Skip to main content

Lynnwood Link Connections (Somali) - Programs & Projects

Lynnwood Link Connections

Iyada oo Link light rail uu gaarayo Lynnwood, mashruuca isku socodka ee Lynnwood Link Connections ayaa wax kaqaban doona baahiyaha isbadelaya ee gaadiidka waxa uuna wanaajin doonaa xulashooyinka dookhyada isku socodka ee bulshooyinka ku dhaqan Waqooyi-galbeed ee King County iyo Koonfur-galbeed ee Snohomish County. Metro waxa ay la kaashaneysaa Sound Transit (Af Ingiriis) iyo Community Transit (Af Ingiriis), oo ay kujiraan la hawl galayaasha kale, si ay isugu dubbaridaan wadooyinka basaska iyadoo lagu saleynayo jawaabcelinta ka timaada bulshooyinka.

Dulmarka guud ee mashruuca

Sanadka 2024 iyo 2026, Sound Transit waxa ay ballaarin doonaan Link light rail si loogu daro afar boosteejo oo cusub oo ku kala yaalla Seattle, Shoreline, Mountlake Terrace, iyo Lynnwood. Marka laga soo tago boosteejooyinka tareenka fudud ee cusub, Sound Transit waxaa laga yaabaa inay badasho route ST 522 Express si la isu waafajiyo adeegga la qorsheeyey ee Bus Rapid Transit oo u dhexeeya Bothell iyo Shoreline billoowga 2025.

Si la iskugu diyaariyo u ballaarinta adeegga Link light rail ilaa Lynnwood Transit Center iyo isbaddelka suurtagalka ah ee adeegga ST 522 Express, si looga jawaabo baahiyaha isku socodka ee isbedbedelaya, loona hagaajiyo helitaanka isku socodka bulshooyinka taariikh ahaan la xaqiro, Metro waxa ay ka bilaabeysaa mashruuca isku socodka waqooyiga King County, guud ahaana u adeegaya bulshooyinka ku dhaqan North Seattle, Shoreline, Lake Forest Park, Kenmore, Bothell, iyo Mountlake Terrace. Mashruucani ayaa keeni doona shabakad isku socod oo la cusbooneysiiyey taas oo isku xireysa Sound Transit Link light rail oona isku dareysa adeegyada Sound Transit iyo Community Transit. Mashruuca waxaa lagu fulinayaa iskaashi kadhexeeya Sound Transit, Seattle Department of Transportation (SDOT, Waaxda Gaadiidka ee Seattle), City of Shoreline, Community Transit, iyo la hawl-galayaasha kale.

Hiigsiyada mashruuca

Iyadoo loo maraayo mashruuca Lynnwood Link Connections, Metro ayaa dooneysa inay:

  1. Hagaajiso isku socodka bulshooyinka mudnaanta leh (sida ku qeexan Mobility Framework - Af Ingiriis), kuwaas oo qeyb muhiim ka ah saldhiga macaamiisheena hadda jirta iyo kuwa suurtagalka ah.
  2. Si sinaan leh ugu wargaliso, ula shaqeyso, una awoodsiiso macaamiisha hadda jirta iyo kuwa suurtagalka ah oo kusafraaya aaga mashruucu kashaqaynaayo.
  3. Bixiso adeeg isku dhafan kaasoo kajawaabaya balaarinta Link, isbeddelada kajira shabakada gaadiidka iyo baahiyaha bulshada.
  4. Wanaajiso waxtarka, wax ku oolnimada, waaritaanka deegaanka ee nidaamka gaadiidka.

Dib-u-eegista Saamaynta sinnaanta

Mashruuca Lynnwood Link Connections waxaa kujiri doona daraasada Equity Impact Review (EIR, Dib-u-eegista Saamaynta Sinnaanta) si loo xaqiijiyo in isbadellada wadooyinka ee lasoo jeediyey ay kor u qaadi doonaan isku socodka iyo helitaanka gaadiidka ee bulshooyinka muhiimada la siinaayo ee ku dhaqan King County. Waji kasta oo kamid ah hannaanka qorsheynta, Metro waxa ay dib u eegi doontaa xogta farsamada iyo natiijooyinka kayimaada hawlgelinta bulshooyinka mudnaanta leh si loo fahmo saameynta la filayo ee ku aadan bulshooyinka la xaqiro laguna wargeliyo qorshaha go'aanada. K aqaybgalka bulshada iyo gunaanadyada EIR ayaa la wadaagi doonaa kaddib ka qaybgalka Wajiga 3aad ayada oo la raacayo Hanaanka iyo Wakhtiga qaybta hoose ku qoran.

Xogta wadada

Waddooyinkan soo socda waxaa loo sahmin doonaa beddello suurtagal ah oo qeyb ka ah Mashruuca Lynnwood Link Connections.

Wadooyinka Metro: 5, 16X, 20, 28, 45, 64, 65, 67, 73, 75, 301, 302, 303, 304, 320, 322, 330, 331, 345, 346, 347, 348, 372

Wadada Sound Transit Express: 522

Khariiradaha

Ahmiyadda Isku Socodka

Wajiga koobaad 1, waxaan fikir toos ah ka helnay xog aruurinnada, Community Based Organizations (CBOS, wada hadallada iyo ururada bulshada u adeegga), iyo fikrado aan ka helnay Partner Review iyo Mobility Boards. Waxaan eegnay fikradaha la dhiibtay, waxaan helnay fikrado guud waxaana soo koobnay ka muhiimadood ee soo socda ee loo adeegsaday in lagu abuuro marinnada cusub ee basaska.

Waxaan abuuraynaa wadooyinka cusub iyo kuwa la hagaajiyay ee isku xira bari-galbeed.

Waxay baxshaan gaadiid tagaaya/kana imaanaaya xarumaha muhiimka ah, ee bulshada ku salaysan halkaasoo bulshada muhiimada la saraayo joogaan, iyo goobaha leh qorsheyaasha hormarinta guryaha oo badan leh sanadka 2026.

Wanaajinta adeegga gaadiidka habaynkii ee u adeegaaya xarumaha muhiimka ah.

Waxaa la dayactirayaa lana wanaajinaya tirade socdaalka marinnada lagu tago/looga yimaado goobaha waawayn iyo/ama marinnada socdaalka gaadiidka badan maro (RapidRide, Link, Route 522 BRT, iwm.)

Adeegga gaadiidka habaynkii ee u adeegaaya xarumaha muhiimka ah.

Waxay xaqiijinaysaa in kala wareega gaadiidku yahay kuwo raaxo leh, la heli karo, lana isku halayn karo una fudud dhammaan dadka rakaabka ah, gaar ahaanna bulshada muhiimada la saaraayo.

Soo jeedinnada Wadada

Metro waxay soo bandhigaysaa soo jeedinnada kama danbaysta ah ee waqooyi galbeed King County iyo qayb kamid ah koonfurta Snohomish County. Fikirkaaga ayaa naga caawinaaya inaan soo gaba-gabayno khadka baska, kaas oo furmaaya isla marka la furayo balaarinta wadada tareenka ee Link ee gaaraaya Lynnwood bilowga sanadka 2024.

Lynnwood Link Connections – Soo Jeedinta Adeegga Wajiga 3–aad

Fur PDF–ka khariiradda

Qeexitaannada Degdegga ah

  • Aagga Muhiimadda Sinnaanta: Meelaha ay ku sugan yihiin qaybo badan oo ka mid ah dadka mudnaanta la siinaayo.
  • Inta jeer: Tirada daqiiqadaha u dhexeeya safarada baska.
  • Adeegga joogtada ah: Heerarka adeegga baska ee loo mudeeyay inay socdaan ku dhawaad 15 daqiiqo kasta ama ka fiican laga bilaabo 6 a.m. ilaa 7 p.m. maalmaha Arbacada, iyo 30 daqiiqo kasta ama ka fiican ee fiidadka iyo maalmaha dhamaadka asbuuca. 
  • Metro Flex: Adeegga gaadiidka oo dalab badan leh kaas oo iskaga kala goosha xaafadaha kaladuwan ee King County. Dadka rakaabka ah ayaa mudeysan kara safarada ayagoo adeegsanaaya abka taleefanka ee Metro Flex ama ayagoo wacaaya laynka boos qabsashada.
  • Adeegga xiliyada shaqadu badan tahay keliya: Adeegga gaadiidka oo shaqeeya inta lagu jiro xiliyada safarka aadka u badan yahay (laga bilaabo 6:00 ilaa 9:00 am iyo laga bilaabo 3:00 ilaa 7:00 pm maalmaha dhamaadka asbuuca).
  • Bulshooyinka Muhiimada la saaraayo: Dadka Madowga ah, Asalka ah, iyo kuwa aan cadaanka ahayn; kuwaas oo leh dakhli hoose ama aan dakhli lahayn; ah soo-galooti ama qaxooti; naafo ah; ama luqad ahaan kala duwan.

Wajiga 2–aad, Metro ayaa heshay fikrado ku aadan wadada iyo sida ay u xalinayaan baahiyaha isku socodka ee muhiimada la siinaayo. Metro ayaa abuurtay liiska meelaha ugu muhiimsan ee Wajiga 2–aad kuwaas oo adeegsaday fikradaha laga helay xog uruurinta dadwaynaha, ururada bulshada, kulannada kooxaha diirada, iskuxirka tooska ah, kulannada oonlaynka ah iyo kuwa tooska loo tagaayo ee bulshada iyo fikradaha laga uruurshay magaalooyinka iyo ururada iskaashiga nala leh.

Metro ayaa la shaqeysay Mobility Board (Gudiga Isku socodka) ee bulshada ku salaysan iyo Partner Review Board (Gudiga Dib u eegista Iskaashatada) ee dhinacyada banaan ee xiiseynaaya si cabirada muhiimada loo siiyo (laga bilaabo kan ugu hooseeya ilaa kan ugu muhiimsan) aaga ciladaha waawayn ka jiraan ee la aqoonsaday intii fikir uruurinta la waday. Kala horeysiinta ayaa ka caawisay Metro inay diirada saarto marka hore dhinacyada baahida ugu badan qaba. Hannaankan kala horeysiinta ah ayaa lagu abuuray ayadoo la adeegsanaayo fikradaha bulshada, sinaanta, iyo farsamooyinka ugu fiican ee naqshada nidaamka gaadiidka.

Xog dheeraad ah oo ku saabsan dhinacyada arimaha muhiimka ah ee la aqoonsaday intii lagu jiray fikir uruurinta Wajiga 2–aad ayaa ku jira Guudmarka Fikrad Uruurinta Wajiga 2–aad.

Markii ay samaynaysay soo jeedinta Wajiga 3, Metro ayaa diirada saartay xal u helida baahiyaha bulshadu aqoonsatay waxayna meeshoodii u daysay adeegga helay fikradaha taageerada ah intii lagu jiray Wajiga 2–aad. Mobility Board iyo Partner Review Board ayaa fikrado dheeri ah ka bixiyey sida kor loogu qaadi karo loona soo gabo–gabayn karo soo jeedinta Wajiga 3–aad.

Qodobada ugu muhiimsan soo jeedinta Wajiga 3–aad waxaa ku jira waxyaabaha soo socda.

  • Tareenka Link light ayaa keeni doona adeeg aad ugu soo noqnoqda waqooyi–koonfur kaasoo u ogolaanaya adeega baska ee bari-galbeed oo badan kaso hada aan jirin.
  • Abuurista xiriirrada cusub ee dib loo eegay ee bari–galbeed ee dhammaan aagga mashruuca.
  • Joogteynta ama hagaajinta marin ku habboon Meelaha Mudnaanta Sinnaanta leh iyo dadka mudnaanta leh, oo ay ku jiraan Linden Ave iyo xaafadda Lake City.
  • Joogteynta ama abuurista xiriirada cusub ee dugsiyada iyo meelaha bulshada, gaar ahaan Seattle iyo Shoreline.
  • Sii wadida ku guurista dhinaca shabakad joogta ah oo maalinka oo dhan oo ay ku jirto adeega baska ee habeenki iyo maalmaha dhamaadka isbuuca, iyo adeega aan ugu sarreeynin oo keliya.
  • Aagga adeegga cusub, ee Metro Flex ee baahida looga qabo waqooyiga Kenmore, Lake Forest Park taas oo ku isku xirta saldhiga tareenka ee Mountlake Terrace Link light.
  • Hormarinta wado isku xirta bari/galbeed, oo leh adeeg cusub oo soo noqnoqda maalintii oo dhan ee N 145th (Routes 72, 333 iyo 522 BRT), adeeg cusub oo joogto ah ee 125th ilaa 130th (Route 77 cusub), iyo wado cusub oo u dhexeeysa Lake City, Northgate iyo Greenwood (Route 61 cusub).
  • Waddooyin badan oo cusub oo u dhexeeya Lake City iyo Link oo ay ka mid yihiin kuwan soo socda:
    • Shoreline South/148th: Routes 65, 72 iyo 522 BRT
    • NE 130th Street Station: Route 77
    • Northgate Station: Routes 61, 67, 75, 322 iyo 348
    • Roosevelt Station: Routes 67 iyo 77
    • University of Washington Station: Routes 65, 67, 72, 75 iyo 77.
  • Adeeg cusub oo maalinki oo dhan ah oo ka socdo Waddada Lake City Way, oo ku xiraya Boosteejada Roosevelt Station iyo University of Washington (Wadada cusub ee 77).
  • Wado isku xirta oo sii socota ee laga bilabo Lake City ilaa Nathan Hale High School iyo Jane Addams Middle School (Route 65), iyo wado cusub oo kale ee laga soo bilaabo Pinehurst (Route 77).
  • Adeega isku xirka sii socota ee ilaa Sanford Hildebrant Towers, oo leh isku xir cusub ilaa Shoreline Place iyo Shoreline South/148th Station (Wadada 345 oo wax laga beddelay).
  • Adeegga tooska ah ee ilaa Ingraham High School (Wadada cusub 365).
  • Adeegga soo noqnoqda ee laga soo bilaabo Northgate ilaa North Seattle College iyo Northwest Hospital (Wadada 345 oo wax laga beddelay iyo Wadada cusub 365).
  • Adeegga joogtada ah ee soo noqnoqda ee magaalada hoose ee Seattle ee loo sii marayo Link, wadooyinka 5, 40, 62 iyo RapidRide D iyo E Lines.
  • Qaar kamid ah waddooyinka aaggaan waxay u baahan yihiin in lagu sii xiro Magaalada Seattle.
  • Isku xirka bari/galbeed oo la hagaajiyay, oo leh adeeg cusub oo kusoo noqnoqda maalinki oo dhan N 145th (jidadka 72, 333, iyo BRT–KA 522) iyo N 175th (Wadada 333), iyo adeega la hagaajiyay ee N 185th (Wadada 348) iyo N 155th (Wadada 345).
  • Adeegga soo noqnoqda ee sii socda ee magaalada hoose ee Seattle oo loo sii maro Link, Wadada 5 iyo RapidRide E Line.
  • Jidadka cusub ee soo noqnoqda ee maalinki oo dhan ah oo mara Link (wadooyinka 72, 333, 348 iyo 522 BRT).
  • Xiriirada la hormariyay ee Shoreline Community College oo leh Wadada 333 oo cusub kaas oo leh adeeg maalinki oo dhan oo ka yimaado Shoreline South/148th Station, oona dib loo habeeyay ee Wadada 331 kaas oo isku xiro lagaso bilaabo Boosteejada Mountlake Terrace Station iyo adeegga dambe fiidkii marka loo eego maanta
  • Adeega la wanaajiyay ee Shorewood High School (Wadada 333 ee cusub iyo Wadada 331 oo dib loo habeeyay) iyo Shorecrest High School (Wadada 65 dib loo habeeyay).
  • Adeeg joogto ah ee wadada 5th Ave NE inta u dhaxaysa Shoreline South/148th Station iyo Boosteejada Shoreline North/185th Station, oo xiriir toos ah ilaa Link bixiyo (Wadada cusub 365).
  • Adeega tooska ee dheeriga ah ee Shoreline Place iyo NW School for Deaf and Hard–of–Hearing (Wadada 345 ee dib loogu laabto).
  • Xiriirada maalinki oo dhan socda ee Northwest Hospital iyo North Seattle College (Wadada 345 ee dib loogu laabto iyo Wadada cusub 365).
  • Adeegga ugu sarreeya oo socda inta u dhaxaysa Aurora Village, Northgate, Seattle downtown, iyo First Hill (Wadada 303).
  • Isku xirka cusub ee Mountlake Terrace Station oo ku fidsan ilaa University of Washington Bothell, iyo adeegga fiidkii iyo dhamaadka isbuuca ee la wanaajiyay (Route 331 oo dib loo habeeyay).
  • Xiriirka cusub ee degdeg ah oo soo noqnoqda ee ka imanaya Bothell, Kenmore, iyo Lake Forest Park ilaa Saldhiga Link ee Shoreline South/148th (Sound Transit Route 522 Bus Rapid Transit).
  • Aagga adeegga cusub ee Metro Flex ee waqooyiga Kenmore, woqooyiga Lake Forest Park iyo koonfur–bari Mountlake Terrace. Adeegan baahida loo qabo ayaa bixin doona isku xirka Saldhiga Mountlake Terrace, Route 522 BRT, Lake Forest Park Town Center, Kenmore Park–and–Ride, iyo in ka badan.
  • Adeeg cusub oo soo noqnoqda maalinki oo dhan laga bilaabo Mountlake Terrace ilaa meelaha muhiimka ah ee Shoreline (Wadada 333).
  • Adeegga sarreeya ee inta u dhaxaysa Kenmore, Lake City, Northgate, magaalada hoose ee Seattle iyo First Hill (Wadada 322 ee dib loogu habeeyay).
  • Adeega soo noqnoqda ee degdegga ah ee inta u dhaxaysa xarumaha University of Washington Bothell iyo Seattle wuxu diyaar u noqon doona Route 522 BRT iyadoo lagu wareejinayo tareenka Link light ee Sadhiga Shoreline South/148th ama lagu wareejinayo Jidka cusub ee soo noqnoqda 72 ee 145th.

Iyadoo lagu salaynayo jawaab celinada laga bixiyey waxyaabaha mudnaanta la siinayo, khariiradaha soo jeedinta marinka ee kama dambaysta ah iyo faahfaahinta ayaa lagu daray xaashi kasta oo hoose.

Haddii aad marto wadadaan: Isbadelka lasoo jeediyay: Dib u eegista wadooyinkaan (PDFs):
5 5
16 5
20 44 45 61 62
28 5 28 77
45 31 32 45 75
64 62 65 link light rail iconLink
65 65
67 67
73 45 67 72 77 348
75 75
301 303 333 348
302 303 322 331 348
303 303
304 333 345 348
320 61 322 522 BRT link light rail icon Link
322 77 322
330 65 72 333 345
331 331
345 5 333 345
346 303 345 348 365
347 333 348 365
348 348
372 72 331 522 BRT link light rail icon Link
Metro Flex Metro Flex
ST 522 72 77 522 BRT link light rail icon Link
Link link light rail icon Link light rail

Hannaanka iyo jadwalka

  • La tashiga Hore ee Xiliga Qaboobaha
  • Wajiga 1 aad Qiimaynta Baahida
    Mobility Board waxay mudnaanta siiyaan baahiyaha
  • Fikradaha Adeegga Wajiga 2 aad
    Mobility Board waxay eegaan soojeedinada
  • Wajiga 3 ee Soo jeedinta Adeegga
    Mobility Board waxay eegaan soojeedinta kama danbeysta ah
  • Dawlada Hoose ee King County

Inta lagu guda jiro hawgelintan wajiga koobaad, Metro waxa ay ku wargelin doontaa dadweynaha guud–oo ay kujiraan rakaabka bulshooyinka saameynta soo gaartay–wixi kusaabsan baaxadda mashruuca iyo aragtida, waxa ayna xog ka aruurinaysaa baahiyaha adeegga ee laga aruurinaayo dadwaynaha, rakaabka iyo saamileeyda muhiimka ah. Xogtan ayaa gacan ka geysan doonta Mobility Board iyo shaqaalaha Metro qabyo–qoraalka adeegga ra'yi celinta dadweynaha inta lagu guda jiro Wajiga 2 aad ee hawgelinta.

Soo Koobista Kaqeybgalka Wajiga 1aad (PDF)

Inta lagu guda jro hawgelintan wajiga labaad ah, Metro la wadaagi doontaa xogta baaxadda mashruuca iyo argtida waxa ayna la wadaagi doontaa marinnada baska ee lasoo jeediyay oo kusaleysan xogta laga soo aruuriyey inta lagu guda jiray Wajiga 1–aad dadwaynaha, ayna ku jiraan dadka basaska raaca ee deegaannada saamayntu gaarayso. Waxaan ku uruurin doonaa jawaabcelinta ku aadan isbadellada marinka ee la soo jeediyay si aan wax badan ooga ogaano waxyaalaha ay bulshadu mudnaanta siiso iyo sida ay tahay inay xog ugu helaan marinnada kama danbaysta ah ee qorshaha basaska.

Shaqooyinka loo adeegsaday in bulshada looga waramo fursadaha wada tashiga waxaa kamid noqon kara:

  • La shaqaynta Community Based Organization (CBOs)
  • Qabashada kulannada luuqadaha badan
  • Warfaafin iyo boostiyada oonlayn ee luuqadaha badan
  • Boorarka Transit Alerts, Rider Alerts, iyo tabeelayaasha
  • Qaybinta agbka xogta ee casriga ah iyo/ama agabka daabicida oo luuqado badan ah
  • Xogta luuqadaha badan oo laga heli karo webseedka Metro
  • Isku xirka tooska ah ee lagu sameeyo astaannada baska, xarumaha safarka, iyo munaasabadaha bulshada

Soo Koobista Kaqeybgalka Wajiga 2aad (PDF)

Duubista kulanada khadka tooska ah ee macluumaadka bulshadayada:

Haddii aad jeceshahay inaad ku dhegaysato duubitaanka luqad kale, nala soo socodsii! Iimayl noogu soo (luuqada aad doorbidayso) barta: haveasay@kingcounty.gov

Wajiga ugu danbeeya ee hawlgelinta, Metro ayaa usoo bandhigi doonta dadweynaha soo jeedinta adeeg ee la cusbooneysiiyey, oo sharraxaya sida talada bulshada oo ka imaanaya Wajiga 2–aad ay saameyn ugu yeesheen cusbooneysiinadaan. Waxaan codsan doonaa fikrado laga dhiibto qaababka kor loogu qaadaayo soo jeedinta adeegga kahor inta aan la soo gabo gabayn. Kadibna waxaan dib u eegis ku samayn doonaa sida fikradaha bulshada, ahmiyadaha iyo sinaantu ay u saamaynayaan soo jeedinta kama danbaysta ah ee adeegga waxaana sharci doonaa talaabooyin kasta oo kale oo xiga.

Sida aad uga qaybgali karto

Wada shaqaynta Bulshada

Iyadoo loo marayo hannaanka hawlgelinta bulshada ee saddex-geesoodka ah, Metro waxa ay diiradda saari doontaa dhageysiga baahiyaha isku socodka, soo ogaanshaha kusaabsan caqabadaha ay la kulmaan rakaabka iyo fursadaha kor loogu qaadayo gaadiidka Waqooyi-galbeed ee King County. Waxaan si joogta ah u ogeysiin doonaa bulshoooyinka maxalliga ah wixi kusaabsan baddelidda xaaladaha ku keenaya caqabado isku socodka, waxaana la sahmin doonaa faa'iidooyinka iyo ganacsiyada dookhyada isku socodka mustaqbalka xubnaha bulshada iyo saamileyda.

Duubista kulanada khadka tooska ah ee macluumaadka bulshadayada:

  • Luuliyo 24, 2023

    (Isbaanish iyo Mandarin ayaa laga heli karaa hoosta badhanka )

  • Agoosto 15, 2023

    (Isbaanish iyo Mandarin ayaa laga heli karaa hoosta badhanka )

  • Agoosto 19, 2023

    (Isbaanish iyo Mandarin ayaa laga heli karaa hoosta badhanka )

Mobility Board

Metro ayaa isku keentay 15 xubnood oo ka socda Lynnwood Link Connections Mobility Board oo si siman u matala kooxaha dadka taariikh ahaan laga reebay wadahadalada go'aan gaarista la xiriira gaadiidka iyo kuwa ay si aan habbooneyn usaameysay go'aanadaan. Doorka koobaad ee Mobility Board waa in wada shaqeyn la yeelato shaqaalaha Metro si loo horumariyo loona nadiifiyo shabakad gaadiid oo isku xiran oo gobolka ah oo ku taala Waqooyi-galbeed ee King County.

Partner Review Board

Marka laga soo tago hawlgelinta gaarka ah ee Metro la leedahay iskaashatada mashruuca iyo saamileyda, Metro waxa ay sidoo kale isugu yeereysaa koox saamiley dibadda ah si ay ugu adeegaan sidii guddi dib-u-eegis fikradeed ahaan, loona yaqaano Partner Review Board. Guddiga waxaa kamid ah wakiilo kasocdo maamullada sharciga iyo machadyada waaweyn ee kujira aagga mashruuca, hogaamiyayaasha ururada bulshada, iyo wakiilo kasocdo iskaashatada hay'adaha gaadiidka. Doorka koobaad ee Partner Review Board waa inay dib-u-eegis kusameeyaan oo ayna faallo kabixiyaan fikradaha adeegga ee ay soo saareen Mobility Board.

Xog badan ka baro Partner Review Board..

Nalasoo Xariir

Iimeel ahaan (luuqada aad doorbido): haveasay@kingcounty.gov

Faalooyin Guud

Hadii aad qabto faalooyin ama fikir guud oo ah adeega Metro, la hadal (206) 553-3000. Adeegyada turjubaada waa la heleyaa!

Isdiiwaangeli si aad uhesho wararkii ugu danbeeyey (Af Ingiriis)

Dadka cusub ee isqoraaya

Hel macluumaadka iyo ogaysiisyada ugu danbeeyey ee kusaabsan munaasabadaha iyo guulaha laga gaaray mashruuca. Si aad iskaga qorto, gali macluumaadka lagaalasoo xariiraayo. (Si aad uhesho fariimaha qoraalka ah iyo iimeelka labadaba, waa inaad labo jeer isdiiwaan gelisaa.)

Dadka hadda qoran

Si aad umaarayso dookhyadaada, gali iimeelkaaga ama nambarka moobilka


Translation disclaimer

expand_less