
  • Kuwa keena aragtidooda shakhsi ahaaneed, oo aan matalin danaha koox weyn ama urur.
  • Kuwa keeni kara xiriir udhexeeyo sinnaanta jinsiyada midabka, arrimaha gaadiidka, iyo helitaanka fursadaha.

Metro ayaa dooneysa inay isugu yeerto Mobility Board oo si siman u matala kooxaha dadka taariikh ahaan laga reebay wadahadalada go'aan gaarista la xiriira gaadiidka iyo kuwa ay si aan habbooneyn usaameysay go'aanadaan. Kooxahaan dadka ah waxaa kamid ah Dadka Madow, kuwa Asalki hore ah, iyo Dadka aan caddaanka ahayn; dadka jismi ahaan iyo/ama garaad ahaan naafada ah; dadka leh dakhliga hoose amaba aan lahayn; dadka ay soo food saartay hoy la'aanta ama haysan guri la isku halleyn karo; soogalootiga iyo/ama qaxootiga; iyo dadka luuqad ahaan kala duwan. Waxaan aqoonsanahay in dadku ay yeelan karaan aqoonsiyo badan oo ay kala kulmaan mudnaansiin gaar ah iyo dulmi labadaba, waxaana ku boorrineynaa dadka isku arka inay kasoo jeedaan kooxo badan oo dadka la xaqiray ah inay soo codsadaan si ay ugu adeegaan Lynnwood Link Connections Mobility Board.

Partner Review Board

Marka laga soo tago hawlgelinta gaarka ah ee ay la leedahay iskaashatada mashruuca iyo saamileyda, Metro waxa ay iskugu yeereysaa koox si ay ugu adeegaan sidii guddi dib-u-eegis fikradeed ahaan oo ah saamileyda dibadda ah. Doorka koobaad ee Partner Review Board waa inay dib-u-eegis ku sameeyaan oo ayna ka bixiyaan faallo fikradaha adeegga ee ay sameeyeen Lynnwood Link Connections Partner Review Boardiyo Metro iyo sidoo kale bixinta hagitaan ku saabsan labada fursadood ee hawlgelinta iyo hirgelinta qorshayaasha kuwaas oo ugu danbeynti keeni doona in si guul leh loola qabsado loona hirgeliyo isbadelka adeegyada.

Guddiga waxaa kamid ah wakiilo kasocdo maamullada sharciga iyo machadyada waaweyn ee kujira aagga mashruuca, hogaamiyayaasha ururada bulshada, iyo wakiilo kasocdo iskaashatada hay'adaha gaadiidka.


Translation disclaimer

expand_less a