Skip to main content

Doorashooyinka Degmada King ayaa Markii ugu Horeysay Doorashooyinka Hordhaca ee Agoosto ee Soo Socda Warqadaha Codbixinta Ku Bixinaysa Luqadaha Ruushka iyo Soomaaliga

Doorashooyinka Degmada King ayaa Markii ugu Horeysay Doorashooyinka Hordhaca ee Agoosto ee Soo Socda Warqadaha Codbixinta Ku Bixinaysa Luqadaha Ruushka iyo Soomaaliga

Summary

Warqadaha codbixinta oo la turjumay iyo agabka codeynta ayaa markii ugu horeysay lagu heli doonaa luqadaha Ruushka iyo Soomaaliga marka la gaaro Doorashada Hordhaca ee bisha Agoosto ee soo socota. Sannado badan Doorashooyinka Degmada King (King County Elections, KCE) ayaa ku bixinaysay warqadaha codbixinta, agabka codeynta, adeegga macaamiisha, fariimaha, iyo waxbarashada codbixiyaha luqadaha Shiineeska, Kuuriyaanka, Isbaanishka, iyo Fiyatnamiiska.

Story

Codbixiyeyaasha ayaa dooran kara luqaddii dookhooda ah marka ay isku diiwaan gelinayaan codeynta oonleenka, ama ka cusboonaysiin kara luqadda ay doorbidayaan wakhti kasta oonleenka, iimeelka, ama taleefanka halka 206-296-8683.   

"Ballan qaadkeena ku aadan helitaanka luqadda ayaa ka balaaran erayo warqad ku qoran. Inaad awooddo ku codeynta luqaddaada hooyo ayaa aasaas u ah inaad awooddo inaad si buuxda uga qayb gasho dimuqraadiyaddeena.  Haddii ay tahay akhrinta bayaannada musharaxiinta ama fahmidda warqadda xujaynta saxiixa ee kugu soo gaarta boostada, waa muhiim in codbixiye kasta uu ku kalsoonaado fahmiddiisa ku aadan sida looga qayb galo doorashooyinka iyo cidda iyo waxa uu u codeynaayo,” ayay tiri Julie Wise, Agaasimaha Doorashooyinka Degmada King.   

Marka lagu daro warqadaha codbixinta iyo buug-yaraha codbixiyeyaasha, kooxda Helitaanka Luqadda iyo Isku-xirka Bulshada ee KCE ayaa turjuma agabka waxbarashada codbixiyeyaasha, webseedka doorashooyinka, foomamka, iyo fariimaha. Waxay sidoo kale adeegga macaamiisha ku bixiyaan luqadda maxaliga ah waxayna ka shaqeeyaan faafinta wacyiga ku saabsan adeegyada helitaanka luqadda ee KCE iyo sidoo kale waxay wax baraan dhammaan codbixiyeyaasha ee bulshooyinka degmada.     

KCE ayaa ku bixinaysay warqadaha codbixinta iyo agabka codeynta luqadda Shiinaha ilaa iyo sannadkii 2002, Fiyatnamiiska ilaa iyo sannadkii 2012, iyo luqadaha Kuuriyaanka iyo Isbaanishka ilaa iyo sannadkii 2016.  Agaasime Wise ayaa ku talisay in lagu soo daro afka Ruushka iyo Soomaaliga luqadaha lagu bixinaayo adeegyada doorashada ka dib markii dib-u-eegis lagu sameeyay xogta tirakoobka dadka iyo wareysiyo lala yeeshay bixiyeyaasha adeegga bulshada. Taladaan waxaa ku xigay tallaabo ay qaadeen Golaha Degmada King, oo ay ku jireen ansixinta miisaaniyada iyo sharciyada labadaba si adeegga helitaanka luqadaha loogu sii wado xad la'aan.  Ku soo kordhinta luqadaha Ruushka iyo Soomaaliga ee Degmada King ayaa kor u dhaafaysa heerarka federaalka ee ku cad Qodobka 203 ee Sharciga Xuquuqaha Codeynta ee sannadkii 1965.  

Media contact

Halei Watkins
206-477-4111
hawatkins@kingcounty.gov

Connect with us

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

expand_less