
Talooyinka waaxda caafimaadka dadweynaha ee lagu joojinayo COVID-19
Public Health Recommendations to Stop COVID-19 in Somali
Diseembar 14, 2022: Tallaallo xoojin oo cusub baa hadda diyaar ah. Irbadaha xoojinta ee cusub ayaa beegsan doona caabuqyada Omicron ee faafaya iyo sidookale noocii asalka ahaa ee feyraska COVID.
Waxaa habboon in aad qaadato xoojisada cusub haddii:
- Waxaad jirtaa 6 billood ama ka wayn,
- Aad dhameystirtay taxanahaagii koobaad ee tallaallada (2-dii irbadood ee koobaad ee Moderna/Pfizer/Novavax ama 1-kii irbad ee Johnson & Johnson), iyo
- Ay kasoo wareegtay ugu yaraan 2 bilood irbaddaadii ugu dambeysay (irbaddaadii ugu dambeysay waxaa laga yaabaa in ay ahayd irbad koobaad ama irbad xoojin ah).
Qof kasta oo u qalma waxaa habboon inuu qaato xoojisada cusub, iyo gaar ahaan dadka ka weyn da’da 50 ama dadka leh jir difaac wiiqmay ama xaalado caafimaad sida sonkorow ama cudur wadne.
Ogoow: Ilmaha jira 6 bilood ilaa 4 sano ee qaata taxaneyaasha aasaasiga ah ee Pfizer ayaa qaadanaaya wadarta guud ee 3 kuuro. Haddii aysan dhamaysan kuurooyinkooda wali, waxay qaadan doonaan talaalka Pfizer bivalent oo ah kuuradooda saddexaad ee aasaasiga ah. Haddii cunugaagu horey u dhameystay 3 kuuro ee talaalka Pfizer, ma qaadan doono kuurada xoojinta ah ee bivalent.
U booqo Ku qaado tallaalka King County goobaha tallaalka iyo ballamo.
Flyer (PDF): Kobciyeyaasha COVID-19 ee la cusboonaysiiyay
Qaad tillaabooyinkan si aad gacan uga geysato maaraynta faafitaanka caabuqa “coronavirus” si midba midka kale uu ilaaliyo.
Ilaalinta ugu wanaagsan waa in aad qaadatid Tallaalka. Dadka si buuxda u tallaalan ayaa hadda waxyaabo badan si badbaado leh u qaban kara (bogga waa ingiriis kaliya) waxayna ka caawin karaan yaraynta COVID-19 ee bulshada dhexdeeda.
Ku xidhashada maaskaro meelaha khatarta sare leh (sida meelaha dadku ku badan yihiin) waxay caawisaa in la ilaaliyo qof walba. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la ilaaliyo dadka aan ilaalinta buuxda ka heli karin tallaalka, sida carruurta yaryar iyo dadka qaba xaalado caafimaad oo aan awood u lahayn inay la dagaallamaan fayraska.
Is baar haddii aad leedahay astaamo COVID-19 ama aad la xiriirtay qof laga helay fayraska.
Haddii aad iska tijaabiso COVID-19 ama aad halis sare ugu jirto cudurka, inaad goor hore daawaynta COVID-19 u hesho (macluumaad Ingiriisi kaliya) waxay kaa caawin kartaa inaad ka ilaaliso jirro daran iyo isbitaal dhigid. Weydii bixiyaha xanaanada caafimaadkaaga inuu arko haddii daawaynta lagugula taliyo.
Xadid ama yaree hawlaha kuna qabo meel dibadda ah haddii ay ka qayb-qaadanayaan dad aan la tallaalin. Fayrasku si fudud ayuu ugu fidaa meelaha gudaha, sidaas oo tahay ganacsiyada iyo ururaduba waxa ay yarayn karaan fayraska hawada ku jira iyaga oo oggolaanayo in hawo wanaagsan ay soo gasho gudaha iyo ayaga oo isticmaalaya qalabka sifaynta hawada (Bogga waa Engiriis kaliya).
Maamulka astaamahaaga COVID-19 ee gurigaaga
InfoɡrafikBaar si lagu Daaweeyo waa barnaamij cusub oo caawin kara dadka in ay is baaraan oo si dhaqso leh ugu helaan daaweyn bilaash hadday qabaan COVID‑19.
Xarunta Wicitaanka: Helitaanka adeegyada tarjumada
Tarjubaano luuqadeed ayaa Xarunta Wicitaanka ee King County kooronafayras diyaar kuugu ah.
Si aad u codsato turjubaan:
- Wac 206-477-3977
- Fariin ayaa maqli doonta. Sug hawl wadeenaha xarunta wicitaanka
- Codso luqadda aad rabto adoo Ingiriis ku hadlaya. Tusaale ahaan: dheh “Isbaanish"(ha dhihin isbanyool).
- Shaqaalaha xarunta wicitaanku ayaa wici doona tarjubaan. Ha dhigin telefoonka. Joog ilaa laguugu xiro tarjubaan.
- Su'aashaada tarjubaanka weydii
Kuma weydiinayno xaaladaada socdaal. Qof kastaa wuu heli doonaa caawimaad, iyadoon loo eegin xaaladdiisa.
Hagitaanka COVID-19
- Yaree khatarka COVID-19 intaad mudaharadka ku jirto, Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & King County
- Astaamaha COVID-19 dhifka ah ee caruurta, Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & King County
- Go’doon iyo karantiil, Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & King County
- Waxa La Sameeyo Marka Aad Leedahay COVID-19 Xaruntaada Oo La Shaki Ka Yahay ama La Xaqiijiyay, Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & King County
- Liiska Warbixinta ee Maamulayaasha Daryeelka Ilmaha: Tallaabooyinka looga Hortagayo COVID-19
- Liiska Warbixinta ee Maamulayaasha Daryeelka Ilmaha: Talaabooyinka La Qaado Marka Aad Leedahay COVID-19 laga shakisan yahay ama la xaqiijiyay Kiiska Xaruntaada
- COVID-19 Xaashida Xaqiiqada ah ee Qoysaska
- Warqadda ogeysiiska gaarista ee COVID-19
- Macluumad kooban oo ka mid ah Tallaallada COVID-19, Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington
- Hagaha Tixraaca Kuurooyinka Xoojiya Tallaalka COVID-19 ee loogu talagalay Dhammaan Da' Kasta, Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington
- Hel goobaha lagu qaato talaalada COVID-19, Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington
- COVID-19, Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington
- Tallaalka COVID-19, Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington
- COVID-19, Xarumaha Xakamaynta Cudurrada
Infoɡrafik
Fiidiyowyo
Maxay tahay sababta carruurta yaryar ay u qaataan tallaalka COVID?
Sida loogu diyaargaroobo marka ilmahaaga yar qaadanaayo tallaalka COVID
Waa maxay sababta loo helo xoojiye COVID?
Waxa la filayo marka ilmahaagu qaato tallaalka COVID
Boorarka
Calaamadaha daabacaadda iyo soo bandhigida si ay uga caawiyaan hay'adaha in ay la xiriiraan macaamiishooda iyo shaqaalahooda ee tallaabooyinka ay qaadayaan si loo yareeyo halista COVID‑19:
Diyaar u noqo inaad is caawisaan. Dareenka adag ee bulshada waxay inow fududaynaysaa inaan arintaan adag wado marno.
Link/share our site at www.kingcounty.gov/covid/somali